Sensitive
posts in American army such as in electronics, intelligence, special
forces and on war planes, are reserved only for U.S. citizenship
Mareykanka & xulafadiisa oo la kulmay iska caabin & taaktik aysan filayn
Idaacadaha reer galbeedka ayaa aad uga faaloonayey sida ciidamada Ciraaq ay u khiyaaneeyey Mareykanka & Ingiriiska Ciidamdooda, waxaa ay isticmaaleen taaktik aan lala dagaalameen ciidamda markey gudaha galeen ayey ciidamada Ciraaq laga bilaabo jidka isku xira Basra,Nazariya & Naja. Warar ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay hareereysan yihiin waxaana laga daawaday telefishinada Aljaziira maxaabiis Mareykan & kuwa meyd ah oo ay ag yaalaan taangiyadooda oo la gubay, mar wax laga weydiiyey Romestield inuu wax ka og yahay waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo Mareykan ah oo la la' yahay
Prey for peace and Iraqi people
Saddam Husain is verry courege man, he is verry strong man, he fights western countries, that's what he wants to call. No arab leader have ever chalange western country since Jamal Abdinazir of Egybt, all and all he is stubid cauze many innocent muslim people will die no reason.
My ALLAH save Iraqi people from two hells from Saddam and USA, Neither is good for Iraqi people.By: Gureey Calijiir
Tafatiraha bogga
The New world order
Can any one resistence American ofencive? Xaaldda maanta uu ku sugan yahay aduunku waa bilawgii dhamaadkii Mareykanka, waayo Mareykan aduuka waxa uu tusay waxa la yiraahdo Super Power inuu yahay oo uu aduuka ka taliyo, hadaba akhristaw sidaasi sideebay ku timid maxa ay ku timid si fudud mise sikale!
Waxaa lama huraan ah in USA uusan katalin doonin Ciraaq sida uu isaga moodayo, waayo waa dawlad Muslim ah oo leh saliidda aduunka ugu badan waxaa ku hareereysan waa wadamo IIraan, Syria, Saudi Arabia, haddii uu hubka faraha ka baxo u malay maayo in baqortooyada Savcuudi Carabiya ay sii jiri doonto
Col Hiiraale "Kan ugu danbeeya markuu dhinto ayey Amxaaro & dabdhilifkoodu kadib ay ka taliyaan Goboladan"
Sidaas waxaa yiri Col Hiiraale mar wax laga weydiiyey dabdhilf Morgan & Amxaaro Injirley inay abaabulayaan gulaaf colaadeed oo ku wajahan Gobolda Gedo, J/dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, kadibna waxa ay doonayaan inay u gudbaan gudaha siiba waxa isha farta ugu hayaan dekedda Kismaayo.
Who is Moorgan?
Warar ayaa sheegaya in dabadhilif Moorgan uu heshiis qarsoodi ah la saxiixday Injirley Amxaaro kaas oo dhigaaya in Dekedda Kismaayo ay Amxaaro maamuli doonto, iyaguna ay magaalada xukumi doonaan , haddii ay arintaa jirto ayaan waxaan wax ka weydiinay Col C/salaan Cali Nuur oo ka mid ahaan jirey saraakiishii ciidamii qalabka siday ee XDS. waxa uu noogu jawaabay "Caruurta hadda uurka hooyadood ka soo baxday xatta kuma fekeraan oo ma ogala heshiis sidaas oo kale ah, laakiin waxaa u haray Moorgan socodkii uu socon lahaa oo hadda waa uu guurguuranaya, waxa uusan kala garneyn C/laahi Yuusuf & Jaamac Cali Jaamac, waxaa kale oo uusan kala garaneyn Somalia & Ethoipia, waxaa kale uusan kala garneyn wadani & dabadhilif, waxaa kale oo uusan kala garnayn sokeeye & shisheeye, waxaa kale oo uusan k�la garanayn Puntland & Jubbaland, waxaa kale oo uusan kala garenayn Genraal & Korneel kan sareeya, waxaa kale oo uusan kala garenayn xaduuda Soomaliya & Itoobiya meesha ay ku dhacdo, waxaa kale oo uusan kala garaneyn Gedo & Gaalkacyo, waxaa kale oo uusan kala garaneyn dekeddaha Boosaaso & tan Kismaayo, waxaa kale oo uusan kala garanayn Mareexaan & Majeerteen, waxaa kale oo uusan kala garaneyn Gen Gaani & Gen Maslax kan xiga, waxaa kale oo uusan kala garaneyn Ak47 & M16 xabadohooda. Marka adeerow Ilaah ayaa iska wataa iga daa warkiisa"
Breaking News!!!!
Ciidamad Itoobiya oo xalay qabsaday Magaalada Dolow..(11/3/2003)
Warar aan maanta ka helay Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxay noo xaqiijiyeen, in saakay 10/3/2003, aroortii ay Degmada Dolow Qabsadeen Ciidamada Dalka Itoobiya oo ku hubeysan, Taankiyo, madaafic iyo gawaarida gaashaaman.
Ciidamada oo lagu sheegay in ay aadna u tiro badan yihiin, una hubeysan yihiin, illaa hadda lama oga, ujeedadadooda iyo in ay degmada ku ekaan doonaan iyo in ay Gudaha Gobolka iyo Soomaaliya ku sii socon doonaan.Sidaas waxaa qorey http://www.jubbavalley.net/
Col. Hiiraale & Gen Axmed Warsame oo kawada nabadeyn degmooyinka Jilib & agagaarkeed
Waxaa labadaas magaalo tagey Gen Axmed Warsame & Col Hiiraale oo ugu baaqey labada qolo ee mesha ku dagaalamay inay is hor fariistaan oo ka atashadaan sidii nabadda loogu soo celin lahaa, waxay kaloo labada nin ay sheegeen in ay ka warhayaan in Gen Moorgan & Amxaaro ay doonayaan inay mar kale soo qaadaan weerar laakiin waxaan u maleynayaa inuu weli qarwo ku jiro "sidaas waxaa yiri Gen Axmed Warsame"
Gen Moorgan oo ciidamo Itoobiyaan ah wata oo doonaya inuu qabsado Cabudwaaq & Balambale
Warar aad loogu kalsoon yahay oo aan ka helnay Cabudwaaq / Balmbale ayaa sheegaya in dhaqdhaqaa ciidan oo isugu jira Itoobiyaan & Soomaali la soo qafaalay ay doonayaan in qabsadaan labadaas magaalo, wararku waxaa ay intaa ku darayaan in aad looga diyaargaroobay labadaa magaalo gulaaf coladeed, Gen Moorgan ayaa isagu doonaya in uu culayska Kismaayo uu kala qaybiyo si ciidan gurmad ah uga soo baxaan KismaayoWarar kale ayaa sheegaya in ciidan xoog leh la keenay magaalada Luuq agteeda dhinaca Itoobiya, ciidankaas oo Itoobiyaan ah ayaa la garenayan sababta loo keenay
dhinaca kalena Waxaa magaalada Kismaayo ka socda shirar is daba joog ah shirarkaas oo ku saabasn sidii maamul balaaran oo xididda loo adkeeyo looga dhisi lahaa magaalada Kismaayo, wararka sheegayan in Doocada Jubba ay labo garab u kala jabtayna ay tahay mid been ah
Gureey Calijiir
Col Hiiraale oo sheegay in Amxaaro ay tahay cadwga koowaad ee Soomalida.....27.02.03
Col Barre Hiiraale oo mucaawino u qaybinyay dadka danyarta ee degen Kismaayo ayaa sheegay in shirka Amxaaro uu uga soo tegey faragalin toos ah oo ay ku heyso Soomaaliya awgeed, Korneelku waxa uu aad ugu nuux-nuuxsaday sida loogu baahan yahay midnimada & wadajirka umadda Soomaliyeed, la isagana baacin lahaa kuwa xun xun ee aan garenayn danta umadda Soomaliyeed una sheeqa cadwga umadda Soomaliyeed in iyagan lala xisaabtamo.Korneelka waxaa ku wehliyey Gen Axmed Warsame & Xubno sarsare oo ka tirsan Dooxada Jubba
Cudurdaar
Waxaan ka raaligalinyanaa akhristayaasha xiriirka tooska la leh boggaan in cilad farsamo nahayso awgeed ay noo saamixi weyday inaan idiin soo gudbino wararkii ugu danbeeyey, laakiin waqtiga soo dhaw aan idiin soo gudbin doono haddii ALLE idmo
Dagaal ka dhacay Kismaayo...21.01.03
Dagaal ay isaga horyimaadaan Jirri & Mooryaan ayaa ka dhacay Kismaayo, dagaalkaas oo sababay dhimasho & dhaawacba ayaa la sheegayaa inaysan ku salaysneen wax siyaasad ah, waxaana dagaalkaas ku dhintay 3 qofDhinaca kale Col Barre Hiiraale ayaa weli jooga Eldoret, waxaa uu la hadlay saraakiisha & saraakil xigeenada maamulka Kismaayo waxaana loo sheegay in ay aheyd mid kadis ah
Col Barre Hiiraale oo wareysi dheer siiyey idaacdda HornAfrik
Barre Wareysigaas waxa uu ku soo qaatey waxyaabo badan oo ku saabsan shirka & Qaabka uu u socdo hadaba dhagayso wareysigaas
Guji Halkan
Col Hiiraale oo ku noqday Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Col Barre Aadan Shire (Hiiraale)uu ku soo noqday magaalada Kismaayo waxaana ahlkaas ku soo dhaweeyey dadweynaha gobolka & maamulayaasha Kismaayo oo ugu Horeeya Gen Axmed Warsame & DR Daahir Carabeey, waxaa uu korneelku u sheegay in Shirku qasan yahay, wax rajo ahna uusan laheyn
Idaajaa & George Kapchits oo aqoonisweydaarsi qabtey
Saacaddu markey aheyd abaarihii 17:15 ayaan soo galay goobta shirka ama aqoonisweydaarsiga lagu qabaanaayey anoo ka soo cararaaya qabow & dhaxan ka dhacaysay banaanka caasimadda 2aad ee Denamrk Aarhus oo iayadu aheyd -4 decree, waxaan isla markiiba indhaygu qabteen kursi banaan waana ku fariistey, waxaa dadka hortiisa ku soo jeeda 3dex kursi & miis oo ay fadhiyaan George Kapchits, Idaajaa & xiriiriyaha.Waxaa markaas hadlaayey George oo run�ahaantii lahjad ahaan aad ka fahmeysid in luuqadda Soomaalida uu bartey, (George waxaa weeyaan nin Ruush ah oo ka hadli jirey idaacaddii Midowga Soofiyeetka ee ku bixi jirtey laanta afka Soomaaliga ee BBCda, idaacadaas oo la xirey sababo dhaqaalke awgeed).
George waxaa aad ugu nuuxnuuxasadey maahmaahooyinka Soomalida & Sheekooyinka Soomalida isagoo aan ka maqneyn kaftanka, waxayaabihii uu George yiri waxaa ka amid ahaa maahmoohinka Waayeelka ku saabsan & Sheekooyinkii Oday Biiqe & Caraweelo.
George ereyadiisii isoo jiitay waxaa ka mid ahaa "Waxaa halkaan fadhiya Idaajaa oo aan si wanaagsan u aqaano, haddii la iga hormarin lahaa cidna ima dhageysateen laakiin nasiib wanaag Saaxiikey Idaajaa ayaa yiri adigu hormar".
Sii akhri maqaalkan taabo halkan Idaajaa
A. Faarax Taano (Idaajaa) & khuboro kale oo aqoonisweydaarsi ku qabanaaya Denmark
Waxaa maanta oo ay bishu tahay 19 aqoonisweydaarsi ku qabanaaya magaalada 2aad ee Denmark ugu weyn ee la yiraahdo �rhus Idaajaa, Dr Yuusuf Xassan, George Kapchits (nin ruush ah oo afka soomaliga si aad ah u yaqaana), & Shiikh DayibWaxaa halkaa noo jooga oo warbixin nooga soo diri doona Caalamiin Cumar Diiriye, wareysina la yeelan doona Idaajaa
Raaligalin kali oo ku saabsan offline
Waxaan markale ka codsaneynaa akhristayaashanada in ay weli nahaysato cilad farsamo, sidaas wageed ayaan markale raaligalin idinka codsanaynaa, waxaase aan idiin ballan qaadi doonaa in aan wararka ugu xiio badan oo reer Sade idii wadi doono waqtiyada dhaw haddii ALLE idmo
Ciid wanaagsan
haddaan nahay bahda bogga Jubbbaland waxaan leenahay umadda Islaamku ku ciida ciid wanaagsan gaar ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan leeenahay ciid Mubaarak
Isbahaysi cusub oo ka abuurmay Eldoret
wararka ka imaanaya magaaladda eldore ee dalka kenya oo uu haatan kasocdo shika dib uheshiisiinta soomaalida ayaa lasheegayaa in ay kasoo baxayaan inay isu soodhawaadeen hogaamiyayaalka kooxaha siyaasadda ee hawiyaha ayna samaysteen isbahaysi cusub taasoo ujeedada kadanbaysaa ay tahay in ay rabaan inay kahortagaan waraka ah in c/laahi yusuf loo wado inuu somaliya kanoqdo madaxwayne . kooxahaas ayaa go aansaday inay iskumeel uga wada soojeestaan arintaas ooay u arkaan inay qatar ku tahay waxii ay raadinayeen oo ahaa in soomaaliya uu hawiye kanoqdo madaxwayne, hadaba ragga uu halkaas heshiisku kudhexmarey ayaa lasheegayaa in ay yihiin hogaamiye kooxyadda muqdisho ugu xooga badan sidda Xueen caydiid, Muse yalahow,Osmaan ato,Qanyare, Finish waxaan ragga wararka fidiyaa sheegeen inay doorteen gudoomiye cusub kaasoo lugusheegay ninkaasi inuu yahay ninka ugu daaroodkaneceb ee lagu magacaabo Maxamed qanyare.Waxaa qormadaan qorey Caalamiin Cumar Diiriye oo ka mid ah tafatirayaasha bogga Jubbbaland
Raaligalin akhrisatayaasha ku xiran boggaan
Waxaan akhristayaasha ka raaligalinaynaa in bogaan uusan wax warar soo dhigin maalmihii la soo dhaafay cilad farsamo oo iiga timid Intenetka awgii, waxaase rajeynayaa in aan wixii ka danbeeya Axadda uu socon doono wararkii & warbixinadii aad nooga barateen bogaan.
Waxaane leenahay umadda caalumul islaam Ciid wanaagsan IlAAH hanaga dhigo kii naga aqbala siyaamkanaga AAMIIINTafatire Gureey Calijiir
Avv. Raajis oo saakay ku geeriyooday magaalada Eldoret.Waxaa saakay 6:00 aroornimo ku geeriyooday MOI TEACHING AND REFERRAL HOSPITAL oo ku yaal magaalada Eldoret ee dalka Kenya marxuum Avv. Maxamed Raajis.
Avv. Raajis oo ahaa Xildhibaan islamarkaana ka tirsanaa wafdiga DKMG uga qeyb galaya shirka magaalada Eldoret ayaa muddo saddex maalmoodka haya cudur xagga neefsashada ah.
Avv. Raajis oo ka mid ahaa aqoon yahaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa geeridiisa ka nexeen dhammaan ka qeyb galayaasha shirka Eldoret iyo Soomaaliweynta kale ee ku sugan dibadda iyo dalka.Sidaas waxa qorey Ruunkinet.com
"Col C/laahi Yuusuf & Moorgan maxaa mataaneeyey
Wararka ka imaanaya Boosaaso waxa ay shegayaan in shalay oo khamiis aheyd ay yimaadeen Gen Moorgan & Col C/laahi Yuusuf iyagoo soo qaatey hal week oo fasax ah oo ay ka xaliyayaan dhibaatooyin badan oo halkaa ka jira oo ay ku marmarsiyoodeenLaakiin xaqiiqda dhabta waxaa weeyaan iyagoo ka fakaanaya Eldoreet oo ay ogaadeen in ay ka shifmeen oo ay yihiin dabdhilifyaal Xabashi ah
"Hiiraale, Gabyow, C/laahi Yuusuf, Biixi oo soo dhaweeyey shaxda cusub ee IGAD
Shaxda cusub ee IGAD waxaa si diiran u soo dhaweeyey hogaamiyaal ay ka mid yihiin Hiiraale, Biixi, C/laahi Yuusuf, Gabyow & rag kale waxaase arintaa gashaanka u daruuray (isdabayaac) oo kala ah Caatom Qanyare, IWM.
"Tan iyo Yoomul khiyaamihii ayaan soo halgamaayay" C/laahi Yuusuf
Mar C/laahi Yuusuf wareystey laanta afsoomaaliga ee BBCda ayaa waxa uu ku cadeeyey inuu doonayo inuu noqdo madexweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa wareysigiisiiCol. C/llaahi Yuusuf waxa uu caddeeyay in uu yahay musharax doonaya in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya haddii shirku gaaro wejiga awood qeybsigana uu isa soo sharaxayo.
?Tan iyo Yoomul khiyaamihii ayaan soo halgamaynay, maxaan isu soo sharixi weynay? Oo maxaa diidaya inaan anagu qabano? Waayo kuwo badan oo sheegtay madaxweyne ayaan u samirnay haddana wax qaban waayay.
Maxaad qabanaysaa ayaa la weydiiyey haddii lagu doorto, wuxuuna ku jawaabay wax badan baan qabanayaa nabaddii baan soo celinayaa, qarannimadii Soomaaliyeed iyo amnigii baan dib u soo celinayaa, wuxuuna sheegay in dowladdiisu aysan noqonaynin dowlad ay ka adag yihiin hoggaamiye Kooxeedyada & wadaadada seefka la boodka ah isagoo sheegay in uu hubka ka dhigayo dadka haddii loo baahdana uu adeegsan doono awood ciidan, waayo haddii runta la isu sheegi Soomaalidu waxay u baahan tahay awood.
IGAD oo soo saartay qaab cusub oo lagu salaynayo qeybsigaq ergooyinka shirka dub u heshiisiinta Soomaalida
Qoraal cusub oo shalay xilli dambe ay soo saareen guddiga farsammada IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa guddigaas si cad ugu qeexay qaab cusub oo guddigaas ku saleeyay sida kooxaha halkaas ku shiraya ay ergooyinka ugu qaybiyeen, sida qoraalkan ku cad, tirada rasmiga ah ee ergooyinkaayaa guddiga ka dhigay oo gaarsiiyay 400 oo ergey, halkii ay tiradaas horay uga ahayd 362 ergay.
Guddiga farsamada IGAD, wuxuu tiradaas 400 ah ee ergada ku saleeyay qaab beeled wuxuna u qaybiyay sida tan:
Beesha Daarood 84 xubnood.
Beesha Hawiye 84 xubnood.
Beesha Dir 84 xubnood.
Beesha Raxanweyn 84 xubnood.
Beelaha kale (others) 42xubnood.
Isu geynta ergooyinkan ayaa ah 378 ergay, waxaana intaas soo raaca 22 ergey oo guddiga farsamadu uusan beelna ku magacaabin, kuwaasoo sida loo qadan karo inuu guddigu ugu talo galay inuu ku maarreeyo cabashooyinka ay dhici karto inay soo baxaan mar dambe. Isbedelkan uu guddiga farsammada IGADku sameeyay qaabka qaybsiga ergada ayaa lagu tilmaami karaa isku day uu guddigaas rabo inuu xal ugu helo khilaafaad ayaammihii l;a soo dhaafay hakadka geliyayamba qaadakii shirka, hasa ahaatee arrintaan lafteeda ayaan lagu sheegi karin xal kama dambays ah oo looga gudbay is-qab-qabsigaas, waayo waxaa wali jira cabsi laga qabo diidmo ka timaadda dhinacyo kale oo ayagana horay uga soo hor jeeday in qaybsigaas lagu saleeyoqaab beeleed,.
Waxaa kaloo aan meesha laga saari karin in is-bedelkan ay sababeen cadaadis guddiga farsammada IGAD kaga yimid kooxihoo 8-dda ahaa ee ayaga horay ugu hanjabay inay shirka ka baxayaan, kuwaasoo ka cabanayay sidii ergada loo qaybiyay.
Salaan & kalataga miyaa mise aan wax wada qabsano?
Shirkii Eldoret ka socday ayaa waxaa uu muuqdaa mid aan wax guul ah aan laga gaareyn, waayo waxaa shirka ku dhexjira injir qurenleey (Xabashi) sida aad u argtidna wey adag tahay, waayo waxaaba ay ku dhexjirtaa jirkaadii qeybtii ugu muhiim saneyd ee aheyd madaxa, inta ay injirtaas baxaysanaysana wax horumar ah gaari maayo shirka.
WAR BIXINO TAXANE AH OO KU SAABSAN XAALADDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO HORUMARKA KA JIRA DHAMAAN GOBOLADA AY DEGAAN BEESHA REER SADE EE GEDO, JUBBOOYINKA IYO GALGADUUD.
WAXAAN LA SOCODSIINAYNAA DHAMAAN AKHRISTAYAASHA BOGGA JUBBALAND IN AAN U SOO GUDBIN DOONO WAR BIXINO TAXANE AH OO KU SAABSAN XAALADDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO IYO HORUMARKA KA JIRA DHAMAAN GOBOLADA AY DEGAAN BEESHA REER SADE EE GEDO, JUBBOOYINKA IYO GALGADUUD.
WAR BIXINTAAS WAXAA INOO SOO DIYAARINAYA MR. MAXAMED-WELI CABDI FARAX (DARI) OO DHAWAAN U TAGAY GOBOLADAAS SOCDAAL CILMI BAARIS AH (RESEARCH) OO HAATAN KU SUGAN MAGAALADA NAIROBI EE DALKA KENYA. LA SOCOD WACAN.
Eldoreet oo dhutinaysa
Shirkii soomalida ee Eldoreet ayaa hadda maraaya xaalad adag oo ah isjiidjiid, taas oo ay ka danbeyso dawladda Itoobiya, hogaamiyayaasha kooxaha ayaa iyagu ah kuwa u muuqda wax dabacsanaan ah ama isu dulqaadsho ah, waxaa farta lagu wada fiiqayaa Col C/laahi Yuusuf & Gen Moorgan & waliba Itoobiya. Waxaa shirka illaa & hadda dadaal dheeraad ah ugu jira inuusan burburin diblomaasiyiin reer galbeed ah siiba EU.warar ayaa sheegaya in ergeygii EU uu soo jeediyey in Col C/laahi Yuusuf & Col Jaamac Cali Jaamac labuduba aysam imaan karin madsha shirka inta ay kasoo heshiinayaan taas oo ay hogaamiyayaashii oo dhan aqbaleen, waxaa isla markiiba markii uu shirkii furmay hadana caqalad geliyey Gen Moorgan oo yiri waxaan la soo tashanayaa madexweynahayga Col C/laahi Yuusuf
Gen. C/casiis Cali Barre oo Mooryaani xayirtay maxaa ka jira?
Sida ay qoreen wargeysada kasoo baxa magaalada Xamar ayaa sheegaya in Gen C/casiis Cali Barre ay koox ilaalo u aheyd ay u diideen inuu kabaxo guriga inta lasiinayo mushaarkooda oo ay ku lee yihiin Genraalka. Gurigiisa ayaa waxa uu u jiraa dhawr talaabo kan C/qaasim uu degen yahay waa sida uu wargeysku qoree. Gen C/casiis Cali Barre ayaa waxaa loo magacaabay taliayaha gurmadka Degdega ah ee dawladda KMG ah.
COl Barre Hiiraale & Gen Moorgan oo hadalo kul-kulul isdhaafsaday
Wararka ka imaanaya Eldoret ayaa waxaa sheegayaan in COl Barre Hiiraale & Gen Moorgan ay hoolka madasha shirka ay isku dhaafsadeen hadalo aad u kul kulul, waxaa ay isagu yimaadeen hoolka shirka xalay, waxaa hadalka qaadenayey marba hogaamiye, inta badani waxaa ay ahaayeen weerar & werer celis ka dhaxeeyey C/laahi Yuusuf & isdabayaac(Qanyare, Caato, Macaane, TNF). kadibna waxaa hadalka qaatey Gen Moorgan oo hadaladisii ay ka mid ahaayeen
"Aniga seedigay baa dhulkaygii iga haysta oo Caabud waaq ka yimid, saddex ergaa la i siiyey dacwana ma qabo, Barre?na isgoo 13 ergey haysta ayuu leeyahay waa caddaalad-darro oo ma qaadanayo, guddi lama qabanayo waayo wax aynu ku heshiinaynaan jirin, marka aynu Igad u celino"
Waxaa isna hadalkii qaatey Col Barre Aadan Shire(Hiiraale)oo hadalo dhinbil ah ku tuurey Gen Moorgan
Gen.Morgan waxaa u jawaabay Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuu Morgan dhawr goor ku soo cel-celiyey inuu dhul ka haysto isla markaana uu Caabud waaq ka yimid, wuxuuna yidhi: ? Waa runtii oo Caabud-waaq waan ku dhashay, isaguna Qardho ayuu ka yimid, cidna dhulkan kama haysto ee dhulku waa dhul Soomaaliyeed, masuuliyadeedana waxaa ii dhiibtey dadka Jubada hoose iyo Jubada dhexe degan ilaa iyo inta dawlad dhexe imanaysana waxaan ka ilaalinaynaa Morgan oo kale?.
Gem Gabyow oo qarka u saaran inuu ku biiro Dooxada Jubba
Warar aad loogu kalsoon yahay oo aan ka helnay Eldoret ayaa shegaya in Gen Gabyow uu aad u suluugsan yahay qaybta kaga soo aadey SRRC, doonayana inuu ku biiro JVA, warar ayaa sheegaya in ay wada kulmeen Col C/risaaq Isaaq Biixi, Col Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxa ay kawada hadleen lama sheegin, waxaa kale oo Gen Gabyow uu la kulmay Jifada Ogaadeen ee shirka joogtaHadab taas dad badani kuma ah wax cusub waayo Gen Gabyow markasta waxaa loo arkayey in uu khatar ku yahay Gen Moorgan, oo waxaa laga qarin jirey Mision ama xeeladaha dagaalka, soo qaado tii ugu danbeysay ee Kismaayo uu Moorgan ku doonayey inuu ku qabsado.
Is marin waa weli tagan Eldoret
Is marin weli ka taagan shirka soomalida ee Eldoret, dawaladda Xabashida ayaa fargelin toos ah ku heysa shirka oo iayadu doonayso inay u kala qeybiso Soomaalida imaarado yar yar, waxaase illaa & hadda hortaagan G8 oo ah Isbahaysi Cusub oo ka dhashay Eldoret, Waxaa horboodaya hadda ergeyga gaarka ah ee marykanaka oo la kulmay G8 hal hal, lama oga waxa ay noqon doonto laakiin warar ayaa sheegaya in maanta uu shirku baaqan doono
Who is SRRC? Which area SRRC control?
Yaa ah SRRC? waa su'aal uu qof walba isweydiinayo xageese ayey xukuntaa ama ka talisaa?
hadaba waxaa maqaalkan noo soo diyaariyey Gureey Calijiir oo ah tafatiraha bogga
Guji halkan
Jaamac Cali Jaamac, Hiiraale, Biixi, Caato, Qanyare, Aadan Madoobe & kuwa kelaba ay ku hanajabey inay ka abaxayaan shirka
Sida aan ka soo xiganayno xogogaalo jooga goobta shirka oo ah Eldoret oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jaamac Cali Jaamac, Hiiraale, Biixi, Caato, Aadan Madoobe, Qanyare, Mawliid Macaane, Cumar Finnish, ay warqad wada saxiixeen u gudbiyeen IGAD, hadaba warqadaas ayaa waxaa ku qornaa inay ku hanjabeen inay ka baxaayaan shirka haddii aan Itoobiya fargalinta ay ku heyso Eldoret aysan ka wantoobin & in lagu noqdo sidii wax loo qaybiyeyHadaba waxaa arintaas oo kale wax ka qorey IRRIN
maqaalka ay qortey waxa ay ku wareysatey Qanyare oo uu sheegay in shirka ay qaseyso Xabashidu, dawladda Mareykanaka ergeyga gaarka ay u soo diretyna uu yahay nin aad ugu dadaalaya inuusan shirku burburin: Waxaa ka mid ahaa maqaalkii ay qortey IRRIN
The signatories to the letter comprise Qanyare's United Somali congress (USC); the Somali National Alliance of Usman Hasan Ali Ato; the USC/Somali Salvation Alliance of Umar Finish - all Mogadishu-based; Mawlid Ma'ane of the Somali African Muki Organisation; the Juba Valley Alliance, which controls the port city of Kismayo and much of the Lower and Middle Juba regions of southern Somalia; the Gedo-based Somali National Front of Col Muhammad Isak Bihi; the Rahanweyn Resistance Army faction of Shaykh Adan Madobe, which controls the southwestern town of Baidoa; and Jama Ali Jama, the rival claimant to the Puntland leadership.
Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo madax ka ah Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa sheegay in Itoobiya iyo iyagu ay dhufeys isugu jiraan.
Waxaa Waraystay: Maxamed Xaaji (IngiriisCol. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo madax ka ah Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa sheegay in Itoobiya iyo iyagu ay dhufeys isugu jiraan. Waxa uu xaqiijiyey in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu qaarkood ayu isku afgarteen in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Soomaaliya gudaheeda. Shalay galab ayaan la yeeshay waraysigan:
S: Sidee u aragtaa document-gii ugu dambeeyey ee galabta la soo saaray?
J: Shaxdaas ugu dambaysay oo guddiga farsamada IGAD ay noo soo gudbisay wuxuu ahaa wax xaqiiqada ka fog oo aan ninna uusan qaadan karin, mana ku qanacsanin. Waxaan u arkaa in shaxdaasi shirkii lagu soo gaba gabeeyey oo lagu soo afjaray.
S: Maxaa tallaabo ah oo aad qaadaysaan markaad si hoose isula shirteen?
J: Waxaa noo soo baxday oo aan is tusaaleynay inay tahay qanicii ugu dambeeyey ee na la ku qancinayey. Marka annagu hadda waxaan diyaar u nahay inaan dalkannagii isaga noqonno. Wax kale oo aan yeeli karnaa ma jirto.
S: Wax idinla hadlay oo idin kala soo xiriiray arrintan ma jirtaa si loo baajiyo fashil ku yimaadda shirka?
J: Maya, wax nala soo xiriiray ma jiraan. Iyaga laftirkooda baan raadinnay, waanan weynay. Waxaan rabnay inaan u sharraxno sida wax u dhacayaan. Meel ay ka bexeen ama galeen ayaan la? nahay.
S: Document-gan dambe inta aad ka hesheen iyo kii hore inta idinka soo gaartay, dabcan, farqi weyn uma dhexeeyo. Maxaad diiddan tihiin marka?
J: Annaga illaa maalintii ugu horreysay oo na lagu martiqaaday shirkakan numberkii nala siiyey oo aan ka dacwoonnay illaa iyo waqtigaan wax is beddel ah ma leh. Isku number uun bay nagu soo cel celinayeen, taasna waan diidnay, waxaana niri yeeli mayno. Wax is beddel ah ma laha. In fact, annagu awalba horey baan uga qanacsanayn, laakiin kooxo badan baa hadda nagu soo biiray oo dhammaan dadkiiyoo dhan baa rajo la?aani ku dhacday.
S: Barrow, dad badan baa waxa ay leeyihiin nimankan hoggaamiye kooxeedyada ah marka ay timaaddo wax dantooda saameynaya isku meel ayay ka soo jeesanayaan, danta dadweynaha waa ku kala tagayaan. Goormeed ka hadlaysaan xalka?
J: Annagu waxaan u diriraynaaba waa xalka dadka. Wax dan gaar ah oo annaga noogu jira ama nooga muuqda arrintan ma jiraan. Shirkaan annagu waan qiimeynay, arrimo IGAD u qarsoon iyo dad ay si gaar ah u wadato baa noo soo baxay. Waxa shirka yeeriya waa iyaga, wax Soomaali xal u ah inayna ka soo baxaynin bay noogu muuqataa. Sidaas ayaan go?aanka u qaadannay.
S: Aragtida ugu dambaysa ee aad hadda shirka ka qabtaan iyo rajadii hore iyo tan dambe waa sidee?
J: Horta maanta aragtida nooga soo baxday waxa weeye inuu shirku rajo la?aan yahay. Daqiiqadaha ugu dambeeya ee aan annagu iyaga arki doonno ma ogi waxa ka soo bixi doona. Laakiin, xagga naga waa ka gaba gabeysan yahay.
S: Waxaa hadda na soo gaaraya inaad doonaysaan in shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed ah aad ku qabanqaabisaan dalkii. Ka warrama haddii aad shir kale ku dhinac furtaan midkan sida caalamku idiin arki karo?
J: Halkaan wixii go?aan ah ee aan ka gaarnay gudahaan la tegi doonnaa. Waxaan go?aansannay shir aan hadal iyo qoraal keliya aan ku xirmi doonin ee aan practical u fulin doonno inaan qabanno, haddii Alle idmo. Qolada IGAD oo hoggaaminaysa shirka in dad is afgarto inaysanba rabin baan anigu u arkaa.
S: Maxaad jeclaan lahayd inaad tiraahdo gaba gabadii?
J: Waxaan dadka Soomaaliyeed ee halka jooga ama dibadda ama dalka gudihiisa u sheegayaa inay iyagu dantooda gartaan oo isu tagaan oo tashadaan oo Qarannimadoodiina ay raadsadaan. Iyagaa xaaladdu ku xiran tahay, iyagu inay wax dhistaan oo wax wada qabsadaan, annaguna qolyeheenna halkan isugu yimid waan is aragnay. Runtii, markaan aragnay caalamku ama IGAD siday wax u waddo wax badan baa iska kaaya beddelay. Annagu madax ahaan waxaan isku afgarannay inaan qorshe cad dalkii kula noqonno oo aan wax kaga beddelno wixii hore
Waxaa qaaday Max'ed Xaaji Ingiriis
Sawiro ah wafdiga SNF & Sade oo laga soo qaadey goobta shirka
Gedohomepage ayaa soo bandhigtay sawiro laga soo qaadey goobta shirka ka dhacaayo oo ah Eldoret, masawiradaas waa gudoomiyaga SNF Col C/risaaq Isaaq Biixi & Ugaas Ciise Ugaas hadaba si aad u daawatid sawiradaas & warar kaleba riix hoos
Guji Sawiro SNF ah
Col C/risaaq Isaaq Biixi & Col Hiraale oo Isbahaysi cusub samaystey
Isbahaysigaan ay sameysteen labada Korneel aya ka danbeysay kadib markii ay arkeen qaabka & sida uu u socdo shirka oo ah mid indhotir ah ayey waxaa sameyteen isbahaysi oo ay ka dhaadhacsheen hogaamiye kooxeedyo kale oo ay ka mid yihiin Caato, Qanyere, Mawliid macaane, Finnish, iyo dabcan Carte oo cagajiideysahadaba maxaa keenay labada Korneel inay isbahaysi abuuraan, ayaan waxaan weydiinay Col C/salaan Cali Nuur oo aad ugu kuurgala siyaasadda, ahaan jirey sarkaal sare ciidamadii XDS, waxaa uu ku jawaabay sidatan anagoo soo koobnay
Ma soconayso in SRRC la siiyo 65, Dooxada Jubba 13, waa wax aan la aqbalin karin, waayo SRRC intii la abuurey waxa ay la dagaalamaysay oo ay ku duulaysay waa Dooxada Jubba dhulka uu ka talyo oo ah Gedo J/Hoose & J/dhexe, amaba si kaleba SRRC waxaa loo abuureyba waa Dooxada Jubba, marka in ay kaga soo qeybgalaan 65, halka Dooxada Jubbana la yiri ku imaada 13 waxa maanka geli kara aha ayuu yiri Col C/salaan Cali Nuur
Wararkiu ugu danbeeyey ee dagaalkii ka dhacay Luuq
Warar dheeraad ah ayaa soo gaareya bahda tafatirayaasha boggaan, oo tibaaxaya dadkii sida gaadmada ah lagu xasuuqay magaalada Luuq, oo ay xasuuqeen Tigreey Waxaa soo baxaysa in Gen Moorgan & Tigreygu ay ku lug lahaayeen dagaalka ka dhacay Luuq, hadaba waxaan idiin heynaa dadkii lagu dilay magaalada Luuq raasaska ay kala ahaayeen
14.waxaa ay ahaayeen reer Axmed, 8.waxaa ay ahaayeen Reer Diini (6 reer Siyaad, 2 Ugaas Sharmaake), 2. Reer Garaad ah, 1. Celi ah, 7. reer Xassan ah, & Somaali kale
Waaxaa warkaas noo soo direy C/laahi oo jooga Nairobi
Roobab Mahiigaan ah oo ka da'ay Gedo
Roobab xoog leh oo mahiigan ah ayaa ka da'ay gobolka Gedo, roobabkaas ayaa la sheegayaa inay gaarsiiyeen khasaare weyn, Wixii war ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa haddii ALLE idmo Tafatire Gureey Calijiir
Shirka Eldoret oo qarka u saaran bur-bur
Shirka Eldoret ayaa qarka u saaran inuu ka dhaco dalowga, maanata ayaa kooxaha isugu yimid goobta shirka loo sheegay inay bilaabaan wareegga 2aad ee shirka, taas oo ku noqotay lama filanwaa kooxaha oo dhan, From C/laahi Yuusuf, TNG, JVA, SRRC, SNF USC and ETC, waxa ay wada noqdeen hal feker oo ah fajac, taasi waxa ku tusinaysaa in Power qarsooni uu ka danbeeyo shirka waana USA, kuna caadaadinaya inay saxiixaan
Hees & Buraanbur ayuu u bartey (Akhriste))
Sida uu usocda shirka Eldoret ayaa waxaa caqabad weyn shirka ku noqday Gen Max'ed Saciid Moorgan oo la qabsan jawiga shirka, waayo waxaa uu wataa + (plus) marka uu is yiraahdo -(minus) raadso oo meel qabso ayey meeshii is bedeshaa oo noqotaa kii uu watey "sida cadna labao isku item ah wey kala cararaan oo isuma soo dhawaadaan, labadii kala jaad ahna wey isu soo dahwaadaan oio waxbay wada qabsadaan" hadaba Gen Moorgan waxa oo noqday mid uu qof kastaa ka cararo Tusaaale Col C/laahi Yuususf waxa uu la heshiiyey Col Hiiraale, waxayna wada saxiixdeen heshiis qarsoodi ah, waxaa tusaale kuugu ah in COl C/laahi Yuusuf uu marna ka hadlin arinta Kismaayo mana soo qaadin, waxa uu ku yiri Gen Moorgan Xididkaa la heshii.
PS:Kama tarjumayso fikirka tafatiraha Bogga
Gureey Calijiir
Imisaa Ku dhimatey dagaalkii Luuq
Dagaalkii dhawaanahan ka dhacay magaalada luuq ayaa waxaa uu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee gedo ka dhaca, waxaa illaa & hadda ku dhimatay kuna dhaawacantay sida aan warar ku helayno illa 100 qof, waxaana badan dhaawaca halista ahSida aan warka ku helayno xattaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa odayaal cimaaamado cad cad qaatey oo isku dayaayey inay xabadda joojiyaan ayey u aabe yaalin, hadaba dadka la iska gumaaday ayaa aad u badnaa,
Xaaladda magaalada Luuq oo ka soo reynaysa
Wararka ka imaanaya magaalada Luuq waxaa ay sheegayaaan in magaalada Luuq ey xaaladeyda ay degenayad, oo ay ka soo reynayso, dhimashada ayaa la shegayaa in qiyaastii ay dhan tahay 16, wararkuna waxaa ay sheegayaan in dagaalku uu ku bilawday si kadis ah oo uu faraha ka baxay, dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegaya in Ugaas Cumar oo joogay Luuq markaas, hadese uu joogo GarbahaareyDhinaca Kale Col C/risaaq Isaaq Biixi & Mr Sayid ayaa ugu baaqey inay ilaaliyaan nabadda iskana ilaaliyaan wixii qulqulata ah Maleesiyoonka jooga Luuq, waxaa ay baaqaas soo saareen kadib markii ay la kulmeen diblomaasiyiin & dad ay caa'ilo yihiin oo jooga goobta shirka
Col Barre Hiiraale oo dhexdhexaadinayaa Mr Sayid Col C/risaaq Isaaq Biixi
Waxaa maqaal noo soo direy Ingiriis oo uu noo sheegay in Col Barre Hiiraale gudoomiyaha Dooxada Jubba uu dhexdhexaadinaayo Col C/risaaq Isaaq Biixi & Sayid, isaga oo ugu yeerey Hoteelka uu degen yahay,
Waa kan dhambaalki lIngiriisIska hor imaadkii shalay ka dhacay degmada Luuq oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qofood ayaa Guddiga farsamada IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Eldoret waxa ay ku eedeeyeen inay mas?uul ka ahaayeen labadii nin ee ay maliishiyada dirirtay kala taageerayeen oo kala ah; Cabdirisaaq Isaaq Biixi iyo Maxamuud Sayid Aadan
Raggan oo iyagu shirka ka qayb galaya, kana mid ahaa saxiixayaashii heshiiskii Axaddii la gaaray waxa ay sheegeen in iska hor imaadka maliishiyadoodu uusan ahayn mid siyaasadeed, uuna yahay mid si kama? ah ku dhacay. ?Labadayadu waxaan nahay saaxiibbo, mana is dirirsanin? ayay ku yiraahdeen labada nin guddiga IGAD iyo beesha caalamka oo xalay kala hadlay arrinta dagaalka
Guddiga IGAD, waxa ay ku adkeysteen in dagaalka Luuq lagaga jeedo in lagu fashiliyo shirka, waxaana ay qireen in iska hor imaadku u muujinayo Soomaalida iyo caalamkaba in saxiixii heshiiska shirka Eldoret uusan fuleynin, yahayna waxaan wax ka soo qaad lahayn
Shir ay xalay yeesheen guddiga IGAD iyo labada nin ayay ku heshiiyeen inay la hadlaan maliishiyooyinkooda, ayna xabbadda joojiyaan, dibna ay ugu noqdaan fariisimadoodii. Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la ixtiraamo xabbad-joojinta, tacsina si wadajir ah loogu diro dadkii ku dhintay dagaalka
IGAD, Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxaa dhex dhexaadinayey Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo inkastoo markii hore lagu eedeeyey isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu madaxda u yahay inay dagaalka ku jireen, haddana ay caddaatay inaysan wax lug ah ku lahayn
Waxaa sidoo kale shalay ku kulmay Eldoret Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Mowliid Macaani Maxamuud oo muddo dheer isaga soo horjeeday siyaasadda, sheegtana inay wada hoggaamiyaan ururka siyaasadeed ee beeshoodu leedahay ee SAMO
Labada nin waxa ay isku gacan qaadeen meel fagaare ah oo dad badani ay joogeen, waxaana ay sheegeen inay dhammeeyeen khilaafkooda oo hadda iyo wixii ka dambeeya ay hal meel ka soo wada jeesan doonaan. ?Waxaan rabnaa nabad iyo in ururku midoobo? ayay yiraahdeen.
Prof. Xuseen Maxamuud Muuse (Bantu) oo isna sheegta Guddoomiyaha SAMO garabkii uu ka geeriyooday Maxamed Ramadaan Arbow ayaa tilmaamay inuusan weli la kulmin Mowliid Macaani, laakiin ay jirto wada xaajood laga dhex wado. ?Aniga iyo Sheekh Jaamac waxba nagama dhexeeyaan, saaxiib ayaana nahay, laakiin lama kulmayo Mowliid sidiisa oo kale iyadoon na la dhex gelin? ayuu yiri.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Cabdalla Deerow Isaaq iyo Ra?iisal Wasaaraha KMG ah, Xasan Abshir Faarax ayaa shalay guriga uu ka deggan yahay magaalada Eldoret ku booqday Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada Golaha SRRC.Warar ku dhow dhow kooxda Xuseen Caydiid ayaa ii sheegay in labada nin ay uga mahad-celiyeen sidii uu uga dhex shaqeeyey iyaga iyo kooxaha diiddan, gaar ahaan sidii uu Xuseen Caydiid isugu soo dhoweeyey dhinacyada shirka ka qayb galay.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Eldoret, Kenya
E-mail: [email protected]
Dagaal ka dhacay magaalada Luuq
Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku naf waayeen dad gaareya 15, lama oga qiyaastii inta dhabta ah ee dagaalkaas ku dhimatey, laakiin waxaa dagaalkaas uu ku bilawday aano jifo ama raas oo ka dibna dhaliyey dagaal, Gudoomiyaha Dooxada Jubba Col Hiiraale, Gudoomiyaha SNF Col C/risaaq Isaaq Biixi, Iyo SNF SRRC Mr Sayid ayaa ugu baaqey kuwa ku dagaalamaya Luuq inay joojiyaan xabadda, iyaga oo jooga Eldoret ayey waxa ay soo saareen hadal wadajir ah
Dooxada Jubba & SPM-SRRC oo kala saxiixdey heshiis
Heshiis buuxa ayaa waxaa kala saxiixday ururada kala ah Dooxada Jubba oo ka tirsan SNF & SPM-SRRC. waxaa u kala saxiixay waa sidatan
Isbahaysiga Dooxada Jubba
1. Col. Barre Aadan Shire - Chairman
2. Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) - Ku xigeen 1-aad
3. Cabdi Maxamed Maxamuud (Yey) - Ku-xigeen 2-aad
4. C/raxmaan Xaaji Axmed (Waldiiro) - Afhayeen>
SPM/SRRC
1- Maxamed Xuseen Nuur (Xagaafe) - Ku xigeenka Xoghayaha Guud
2. Col. Daahir Cali Ciise (Labatinle) - Taliyaha ciidammada
3. Dr. Cabdi Colow Cumar - Arrimaha Dibadda
4. Ugaas Xasan Hilaal - Hoggaamiye dhaqameed
Waxaaa isagu diiday inuu ka qeyb galo shirka Gen moorgan oo isagu sheegay inuu saluugsan yahay shirka, heshiiskaas ayaa waxaa loo gudbiyey IGADD, Safiirada dawladaha shisheeye u fadhiya shirka, Jaamacdda Carabta, UN, Ergeyga gaarka dawladda Mareykanka ee Shirka, kan EU, qodobada shirka uu dhaiagaayo waxaa ka mid ah,
In xabbada joojin guud dhammman gobolada Jubboyinka
In la tixraaco heshiiskii 94 lakala saxiixday
In la isugu yimaado shirweyne
Wararkii ugu danbeeyey ee Eldoret
Wararkii ugu danbeeyey ee Eldoret & Wareysi Gen Gabyow ah ka akhriso halkanTaabo ama Eldoret
Barra Hiiraalae & C/risaaaq Isaaq Biixi oo wax ka saxiixay heshiiska
Heshiiska dhinaca Sade waxaa u saxiixay COl Barre Hiiraale & Col C/risaaq Isaaq Biixi oo ka kala socda Dooxada Jubba & SNF, waxaa kaloo Carta waxa ka saxiixaaay Gen GaaniDhinaca kale waxaa la dhawrayaa inuu yimaado shirka mar kale Madaxweynaha sii socda ee Kenya Moi maalmaha nagu soo aadan waa Arbacada ama Khamiista, kadibna waxaa la galayaa todobaad fasax ah waxaana loo guda geli doonaa wajigii labaad ee shirka
Shinaca Sade waxa la balansan yahay maanta ama berito oo Isniin ah in uu dhaco shir deg-deg ah oo looga arisanaayo shirka waxaana lagu wadaa iany ka soo qeyb galaan dhamaan ergooyinka reer sade ee jooga shirka
Tafatire Gureey Calijiir
Heshiis xabad joojin ah oo lakala saxiixday
Waxaa maanata oo Axad magaalada Eldoret lagu kala saxiixday heshiis buuxda oo xabad joojin ah ergooyinka jooga magaalada Eldoret, heshiiskaas oo dhigaaya in xabadda l joojiyo klana dhiso dawlad Qaran, waxaa wada saxiixay dhammaan hogaamiyayaasha kooxaha oo dhan
Geerida Istarliin Caruush oo saameysay shirkii dib u heshiisiinta ee Eldoret
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Eldoret, Kenya
E-mail: [email protected]
Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa maanta waxaa hareeyey geerida amakaagga leh ee Allaha u naxariistee Istarliin Cabdi Caruush Jimcaale oo ahayd samafale Soomaali ah oo u soo halgantay badbaadinta dadka taagta darran. Jahawareer ayaa ka jiray shirka, mana jirin wax kulamo ah.
Aayado Qur'aan ah ayaa laga daaray hotel Sirikwa oo lagu sii sagootinayo Marxuumadda. Galabnimadan waxaa la filayaa inuu furmo shirka, iyadoo hoos loo dhigi doono goor dhow calanka Soomaaliya oo ka mid ah calamada meesha suran. Shirka dhexdiisa waxaa Marxuumadda loo istaagi doonaa laba daqiiqo, sida uu ii sheegay Xasan Dhimbil Warsame
Marxuumad Istarliin Cabdi Caruush oo ka mid ahayd dad yar oo lagala tashaday qaabka shirka Eldoret u socon doono waxaa dilay rag ku hubeysan bastoolado, waxaana ay soo daba galeen gaarigii ay saarnayd Marxuumadda. Markii ay u istaagtay Istarliin inay kaga degto gaariga xaafadda Westlands ee Nairobi oo ay deggenayd ayay rasaas ku fureen. Waqtigu markaas wuxuu ahaa 2:00 habeennimo
Illaa laba xabbadood ayaa la rumeysan yahay inay ku dheceen. Kaddib dhulka ayay ku dhacday, waana ay dhiig baxday. Ragga dilay, Alle ha u naxariistee Istarliin, oo ahayd qof u hibeysay nolosheeda oo dhan taakuleynta dadka liita, lama garanayo dal ay u dhasheen, iyadoo hadalku u badan yahay inay ahaayeen dadka la soo kireysto ee Keenyaatiga ah. Warar kale ayaase sheegaya inay dileen rag tuugo ah. Dadkii dilay ma qaadan dhammaan wixii ay sidatay, taas oo sii xoojinaysa in lagu dilay shirqool
Dadkii ugu horreeyey ee tagay goobta dilku ka dhacay waxaa ka mid ahaa Cabdi Salaad Xasan oo ka tirsan wakaaladda Qaramada Midoobay ee IRIN. Cabdi Salaad waxa uu sheegay in markii uu meesha tagay Istarliin ay ahayd mayd, waxaana uu sheegay inay dileen tuugo.
Darawalkii waday gaariga ay ka degtay Marxuumadda ayaa dhaawacmay, waxaana laga soo xigtay inuu ka baqa-cararay Istarliin oo ay xabbadeynayaan burcaddu, dabadeedna ay ka daba rideen xabbado isagoo gaarigii wata.
Waxaa maydka Marxuumaddu uu hadda yaallaa isbitaalka weyn ee Nairobi, waxaana uu ku jiraa qaboojiyaha. Waxaa berri subax loo duulin doonaa magaalada Marka, halkaas oo loogu sameyn doono aas weyn, sida ay sheegeen shaqaalaha hay'addeedu.
Ilaahay Jannadiisii Fardowsa ahayd ha geeyee, Istarliin Cabdi Caruush waxa ay ahayd qof garasho iyo xikmad badan oo hal abuurkeedu uu sarreeyo. Waxay jeclayd dadkeeda iyo dalkeeda inay badbaadiso. Si weyn ayay u qiimeyn jirtay, una tixgelin jirtay Soomaalida meel kastoo ay ka yimaaddeen. Waxay kula macaamili jirtay wanaag iyo xushmad.
Istarliin, waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay magaalada Marka. Waxbarashadeeda sarre waxa ay ku qaadatay Talyaaniga, oo ay kaga qalin jebisay Jaamacadda Torino. Muddo dheer ayay Itaaliya ku noolayd, waana ay tegi jirtay fasaxeeda.
Laba iyo tobankii sano ee silica iyo saxariirta waxa ay ka shaqeynaysay Soomaaliyada colaadeysan. Markii iigu dambaysay ee aan arko marxuumadda waxay ahayd saddex cisho ka hor intaanu furmin shirka Eldoret oo aan isku salaannay xarunta Qaramada Midoobay oo ku taalla Girigiri, Nairobi.
Waxay ahayd Istarliin qof hadal yar, laakiin qosol iyo farxad badan. Dhammaan kooxaha ka qayb galaya shirka Eldoret si isku mid ah ayay maanta uga nexeen markii ay maqleen geerideeda. Qofkii ugu horreeyey ee ii sheega dhimashadeeda wuxuu ahaa Dr. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) oo i kiciyey waagu intuusan baryin.
"Waxaa la yaab leh inaysan ku dhiman dagaalka iyo xabbadaha Soomaaliya ee ay ku dhimatay Nairobi oo ay u timid nabadda Soomaaliya" ayuu yiri Xasan Dhimbil Warsame. Dr. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa isna sheegay inuu ka anfariiray geerideeda.
Wakiilka Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya, Winston Tubmoun oo ila soo xiriiray ayaa waxa uu yiri "Istarliin Caruush oo kale weligey kuma dhex arag Soomaalida. Si fudud ayay kuugu sheegaysaa baahida dadkeeda. Hal mar oo aan arkay, runtii, aad baan uga maqsuuday." Tubmoun waxa uu tacsi gaarsiinayaa shacabka Soomaalidoo dhan, gaar ahaan qoyskeeda iyo saaxiibadeed.
Ra'iisal Wasaaraha KMG ah, Xasan Abshir Faarax ayaa isna ii sheegay inuu naxdin awgeed dhulka ku dhici gaaray markii la soo gaarsiiyey geerida Marxuumadda. Cusmaan Caato oo iigu yimid qolkeyga ayaa codsaday inuu tacsi gaarsiiyo qoyskii Istarliin.
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo aan telephone ku wada hadalnay ayaa sheegay inuu ku eedeynayo dowladda Kenya in dadka ugu yimid nabadda iyo dib u heshiisiinta layska leynayo. "Allaha u naxariisto baan leeyahay, qoyskeediina tacsi baan gaarsiinayaa" ayuu yiri.
Cali Mahdi Maxamed ayaa isna usay inuu ka naxay geerida Istarliin, "waayo badbaadadeenna ayay ka shaqeynaysay" ayuu yiri. Xuseen Caydiid ayaa qeexay in Istarliin ay dileen gacan ka gardarran oo aan naxariis lahayn, "waase laga daba tegi doonaa" ayuu yiri.
Prof. Shariif Saalax Maxamed ayaa sheegay in geerida Istarliin ay u tahay Soomaalida qasaare weyn oo soo food saaray. "Garab weyn ayaa naga wada go'ay" ayuu yiri Shariifka oo tusaale u soo qaatay heshiiyadii Istarliin ay kula jirtay Suuqa Yurub iyo dalalka deeqaha bixiya.
Caasha Xaaji Cilmi Aamin oo ay Istarliin iskala shaqeynayeen howlaha farsamada shirka Eldoret ayaa sheegtay in Istarliin ay ahayd qof shaqa badan. "Geerideeda si weyn baan uga naxnay, waanan ka xunnahay" ayay tiri.
Abdinur Axmed Darmaan oo igala soo xiriiray magaalada Dubai ayaa ii sheegay in isaga iyo xaaskiisa Daruuro oo ay saaxiibbo ahaayeen Istarliin ay tacsi gaarsiinayaan qoyskeeda.
Madaxda isbahaysiga Dooxada Jubba, Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) oo iyaguma ii yimid ayaa u tacsiyeynaya qoyskii Istarliin iyo dadkii ay wada shaqeynayeenba.
Jaamac Cali Jaamac oo ii sheegay inay Istarliin isla ahaayeen reer Marka ayaa tilmaamay inuu ka qoomameynayo geerideeda, uuna Ilaahay uga baryayo inuu Jannadii ka waraabiyo. "Qoyskeeda iyo qoyskayagu waxaan ahayn saaxiibbo, dhammaan reerkoodoo dhanna waan is naqaan" ayuu yiri.
Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay inuu si fiican u yaqaanno Istarliin ayaa tibaaxay inay geeriyootay qof Soomaali uga jirtay baal dahab ah. Axmedey Sheekh Mukhtaar ayaa isaguna tilmaamay in Istarliin uu ku yaqaanno dadaal iyo ad-adayg iyo sidoo kale taakuleynta danyarta. "Waxaan ku wada dhigan jirnay Muqdisho Dugsiga Sare, Itaaliyana waan isla joogi jirnay" ayuu yiri.
Caasha Geelle oo ka mid ah haweenka Puntland ayaa ku duceysay in dadkii ay ka tagtay Istarliin uu Ilaahay siiyo beddel kheyr qaba. "Geeridu waa xaq, Allaha u naxariisto Istarliin oo ahayd gabar walaashey ah oo garabkeyga ah, dhibaato ayayna ku noqonaysaa deegaannadii ay ka shaqeyn jirtay" ayay tiri.
Maana Cabdiraxmaan Cali Ciise (Maana Xaajow) iyo Khadiijo Nuunow oo reer Marka ah, haatanna shirka ka qayb galaya ayaa sheegay inay u oynayaan walaashood Istarliin. "Marna qalbigeenna kama ay go'ayso" ayay yiraahdeen. Cabdalla Deerow Isaaq ayaa sheegay inuusan soo koobo karin waxqabadkii Istarliin, "laakiin waxaan qabaa in taariikhdeeda la qoro oo lagu dhigo dugsiyada" ayuu yiri.
Prof. Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Bantu) iyo Mowliid Macaani ayaa gooni gooni iigu sheegay in Istarliin aysan garanayn waxay ku qiimeeyaan. "Ma iloobayno, waana xusuusnaanaynaa, waxayna ahayd geesiyad" ayuu yiri Mowliid. "Bulshadeenna iyo bulshada rayidka waxay ahayd qoftii keliya ee u gargaaraysay" ayuu yiri Bantu.
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa isna tacsiyeynaya, waxaana uu yiri "Istarliin markaan maqlay geerideeda qalbiga ayaa i huray." Cabdirisaaq Isaaq Biixi ayaa isaguna sheegay in geerida Istarliin ay meel weyn ka banneynayso gargaarkii iyo samafalkii ka socday guud ahaan koonfurta Soomaaliya.
Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) ayaa hoosta ka xarriiqay inuu hubo in Soomaalida dhexdeeda aan laga helaynin Istarliin oo kale. "Dadku waa badan yahay, laakiin sida booskeedii loo buuxiyaa waa adag tahay" ayuu yiri.
Faadumo Jibriil oo ka mid ah haweenka samafalka ayaa sheegtay inay u muuqato Nairobi mid aan ka rooneyn Soomaaliya, "Dumarka gaashaan-qaadka ku noqday horumarinta bulshada ayay ka mid ahayd Istarliin." ayay tiri.
PS: laga bilaabo maanta waxaan xiriir toos ah la yeelanay Ingiriis oo nooga soo warami doona shirka Eldoret
Forget about dreaming to cupture Kismayo Port
Waxaa hubaal ah haddii aad god u qodeysid walaalkaa ha dheereyn, ku dhici maysidaa ma ogida, soomaalidu waxa ay ku maahmaahdo waa sax, Baydhabo waxa ay noqotey meesha looga soo duulo reer Sade, oo fidno sirikh oo dhan ah, waxaa hogaamiye u ahaa Gen Moorgan & rag kale, waxa ay ilaaween in magalaada Kismaayo ay u dhaw dahay gobolada Gedo & J/dhexe oo ah udubdhexaadka awoodda loolanka Kismaayo, waayo haddii aad taageero ka heysatid labadaa gobol waxaa lama huraanta ah inaad Kismaayo gacntaada ka baxeyn, Hadaba maxaa heysta magaalada Baydhabo waa xadgudubkii ay ku xadgudbeen heshiikii 1993dii ayb la sxiideen reer Gedo. Maanta Baydhabo waxaa looga arimiyaa magaalada Kismaayo waxaana ay hoos imaan doontaa Gen Axmed Warsame & Col Hiiraale, waayto labadaas hogaamiye waxa ay ku bahoobeen daacadda & midnimada & ka cararka fidnowadayaasha, hadaba waxaa nagu maqaalo ah in Gen Moorgan & Col Hiiraale ay kuwada kulmeen shirka oo ay isgacan qaadeen, Hadaba Gen Moorgan ma ergey ayuu hogaaminayaa mise waa xubin Col C/laahi Yuusuf ah, Nin daad qaadey xunbo cuskey oo aan ula jeedno. Meel lagu gabado oo ka wanaagsan daacdda ma jirtoWaxaa qorey maqaalkan Ciise oo jooga Nairobi
Fiirogaar ah
kama tarjumayso fikirka & afkaarta taftiraha bogga
Once agian Shaatigaduud Out, Aadan Madoobe & Xaabsade oo markale gacanta ku dhigay Baydhabo
Waxaa shallay galabnimadii gacanta mar kale ku dhigay ciidamo daacadda u ah Aadan Madoobe & Xaabsade, waxa ay meesha ka saareen maleesiyadii daacadda u ahaa Col Shaatigaduud, Wax bililiqo ah magaalada lagama soo sheegin, Baydhabo ayaa iyadu noqotey meel Somali Record jabisay intii dagaalada sokeeye ka socdeen wadanka, Col Shaatigaduud oo Libaax iska dhigay shirka Eldoret ayaa hadda noqday Bisad, hadaba waxaa la isweydin doona ma ku jiri doontaa gacanta Shaatigaduud,
Col Barre Hiraale & Gen Moorgan oo isgacan qaadey salaan
Sida ay qortey shabakadda Internetka ee somalitalk.com waxa ay wareysi ay la yeelatay Col Barre Hiiraale oo jooga Eldoret, Waxaa la weydiiyey Korneelka Su'aalo badan oo uu uga jawaabay sidii ay aheyd
Waxaa ka mid ahaa Su'aalahaasSu'aal... Maalintii Jimcihii waxaa shir wada fadhiyey adiga iyo Gen. Moragan, idinkoo is gacan qaadayana waan arkayey xaalku waa sidee ma wax baa colaaddii iska bedeley?
Col. Barre: Maya, laba nin oo macruuf ah oo shir isugu soo galay baanu ahayn, salaantaad arkayseyna waa midda Islaamnimada laakiin wax heshiisa oo aan galay ma jiraan
Hadaba akhriso wareysigaas oo dhan halkan
Guji halkan
Col Hiiraale oo aan khadka telelfoonka Eldoret kula xiriirnay 24.10.02
Xallay marka ay saacaddu geeska Afrika aheyd 19:00 ayaa waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Col Hiiraale waxaan wax ka weydiinay shirka sida uu u socdo & rajada uu ka qabo, hadaba angoo soo koobnay wareysigaas waa kanCol Barre Hiiraale waxa uu marka hore salaamayaa dhamaan jaaliyadda reer Sade ee aduun waynaha ku jooga, waxa uu korneelku hadalkiisa isaga oo sii wata yiri
Shirkan waxaan qabaa rajo weyn in Soomaali ay ka faa'iideysan doonto, walow ay jiraan dul-duleelo, Korneelkas mar aan wax ka weydiinay in ay is arkeen ergooyinka kale ee reer Sade, waxa uu korneelku ku jawaabay in reer Sade ay isla socdaan Soomaali weyna ay wax la qabsanaayaan, Korneelku mar aan wax ka weydiinay inay is arkeen Col C/risaaq Isaaq Biixi, & rag kale, waxa uu ku jawaabay waan is aragnay isagu waxa uu matalayaa SNF oo uu hormuud u yahay, waxaa kaloo jooga ayuu yiri reer Carta iyaguna waan iska war qabnaa, mar aan wax ka weydiinay in isaga & Aadan Madoobe & Xaabsade uu xiriir ka dhaxeeyo waxa uu ku jawaabay wax naga dhaxeeye ma jiraan, RRA uma kala hiilino sharafteena ayaa ka weyn, Col Shaatigaduud oo hadda jooga madasha shirkana waxa uu ii so direy ergey waana balasan nahay inaan is aragno, Korneelka mar aan wax ka weydiinay Gen Morgan, waxa uu yiri waa uu joogaa shirka, Waxa uu ii soo dirsadey niman aan isku heebnay bal inaan is aragno, anna waxba kama qabo ayaan ku iri, waan dhawreynaa waxa uu la yimaaado
Eldoret oo la is horfadhiyo, Is afmaraan waraa dhashay maanta, & Gen Gaani oo bad-baadiyey madasha shirka maanta
Wararka ka imaanaya goobta shirka ayaa sheegaya in madasha shirka uu ka dhashay buuq & sawaxan & is-maran waa ah ejendayaasha shirka oo ay noqotay midi-midi ku taag, ayaa waxaa goobta shirka hadalki qaatay Major Genaraal Max'ed Xaashi Gaani kaa oo soo jeediyey in dhammaan kooxaha ka qeyb galaaya shirka ay iska soo xuleen dhawr qof, kadibna laga dooda, taas oo ay ergooyinkii shirkii joogay ay aad ugu riyaaqeen, gudoomiyihii shirka oo ka socda IGGAD isna ku raacay ayaa waxaa la goostay in koox waliba ay 5 qof oo matasha keento, waxaa la ballansan yahay galabta marka ay geeska Africa tahay 15:00.Tafatire Gureey Calijiir
Saraakiishii kacaanka dhalisay darajadoodii & magacyadoodii
1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis))
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri) )
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis))
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri))
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri) )
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri))
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri) )
9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis))
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis))
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri) )
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri))
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) )
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri))
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri))
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri))
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri))
18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri))
20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri))
22. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri) )
23. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri) )
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri) )
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri).)Hadaba saraakiishaas ma waxa ay wada ahaayeen Qaran mise Qabiil? Misese isku qabiil ayey ahaayen Max'ed Siyaad Barre? Yaase noo bedelay raggaas sharafta lahaa? Ma Suudi Yaloxow, Shaatigaduud, Ina Caydiid IWM?
We never forget you all
21kii Octoober Qarankii Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey.
Waxaa qorey maqaalkan Yusuf Osman
[email protected] Sida dadka Soomaaliyeed ogyihiin maanta waxay ku beegantahay 21kii Octoober oo aheyd markii Ciidamada Soomaaliyeed oo uu hormood u ahaa Marxum Gen. Mohamed Siyaad Barre ay dhalliyeen Kacaankii aan dhiigu ku daadan ee 1969.
Waxaa xaqiiqo ah in Soomaali ka dhaxashey Maamuus iyo Magac xumo, dhibaato wajiyo badan leh, Xurmo daro, Geeri badan, Barakac, Boob iyo dhac, Kufsi Daryeel la,aan, Qaxootinimo, Baryo iyo Dawarsi kaddib markii ay noqotey Dowlad la'aan. Marka laga reebo in yar oo abaal dhacay mooyee shicibka Soomaaliyeed waa xusuusanyahay wax qabadkii badnaa ee Dowladdii Kacaanku u qabatey Dadka iyo dalka, waxaana lagu tilmaamey waxyaabihii dhacey 12kii sano ee aan Dowlad la'aanta aheyn Cajaa'ibaadka ugu waaweyn dhanka xumaanta ee Adduunka ka dhacay intii uu dhisnaa. Dadka Soomaaliyeedna waxyaabaha ay taariikhdii Kacaanka 21kii Octoober ee uu hormoodka ka ahaa Marxuumkii magaca iyo maamuska lahaa ee General Mohamed Siyaad Barre ( Siyaad Barre) ku xusuusandoonaan ebed marka laga reebo in yar oo ujeedo leh waddanina aan aheyn oo aysan dhibeyn xumaanta aan kor ku sheegney iyo qaar kale oo badan, waxaa ka mid ah:-
1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)
2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.
3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.
4-DHiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.
5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.
6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.
7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.
8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)
9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.
10 Abuursitii Jaamicadaha.
11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan
12- Baahinta Waxbarshada
13-La dagaalka Jahliga.
14- DHowrista Bee'ada (Envioronment)
15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.
Dowladdii Soomaali ugu danbeysey ee Kacaankii 21kii October intii xusuusan way garanayaan haddaaqii dadweynaha Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay raaliga uga ahaayeen Hoggaamiyahooda waxaana ka mid ahaa hadaaqaas (HORTA QABO SIYAADOO BAL CID KALE KU SOO DARA). Haddii aad eegtid intii uu meesha ka baxay Marxuumku waxaa sheegtey Madaxweynenimo dad badan oo inta aan ka xusuusto ka mid ahaayeen:- Cali Mahdi Mohamed, Mohamed Faarax Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur, Mohamed Ibrahim Cigaal, Cabdullahi Yusuf Ahmed, Daahir Riyaale Kaahin, Cabdulqadir Salad Xasan iyo Jamac Cali Jamac.
Haddaba Qaar ka mid ah Jaaiyada Soomaaliyeed ee London ONTARIO, CANADA waxay maanta xuseen 21kii Octoober iyadoo dadka soomaaliyeed xusuusanyihiin waqtiyadii wacnaa ee 21kii Octoober. Dadkii ka hadley Xafladaas waxaa ka mid ahaa Cabdi Baydhabo (SHarib) iyo Mohamed Rashiid Shiikh Xuseen (Tarey)
Waxaa isku soo dubaridey:
Yusuf Cusman
[email protected]
Ergey gaareysa 130 oo reer Sade ah oo ku sugan Eldoret
Mar aan la xiriirnay Eldoret oo aan wareysanay waxgarad jooga shirka waxa uu noo sheegay in reer Sade ay gaareyaan illaa & 130 ergey, ayna yeesheen wadatashi gooni u ah, ikuna raaceen in qaranimo la raadiyo,
Interview with Col Barre Adan Shire, chairman of the Juba Valley Alliance (JVA)
Irrin ayaa wareysi ka qaadey Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), wareysigaas oo ay uga qaadey goobta shirka ee Eldoret waxa uu uga hadlay ifofaalaha ka soo bixi kara shirka oo uu ka rajo qabo & arimo ku saabsan shirka Hadaba si aad u khrisatid maqaalkan Guji halkan Interview with Col Hiiraale
Ciidamo Xabashi ah uu ku sugan Baydhabo
Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ccidamo xabshi ah ay hadda ku sugan yihiin Baydhabo, wararku waxaa ay intaa ku darayaan in ciidankaas ay la safan yihiin col Shaatigaduud ciidankiisa, waxaa kaloo wararku intaa ku dareyaan in Aaadan Madoobe & Xaabsade ay is aruursi & sidii ay dib u qabsan lahaayeen magaalada ay wadaan
Xaabsade & Aadan Madoobe oo laga saarey Baydhabo
Wararka ka imaanay Baydhabo ayaa sheegaya in Col Shaatigaduud maleesiyo taageersan ay qabsadeeb magaalada Baydhabo, halka uu ku sugan yahay Xaabsade & Aadan Mdoobe lamo yaqaano, Col Shaatigaduud ayaa isagu ku sugan Eldoret, Qaabka lagu qabsadey Baydhabo waxa ay la mid tahay qaabkii uu Gen Caydiid ku qabsadey Gedo oo kale 1992dii
Tacliin, Tacab & Difaacba dalkaada ayaa kaaga baahan
Erayadaas waxaa isticmaali jirey xukuumaddi ugu danbeysay ee Kacaanka aheyd, waxaa marna shaki ku jirin in ereyadaas & areyo kaleba ay ku fadhiyeen micno weyn oo dadka badankiis aysan fahfimba xikmadda ka danbeysa ama fariinta ay sido, Bal aan tusaale u soo qaadano Tacliin, Tacab & Difaac dalkaada ayaa kaaga baahan,
Kuwa hadda ku shiraaya magaalada Eldoret weyba dabo mareen ereyadaas badankood, waxaa ku jira raggii ugu horeeyey ee xabad ku soo rida walaalahood soomaaliyeed, jabhado noqdo, xukun doonaya, hadaba waxaan leenahay kuwa ku shiraaya magaalada Eldoret noqda kuwa u aaya ubadkiina & jiilkiina danbe, Dalkii maanta waxa uu u baahan yahay Tacliin, Tacab, & Difaac haddii aydan ka faa'iideysan jaaniskan waxaad galeysaan taariikhda baalka madow ee Soomaalida
Gen Gaani oo la kulmay qaar ka tirsan SRRC
Warar aan ka helnay xogogaalo jooga shirka ayaa noo soo gudbiyey warkan oo ah in Gen Gaani uu la kulmay qaar ka tirsan SRRC oo uu ka mid yahay Gen Gabyow & Col Shaatigaduud, warar qaar ayaa sheegay in diblamaasiyiin ay u kala dab qaadayaan Col Hiiraale & Col C/laahi Yuusuf, si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in shirkani yahay mid macno dhalin kara haddii sidii loogu tala galay looga faa'ideysto, waxaa shirka laga filayaa inay ku soo biiraan Col Jaamac Cali Jaamac & Suldaan Garaase oo si weyn ay isku hayaan COl C/laahi Yuusuf, waxaa kaloo la fiayaa in uu shirka ku soo biiraan (IS DABAYAAC)Qanyare, Mawliid Macaane, Caato & Finish.Waxaase shirka waxaaoga gilgilay Aadan Madoobe oo sheegay inuusan ka qeyb galeyn shirka isaga & Xaabsade, laakiin warar ayaa sheegaya in ay tagayaan shirka, waxaa kaloo shirka gilgilay tirada kaq qeybgalaysa shirka oo aa d u badan
Tafatire Gureey Calijiir
Wafuudda reer Sade ee Ooficail ahaan
Illaa & hadda waxaan ka war heynaa in ay ka qeyb galayaan wafuud ka socota reer Sade oo ka kala imaanaya dhawr madax waxa aya kala yihiin
SRRC....>waxaa la siiyey 2
SNF.....>waxaa la siiyey 13
Dooxada Jubba waxaa uga soo aaday 3 maadaaama qeybsigii soomaali weyn
Carta...>waxaa uga soo aaday 3
Galgaduud....>waxaa uga soo aaday 4
Waxaa kaloo jira civil sociaty ahaan wafuud uga soo qeyb gali doonta oo gaari doona illla 25 kale
Waxaa soo ururiyey Gureey Calijiir
Another key person expected at the conference today is the Chairman of the Juba Valley Alliance[JVA] Mr Barra Aaden Shire .
(Allafrica.com)
Sidaas waxaa qorey wakaaladda wararka faafisa ee Internetka ee Allafrica.comGuji halkaan si aad u akhrisatid maqaalka ay ka qortey shirka Eldoret
Akhsriso maqaalka Guji halkan
Shirka Eldoret oo weli jah wareersan
Shirka dib uheshiinta soomalida ee ka socda Eldoret ayaa illaa & hadda jah wareersan, siyaabo kala duwan awgood, waxaa ka mid hogaamiyaal kooxeedyo aan weli imaan, tiradii loogu talagalay mid kabadan oo joogta shirka, & weli ajanda la'aan, waxaa kaloo ka mid ah in aan lagu heshiin qofkii noqon lahaa gudoomiyaha shirka
Mareykanaka oo ka muuqda shirka Eldoret
Dawladda Mareykanka ayaa si cad-cad uga muuqata shirka Eldoret, waxaana shirkaas goobjooga ka ahaa furitaankiisii safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya, saraakiil ka socatey wasaaradda arimaha dibadda ee mareykanka, EU, Arab leuge, African Unity, & diblamaasiin kale
Gen Moorgan oo diiday inuu ka qeybgalo shirka Eldoret oo hadda ka qeygalaaya shirka
Gen Moorgan & wafdi uu hogaaminaayo aya� hadda ka qeybgalaaya shirka Eldoret, Moorgan ayaa suluugay markii hore tirada loo siiyey inuu uga qeybgalo shirka, C/laahina uga soo tagey Boosaaso, hadaba waxaa nagu maqaalo ah in USA uu shirkan isagu abaabulay, marka yaan lagaa tagin ayuu is yiri siadaas waxaa yiri C/laahi oo jooga Nairobi
Gen Gaani & Mahad Dirir Guuleed oo Carta matalaaya oo jooga Eldoret
War aan helnay mar dhaw ayaa sheegaya in Gen Max'es Xaashi Gaani & Mahad Diri Guuleed ay ku jiraan wafdiga Carta ee ka qeyb galaaya shirka Eldoret,Dhinaca kale Waxaa ay wada hadalo yeesheen Col C/risaaq Isaaq Biixi, Col Hiiraale, Gen Axmed Warsame, Gen Gaani & C/raxmaan Jaamac Barre, waxa ay ka wada hadleen siyaasada reer Sade ee ku aadan shirka
Gen Axm,ed Warsame & Hiiraale oo hogaaminaya Dooxada Jubba
Shirka ka furmay Eldoret wadanka Kenya waxaa ka qeybgalaaya Hogaamiye Gen Axmed Warsame & Col Barre Hiiraale oo hogaaminaya wafdiga dooxada Jubba, Korneel Hiiraale ayaa ka soo kicitimay shalay magaalada dekedda ah ee Kismaayo waxaanu uu ka soo degey garoonka lagu magacaabo Wilson Airport, kadibna waxaa ku wareegeen diyaarad kale oo halkaas ku sugaysay una duushay magaalada uu ku dhasahay madexweynaha Kenya MOI ee la yiraahdo Eldoret.
Ps
Haddaan nahay bahda tafatirayaasha boggaan waxaan isku dayi doonaa inaan intii karaankeena ah aan idinkaga soo tabino shirka Eldoret
Shirkii Eldoret oo si rasmi ah u furmay
Shirkii baryahaanba la sugaayey inuu ka dhaco wadanka Kenya, ayaa si rasmi ahaana waxaa u furay madaxweynaha Kenya MOI, waxaa isna hadal ka jeediyey madaxweynaha Sudan Bashiir, Shirkaan oo waxoogaa ka yara duwan kii kale ayaa waxaa laga qabaa rajo aad u weyn, waayo markaan USA ayaa gacanta kula jirta shirka, waxaa kaloo ka qeyb galaaya dagaalooogayaashii Carta diiday inay ka qeyb galaan
Meeqa garab ayey ka kala imaanayaan Mareexaan shirka Eldoret?
Waxaan ognahay in shirka Eldoret ay ka qeyb galayaan dhawr garab ee Sade ah, waxa ay kala yihiin Dooxada Jubba oo ay hogaaminayaan, SNF oo ay hogaaminayaan, Carta oo ay xubin ka yihiin, SRRC oo ay xubin ka yihiin, hadaba su'aasha la isweydiinyao waxaa weeyaan ma dabooli doonaan baahida Sade ee siyaasadeed, waxaan arintaas wax ka weydiiney Col C/salaan Cali Nuur oo mar ahaan jirey saraakiishii XDSWaxaa uu ku jawaabay sidatan
"Waxaan hubaa Dooxada Jubba inay yihiin niman aan ku kalsoonahay inay nabad ka dhalin karaan, waxna la qabsan karaan walaalohood Soomaaliyeed, SNF sidoo kale, laakiin Carta & SRRC gooska danbe ayaan ku fiirinayaa" ayuu ku soo koobay
Col C/risaaq Isaaq Biixi oo ka qeybgalaaya shirka Eldoret
Col C/risaaq Isaaq Biixi & wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galaaya shirka lagu qabanaayo Eldoret ee Kenya, waxaa uu wataa wafti balaaran oo uu hogaaminaayo C/risaaq Isaaq Biixi
Guddoomiyeyaashii SNF ee is khilaafsanaa oo shir ku leh Garbahaarey
(xog-ogaal.com)45-xubnood oo ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaashii SNF isku khilaafsanaa ayaa Garbahaarey shir u tagay iyagoo ka soo kicitimay B/xaawo.
C/waaxid Diiriye (Col u joog) ayaa sheegay in guddoomiyeyaashaasi caddeeyeen in ay heshiiyeen, shirka Garbahaareyna ay taageersan yihiin.
Shirka Garbahaarey ka socda ayaa waxaa door weyn ku leh C/raxmaan Jaamac Barre oo mar Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ahaan jiray xilligii dowladdii hore. Dhinaca kale Barre Hiiraale oo u hadlay Isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa mar labaad ku celiyey in aysan lug ku lahayn dagaaladii Baydhabo, sidoo kalena wuxuu sheegay in Ciidamadooda ay u bilaabayaan mushaar.
Barre Hiiraale oo hogaamin doona Dooxada Jubba
War aan hadda ka helnay Kismaayo ayaa sheegaya in Col Hiiraale uu hogaamin doono wafdiga Dooxada Jubba ee shirka Eldoret ka dhacaaya, waxaa la socda wafdi balaaran oo ka tirsan maamulka Dooxada Jubba
Ugaas Cumar oo jooga Doolow
Ugaas Cumar ugaaska beesha Sade Daarood ayaa ku sugan waqtigaan xaadirka ah magaalada Doolow, ugaaska oo ay la socdaan nabadoono waxgarad & mas'uuliyiin ayaa socdaalo ku kala bixinaaya degmooyinka uu ka kooban yahay Gedo, waxaa uu soo marey Ugaasku Garbahaarey, Ceelwaaq, Buuloxaawo, Baardheere, & Doolow uu hadda ku sugan yahay.Ugaaska waxaa uu isla markiiba la kulmay Col C/risaaq Isaaq Biixi, Sayid, Yuusuf Kaantey & kuwa kale, wararku waxaa ay intaa ku dareyaan in uu la kulmay mas'uuliyiin Itoobiyaan ah
Wixii war ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Insha'alllah
Col Barre Hiiraale oo beeniyey wararka Shaatigaduud
Hogaamiyaha Dooxada Jubba ayaa beeniyey wararka ka soo yeerey Shaatigaduud, waa warar geed kugabad ah, wax taakula ah oo ay naga heleen RRA garabyada isku dagaalaya ma jiraan, Annagu ma kala jeclin Raxanweyn waxaana dhawreynaa heshiiskii 94 ay kala galeen labada beelood, waxaana leenahay kuwa dagaalka wada joojiya dagaalka, fidno hurayaashana ha iska saareen ee ku gabanaya gobolodooda, Korneelku waxa uu aad ugu nuuxnuuxsadey in loo baahan yahay nabad waarta
Waxaa maqaalkaa noo soo direy C/laahi oo jooga Kismaayo
Imaam C/rashiid Guraa oo booqasho gaaban ku tagey Nairobi & Mandera
Wareysi aan la yeelanay C/rashiid Guraa ayaa idiin soo gudbin doonaa hadddii ALLE idmo, waa warbixin guud oo aad xiise u leh
Waxaan idiin soo gudbin doonaa Insha'allaah todobaadkan soo socda
(riverineland.com):-Isbahaysiga Sheekh Aadan madoobe, iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, & Carta, Dooxada Jubba, oo duulaan ku soo ah magaalada Baydhabo
Baydhabo 03/10/02
Warar aan ka helney Magaalada Baydhabo, ayaa waxay sheegayaan in la gooyey Isgaarsiintii magaalada Baydhabo gebi ahaan ka dib markii laga warheley isbahaysiga ay hogaaminayaan Sheekh Aadan madoobe, iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo ahaa kuxigeenadii hore ee RRA-da, ay maanta weerareen Magaalada Diinsoor, ayna ka aruursadeen Fooneeyayaashii yaaley Magaaladaas ayna ku hanjabeen in ay weerari doonaan Baydhabo, saacadaha soo socda Baydhabo.Dhanka Madaxweyne Xasan Maxamed nuur Shaati-Gaduud, oo horey heegan ugu jirey ayaa isna u direy ciidamadiisa si ay uga hortagaan isbahaysigaas oo duulaan ku soo ah magaalada baydhabo,waxaa laga yaabaa in ay isku dhacaan saacadaha soo socda.
Dhinaca isbahaysiga oo ay hogaaminayaan Sheekh Aadan madoobe, iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade,oo gacan ka haysta Kooxda Carta,iyo Dooxada Jubba,ayaa waxay horey u diideen in la dhexgalo iyaga iyo Shaati-Gaduud,oo ay isku qilaafeen siyaasad, isku deygaas oo ay sameeyey Dhamaan bulsha weynta Digil/Mirifle,oo ku wada nool shanta qaaradood aduunka ,iyo Dowladaha deriska, ayaa waxay taagan yihiin dagaal ayaan ku kala baxaynaa inaga iyo Shaati-Gaduud.
Sidaas waxaa qorey bogga shaatigaduud taabacsan ee Riverland
Moorgan out, Shaatigaduud out, who is next?
C/laahi baa qarka saaran, maya C/qaasim ayaa isna qarka saaran oo Eldoret ayaa lagu khaarijinayaa!! Waxaa maanta laga saarey magaalada Baydhabo Shaatigaduud oo ku riyoonayey inuu xukumo Gedo & J/dhexe & J/hoose, waligeed taariikhda ma dhicin in dadyowga goboladaas dega ay hoos yimaadaan Baydhabo, (bad dream). hadaba riyadii waxa ay ku noqotay qarow, waxa uu marey jidkii la marsiiyey Moorgan, Xaabsade ayaa ahaa mid aad ugu dadaaleyey inuu la heshiiyo dadka dariska, hadaba sua'aasha la isweydiinayao waxaa weeyey Who is Next? Ma C/laahi baa oo la tacaalaya Caafimaadkiisa mise waa C/qaasim oo marba geed ku gabanaaya (Powerless president)? Time will tell. haddii aan sii joogno Insha'alaah
Tafatire Gureey Calijiir
Breaking News!!!
Baydhabo oo ka baxday gacanta Shaatigaduud, wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in Shaatigaduud saaka waabaerigii laga saarey magaalada Baydhabo, kadib markii dagaal culus uu kadhacay magaalada koortoreelkeeda, wararku waxa ay intaa ku dareyaan in Shaatigaduud uu sameynayo rogaal celin & abaabuul uu ka wado Buurhakabo
Xaaladda gobolka Gedo oo 100% wanaagsan
Xaaladda gobolka Gedo ayaa 100% wanaagsan wax dhibaato ama colaadeed ah kama jiraan, dadkuna waxa ay u hogaansameen dhaqan galinta shirkii Baardheere ee ahaa xabbadjoojinta.
Dhinaca kale weli waxaa socda shirar la isugu keenaya Sade siyaasiintooda oo la qabto shir 3 geesood ah oo kala ahGedo
J/hoose
& Galagaduud
Waxaa looga arinsoon doona ayaaha & nabadgalyada gobolada ay degaan Sade Daarood, waxaa shirkaas maraton ugu jira sidii ay u qabsoomi lahaa siyaasiin waaweyn oo uu ka mid yahay Dr C/raxmaan Jaamac Barre
Roobab mahiigan ah oo ka da'ay Gedo & J/dhexe & J/hoose
Roobab ayaa weli ka da'aaya gobolada Jubba la isku yiraahdo, roobabkaas ayaa la sheegayaa in aad loogu dersaday, laakiin khasaarohooda ay wataan, waxaa aay wararku sheegayaan in uu istaagay gaadiidkii isaga guuxi jirey goboladaas & maciishadda oo kor u kacday
Jaamac Buluug oo sheegay inuu wado dabqaad
Warar aan ka helnay ilo muhiim ah ayaa noo sheegay in Jaamac Buluug uu la kulmay Saraakiil sarsare oo Mareexaan magaalada Kismaayo, kadib u dib ugu duulay Nairobi wadana dabqaad uu u kala qaadayo Majeerteen & Mareexaan, warkaas waxa uu intaa ku dareyaa in Jaamac Buluug uu la saxiixday heshiis buuxa Gen Axmed Warsame & Col Hiiraale
Dr C/raxmaan Jaamac Barre oo tegey Doolow
Dr C/raxmaan Jaamac Barre ayaa tegey Doolow, waxa uu la kulmay Tigreey & Saraakiil SNF garabka Tigreey waxa uu ka dhaadhacshay qorshaha uu wato ee ah in nabad lagu soo dabaalo gobolka Gedo, C/raxmaan Jaamac Barre ayaa la kulmay sidoo kale tigreeyga si wanaagsanna wey isku afgarteen,
Breaking News!!!!!
Warar aan ka helnay ilo aad war gal u ah oo jooga London caa'ilana ah Col C/laahi yuusuf ayaa noo sheegay in Col C/laahi Yuusuf uu kooma(coma) ku jiro, dhakhaatiirtuna ay ku hawshan yihiin sidii loo daaweeyn lahaa, Korneelka waxa uu hadda ku sugan yahay London, wixii faahfaahin oo dheeraad ah waa indila socodsiin doonaa
Dhinaca kale Puntland ayaa 100% xasiloon waxaan gacanta ku haya ciidamada Korneel C/laahi Yuusuf daacadda u ah, lama saadaalin kalo saamayn in ay yeelato arinta c/laahi Yuusuf, laakiin waxgarad ku takhsuusay siyaasadda waxa noo sheegeyn in ay dhalin doonto loolan siyaasaded oo ka dhaca Puntland, 100 Madexweyne & kala googo'o & Gen Moorgan oo isna markale waagii u baryey (born again)xagga siyaasadda
Tafatire Gureey Calijiir
Beesha Dhulbahante oo ku soo biirtey Dooxada Jubba
Warar naga soo gaaraya ilo kala duwan oo warkooda lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in beesha Dhulbahante Daarood & beesha Mareexaan ay wadahadalo kadib ay ku heshiiyeen in ka mid noqdaan Dooxada Jubba, Wararka waxaa kale oo intaa ku dareyaan in wadahadalo u socdaan beesha Mareexaan & Majeerteen sidii ay uga mid noqon lahaayeen Dooxada Jubba oo ay hogaamiyeen gen Axmed Warsame & Col Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Sicir barar ka jira Kismaayo
Qiimaha raashinka daruuriga aha ayaa kor u kacay, sababtana waxa ay tahay iyadoo roobab mahiigan ah ay ka da'een gobolka J/hoose xireyna wadooyinka aada Libooye, Huuskuuni & Gedeba, magaalda gudaheeda ayaa iyana waxaa ka socda shirar
Xagge ayuu ku sugan yahay C/laahi Yuusuf?
Warar is burinaya oo midba midka kale lid ku ah ayaa shallay & illaa maanta la isla wareegaya dadku oo uu ka shekaysanayaan, ha ahaato Internetka ama goobaha soomalidu ay ku kulanto
Hadaba aan wax ka taabano waxa ay dadku isla dhexmarayaan
Col C/laahi yuusuf waxaa loo diiday inuu helo Visaha UK & USA xaaladiisana waa ay ka sii dareysaa waxaana uu codsaday inuu Visa ka helo ISRAEL
Guji halkan Puntlandpost ayaa qortey
kuwa kalena waxa ay lee yihiin waa uu caafimaad qabaa 100% waxa uuna jooga korneelku USA , shabakadda C/laahi yuusuf ee interneka ayaa siidaysay qoraalkaas Allpuntland
Fiirogaar ah: Wararka kama tarjumayso fikirka tafatiraha bogga Gureey Calijiir
Warar goos goos ah
Kismaayo
Roobab ayaa ka da'ay gobolada J/dhexe & J/hoose, waxaana xayirmay wadadii isku xireysay gobolada Gedo, J/dhexe & J/hoose. Jidka isku xira ayaa ah mid aan la dayactirin waqtigii u dhaxeeyey 1991dii illaa & hadda
Baydhabo
Dagaal ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhacao magaalada Baydhabo, Xaabsade & Aadan Madoobe ay doonayaan in magaalada ay xoog ku galaan, halka Col Shaatigaduud uu isan doonayo in uu xagsado magaalada Baydhabo
Gedo
Xaaladda guud ee gobolka Gedo ayaa 100% wanaagsan wax dhibaato ah lagama soo sheegin, wararku waxa ay sheegayaan in isku socodka gobolka uu ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, inkastoo meelaha qaarkood miino darteed looga baqaayo
Akhriso Wararkii hore ee la soo dhaafay
Wararkii hore
Filed by: kacaan, [[email protected]] 2000 Daily updated