Wareysi Jen. Aadan Gabyow “Ha noo taliyo, isuma talin karnee”
Jen. Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow ayaa dhowaan ku dhex ooyey shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Eldoret. Waxaan marka ka waraystay ooyintiisaas.
S: Jen: Gabyow maxaa kugu dhaliyey inaad ilmeyso?
J: Waxaa ii caddaatay inaanan waxba aanan ku haynin meeshan. Waxaan anigu rabay inay Soomaalidu wada hadasho keligeed oo ay iyadu dhammeysato arrimaheeda, kana baxno wareerka iyo dadka nagu dhex jira. Adduunka waxaa na looga haystaa taariikh xun, waxaana nahay dad aan jirin. Bal wax xoogaa aan dib isugu laabanno oo aan adduunka ku soo noqonno oo aan is daba qabanno. Soomaali kol dhow waxay joogtaa in taariikhda laga tiro. Intaanan la is raacinin Soomaalida aan isku imaanno oo aan is maqalno, aana heshiinno. Anigu midda aan taaganahay taas weeye. Laakiin haddaan cid ka sugno heshiiskeenna, ma jirto cid kula heshiinaysa. Nin walba gurigiisa iyo dowladdiisa ayaa u dhisan. Kuwan lagu leeyahay Afrikaanka nin walba dadkiisu waa u dhisan yahay. Marka annaga waxba nooma dhisna, adduunkeeniina annagaa iska burburinnay aan marka isku nimaadno oon hagaajisanno dowladdeennii hagaagsanayd.
S: Jen. Gabyow sow la isma weydiin karo in adduunku rabo in dowlad laga dhiso Soomaaliya iyo in kale?
J: Waa run, waana sax. Marka hore waa in la is weydiiyaa ma lagula rabaa inaad dowlad noqoto. Ilaahay baa og taas. Aniga hadda ma caddeynayo. Laakiin arrintaas iyada ah calaamad su’aal bay saaran tahay. Anigu waa la rabaa ma dhahayo, lama rabana ma dhahayo.
S: Dad shirka jooga baa waxa ay leeyihiin oohinta Jeneraalka waxay caddeynaysaa inuu wax ogyahay. Ma jirtaa wax aad ogtahay oo qarsoodi ah?
J: Waxba aniga afka ha ii gelin. Waxaan uun ogahay in shisheeye uusan doonaynin inuu dowlad iyo dal noo dhiso. Waxaan isku haynnaba ma jiraan, annaga ayaa nala ku tartamayaa oo korkeenna ayaa dagaal ka socdaa. Maxaa keenay in na la ku dul tartamo, waxaan leeyahay annaga Soomaali ah dowlad ma dhisan karno ee ha na loo dhiso dowlad, hana yimaaddeen ciidamo iyo xoog maquuniya kooxahaan oo nin walba uu doonayo Madaxweyne. Madaxa Allaha ka gooyee Madaxweynahani la raadinayo oo nin walba raadinayaa gebigiisaba ha laba taqalluso, ninna yaan la siin.
S: Yaad marka qabtaa inay dowlad u dhisaan Soomaaliya oo ay ciidan geeyaan. Ma Mareykanka, Qaramada Midoobay mise IGAD?
J: Adduunkoo dhan baan leeyahay hanaga hadlo, yuusanna noo dhiibin fekrad la leeyahay Soomaaliyey idinku is xalliya. Ma is xallin karno annagu, waana been inaan is xallin karno. Waa isku tagaynaa mana heshiinayno. Waxaa loo baahan yahay marka in na loo taliyo, sidaas ayaana oggol nahay. Wixii naga qaldan in na loo saxo weeye. Dadkii baa dhammaanaya, annaguna dadkii baan ka baayac-mushtareynaa. Lacago ayaa la sameystay, guryo ayaa la dhistay, waxaa la joogaa adduun la sameystay wax walba. War adeerayaalow shillin maanaan sameysan, qaarkeen waa eber, qaar waa dhergeen. Wixii horey looga dhergey horaa looga dhergee, waxa dambe sow in la daba-qabateeyo ma ahan. Wax dabaqateyn ah ma leh, welina ma heshiinayaan. Waxay marka u baahan tahay Soomaali in loo taliyo, iyadoon lala tashan.
S: Jeneraale, Soomaali ha loo taliyo ma xuma, yaadse qabtaa inay u taliyaan?
J: Waxaan qabaa inay u taliyaan Midowga Yurub iyo Ameerika iyo wadammadan kale ee Yurubta ku jira, sida Jarmalka iyo Talyaaniga. Waxaan intaas ka ahayn ma oggolin. Waxaan kale ee la sheegayo waxba kama jiraan. Dowladaha Carabtu walaaleheen weeye, lacagta ay bixinayaan yeysan bixin. Waa isku dilaynaa, maalin walbana ciidan baa lagu sameystaa, dadka ayaa lagu leynayaa, reerahana waa lagu dhacayaa. Naga daaya lacagtaas, maba rabno lacag gebigeedba. Waxaan doonaynaa lacag Soomaali u dhan tahay, laakiin lacag shaqsi loo dhiibo ma rabno.
S: Jen. Gabyow, waxaad ku dhex jirtaa dabcan shirarkan gooni goonida ugu socday maalmahaan oo dhan qaybaha is haya. Sidee shirarku u socdaan?
J: Shirkani waa wanaagsan yihiin. Is araggu waa fiican yahay, gaar ahaan in Soomaali is aragto, wada sheekeysato, wada xaajooto. Laakiin weli natiijada ma naqaan, waxa ka soo bixi doona. Cidna ma oga, mana garan karto waxa dhab ahaan ka imaan doona shirarkaan.
S: Maxaad jeceshahay inaad Soomaalida ku tiraahdo?
J: Waxaan doonayaa inay Soomaali is maqasho, walaalowdo, belaayada iyo baaska, ciqdiga iyo calool xumada iyo dadka la leynayo la daayo. War aan u noqonno Soomaaliyey Qarankeennii iyo umad-nimadeennii. Wax kale ma rabo, taas uun baan anigu rabaa.
Shirkii Dib-u-Heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret oo ku tallaabsaday guul
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Eldoret, Kenya
E-mail: [email protected]Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socday magaalada Eldoret ayaa shalay gaaray guul weyn oo taariikhi ah oo qabanqaabiyaasha shirku ay ka niyad-samaadeen. Waxa ay shalay kooxuhu saxiixeen labadii dokumenti ee shirku ku socon lahaa, horeyna loo soo bandhigay. Mid ka mid ah waxa uu ahaa xal dhab ah oo loo helo Soomaaliya.
Arrintan waxa ay ka dhigan tahay in shirku ka gudbay wejigii ama marxaladihii hore, una gudbay wejiga labaad. Ka gudbidda uu marxaladdii hore ka gudbay shirka ayaa loo arkaa inay tahay mid horumar laga gaaray wada hadalladii socday. Inkastoo, guul kama dambays ah oo shirku gaaro ay ku xiran tahay wejiyada kale ee shirka
Raga saxiixay heshiiskan waxa ay isugu xigeen sidan: Xasan Abshir Faarax, Cabdalla Deerow Isaaq, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Xuseen Maxamed Caydiid, Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud), Maxamed Qanyare Afrax, Xasan Cabdulle Qalaad, Mowliid Macaani Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish), Cusmaan Xasan Cali (Caato), Maxamuud Sayid Aadan, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Jen. Maxamed Saciid Xersi (Morgan), Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Hilowle Imaam Cumar, Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Jen. Aadan Cabdullaahi Nuur (Gabyow), Dr. Maxamed Aadan Waayeel iyo Shariif Saalax Maxamed Cali oo ku saxiixay magaca Civil Society oo lagu waday inay ku saxiixdo Marxuumad Istarliin Cabdi Caruush.
Waxaa kaloo heshiiskan saxiixay Ergayga Kenya ee shirka Elijah Mwangale, Xoghayaha Guud ee IGAD Cabdalla Xaamud Bashiir, “waxaa markanna saxiixaya Safiirka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ismaaciil Gudaal Buddun,” ayuu yiri shir-guddoonka Mowliid Macaani markii la soo saaray Jabuuti, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Cabdilcasiis Axmed, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Carlo Ungaro, Wakiilka Jaamacadda Carabta Maxamed Saalim Al-Xuseyni, Sarkaalka Mareykanka u qaabishan Soomaaliya Glenn Warren, Sarkaalka dowladda Masar uga wakiilka ah shirka Mustafa Cali, Sarkaalka uga wakiilka ka ah Midowga Yurub shirka Waliid Muusa.
Markii saxiixu uu marayey Warren ayay dhammaan ergooyinku hal mar ku qayliyeen “USA. USA. USA. UP.” Sidoo kale, markii uu saxiixayey heshiiska Ambassador Ungaro ayay yiraahdeen “VIVA. VIVA. VIVA. Italy.” Waxaa kaloo loo sacbiyey Wakiilka Masar iyo Waliid Muusa oo ah nin Suudaani ah, laakiin wakiil ka ah Midowga Yurub oo iyagu si aad ah isugu howlay wejiga hore ee guusha shirka.
Mowliid Macaani oo ahaa shir-guddoonka intii wejiga hore uu socday ayaa u mahad-celiyey dhinacyadii u doortay Guddoomiyaha Shirka. “Laba is dishay isma daaweyso” ayuu yiri Mowliid Macaani oo sheegay inuu isagu yahay Qooley, “Qoolleyna wax ma qaladdo” ayuu yiri.
Ergayga Kenya, Elijah Mwangale ayaa isna sheegay inaysan weligiis u suura gelin inuu la kulmo munaasabadda saxiixa heshiiskan oo kale. “Weligey kuma fekerin in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaarayaan heshiis kan oo kale ah, sidaas darteed waxaan idinkugu hambalyeynayaa magaca Madaxweyneheyga” ayuu yiri Mwangale oo sheegay in Madaxweynaha Kenya uu imaan doono Eldoret maalinta Khamiista, si uu ula kulmo saxiixayaashii heshiiskan.
“Runtii markii aan xalay u sheegay Madaxweynaha inaad aqbasheen heshiiskan wuu qaadan waayey, macquulna ma ahan ayuu yiri, wixii aan ka filayey wax aan ahayn ayay go’aansadeen kooxaha Soomaalidu ayuu igu yiri Madaxweynahayga” ayuu yiri Mwangale oo sheegay in saxiixani uu dabaaldeg u noqonayo carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed oo dhibaato aan la xisaabi karin ka dhaxlay dagaalka sokeeye.
Waxa uu sheegay Elijah Mwangale in wejiga labaad la dhisi doono guddiyo dib u heshiisiin ah, mid ka mid ahna ay howshiisu noqon doonto dhulalka la kala haysto. “Heshiiskan qodobadiisa waxaa ku jirta in la dhowro midnimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Mwangale. “Dhammaan axdiyada adduunka, gaar ahaan kuwa IGAD waxay ku saleysan yihiin inaan Soomaaliya la kala goyn” ayuu ku sii daray isagoo sheegay in Somaliland ay ku soo biiri doonto shirka inta uu socdo.
Afhayeen u hadlay Maxamed Qanyare Afrax oo si kulul u naqdiyey hadalkii ka soo yeeray Safiirka Itoobiya
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Eldoret, Kenya
E-mail: [email protected]
Nin xalay u hadlay ururka Maxamed Qanyare Afrax oo soo saaray qoraal ay ku asteysan tahay magaca Ururka USC ayaa si kulul uga fal-celiyey hadalkii uu dhowaan sii daayey safiirka Itoobiya Cabdilcasiis Axmed ee uu ku sheegay in siyaasiyiin ay isku koox yihiin Qanyare aysan lahayn door siyaasi ah.
“Waraysigaas safiirka uu siiyey Ingiriis waa nasiib darro, waanan ka xunnahay sida diblomaasiyad la’aanta ah ee uu u hadlay safiirku” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Qanyare oo intaas ku daray in Itoobiya ay ka muuqato inaysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.
“Inaysan Itoobiya ahayn neutral weligeen ayaan ku cel celin jirnay, waxaana hadallada safiir ku sheegga laga dhadhansan karaa in isaga iyo dowladdiisuba ay doonayaan inay fashiliyaan shirka nabadeynta Eldoret, waxaana ka cad warkiisa in dowladdiisu aysan ka warqabin xaqiiqda waddanka Soomaaliya ee ay ogyihiin wixii ay ku riyoodaan oo keliya” ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray “waxay moog yihiin wixii la soo dhaafay oo aysan jirin waqti la marin habaabiyo ra’yul caamka adduunka.”
Afhayeenku, waxa uu sheegay in Itoobiya ay caadeysatay inay shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ay ku qaladdo been abuur aan raadkooda la eegin iyo sal aan lahayn tiir lagu taago. Waxa uu hadalkiisa ku soo afjaray afhayeenka Maxamed Qanyare “ciddii dur carro ah kugu dhufata waxba kuuma dhimin ee caloosheeda ayay ku tustay.”
Dhanka kale, Axmed Saadaq Maxamed Faarax oo ka tirsan kooxda Nakuru ee isbahaysiga ah ayaa sheegay in kooxdoodu ay ahayd 8 urur, laakiin afar urur loo oggolaaday shirka, afarta kalena loo diiday. Waxaan ku baaqaynaa ayuu yiri in shirka laga joojiyo fara gelinta, qabsoomiddiisana waxay ku xiran tahay sida Soomaalidu ugu madax bannaanaato arrimahooda.
Shirka Eldoret ayaa dowladda Itoobiya ay ku leedahay kaalin muuqata oo cad oo aan laga hadal. Ergada Masar ayaa toddobaadkan si aad ah looga careysiiyey, kaddib markii loo oggolaaday inay shirka u fariistaan laba xubnood, halka Itoobiyana looga oggolaaday afar xubnood.
“Annagu Masaari haddaan nahay salaad kasta oo aan tukanno Ilaahay baan u barinnaa Soomaalida inuu dhibka ka qaado, meeshii aan waalidkeen u baryi lahayn, sidan in nala yiraahdana xaq ma ahan” ayuu yiri sarkaal Masaari ah oo magaciisa aan sheegin.
C/qaasim & Cabudwaaq
Shallay abaarihii saacadda geeska Afrika markii ay aheyd 16:00 galabnimo ayuu ka degey C/qaasim Dhuusemareeb, hadaba C/qaasim ma tegi doona C/waaq, maxeyse ku soo kordhin kartaa booqashadiisa haddii uu tego C/waaq?, hadaba hadddaan nahay tafatirayaasha boggaan waxaan isku deyi doonaa inaan idiin soo gudbin doono wax alaale wixii soo kordha
Tacsi ... 13.02.02
Inaa Lillahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun!!!
Anagoo kala ah:
Col. Cabdi Yuusuf Faadaco
Col. C/salaan Cali Nuur
Caalamiin Cumar Diiriye
Max'd Cabdi Jaamac (Gureey Calijiir)
Axmed Faarax Ducaale
Axmed Cabdulle Yuusuf
Waxaan Tacsi u direynaa qoyskii & qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum
Gaashaanle Sare Aadan Cabdi Ismaaciil (Aadan Timojilic) oo shalay ku geeriyooday magaalada Holstobro ee wadanka Denmark.
Waxaan Marxuumka Ilaahay uga beryeynaa inuu Jannadii ka waraabiyo qoyskii & qaraabadii uu ka tegeyna uu samir & iimaan uu ILLAHAY ka siiyo AMIIIN AAMIIN
PS:Marxuumka waxa uu ahaan sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed. Haddaan nahay bahda taftirayaasha bogaan waxaan sidoo kale u direynaa tcsidaas mid la mid ah qoyskii & qaraabdii uu ka geeriyaday marxuumku
C/qaasim oo doonaya inuu booqdo C/waaq...12.02.02
Madexweynaha KMG ee dawladda Carta ayaa doonaya inuu booqdo C/waaq & gobollo kale oo ay ka mid tahay Hiiraan, Waxaa uu hadda ku sugan yahay C/qaasim Jabbuti oo lagu wado inuu yimaado Dhuusomareeb, Wararka naga soo gaareya Xamar waxa ay sheegayaan in maanta uu ka ambabaxay magaalada Muqdisho wasiirkiisa Beeraha ee Carta C/waaxid Cilmi Goonjeex kaas oo ka soo jeeda beesha mareexaan, Si kastaba ha ahaate waxaa muuqato inay noqon karto mid dhalisa qulqulado cusub ama iska horimaad
Wado hadalo bilow ah oo u socda Isbahaysiga Dooxada Jubba & SRRC...12.02.02
Wararka ka imaanaya gobolada Gedo & Baay waxa ay sheegayaa in xoogaa is afgarad ah oo isu soo dhawaansho ah ay gaareen Isbahaysiga Dooxada Jubba & SRRC gar ahaan RRA, Waxaana la sheegayaa in Amaxaaradu ay aad u doonayso gogol xaar arintaas ah, ayna ka shaqeynaso sidii labada isbahaysi ay isku afgaran lahaayeen
"It's matter of time to cupture Moorgan"
Sidaas waxaa yiri Gen Gaani oo jooga Xamar, Mar aan ku wareysanay khadka telefoonka waxa uu noo sheegay in ay tahay gardaro cad in la soo weeraro magaalda Baardheere, waxa kale oo uu hadalkiisa ku darey in uu taagersan yahay siyaasadda Col Barre Aadan Shire (Hiiraale)ee ku aadan gobolda Gedo & J/hoose & in shir weyne la qabto
..
Wafti Mareykan ah oo jooga magaalada Kismaayo..11.03.02
Wafdi ka socda Mareykanka ayaa gaarey magaalada Kismaayo, waxa ay la kulmeen gen Axmed Warsame & Daahir Carrebay & madax kale oo jooga Kismaayo,
Xaaldda guud ee gobolka Gedo oo ay ka muuqato Nabad
Sidii uu u yimdba Col Hiiraale waxaa muuqata in dadka badankiisu ay la dhaceen fikradaha uu wato Barre Hiiraale ee ka aadan waqtigan xaadarka, mar aan ka wareysanay nin wargal ah oo jooga Baardheere waxa uu noo sheegay in maalin walba ay yimaadeen siyaasiin & dadweyne faro badan lana kulmaan Hiiraale & waftigiisa. Waxa ay dadku muddu ku dhaw 6 sano ay waayeen meel ay wax ugu hagaagaan balse hadda waxaad moodaa in xatta kuwa badan oo la marin habaabiyey ay soo leexdeen.
NB: Waxaan idiin balllan qaadeynaa haddaan nahay bahda ama tafatirayaasha boggaan idiin iddin soo gudbin doono wixii macluumaad ah ee soo kordha
Magaalada Baardheere oo ku shireen Barre Hiiraale & Biixi
Waxaa magaalada Baardheere ku shirey labada colneel ee kor ku xusan , waxa ayna isla af garteen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen loona afgaran lahaa dawladda Xabashida, lagana hortago cadow kastaa oo kor horyimaada midnimada Sade & in aan marnaba hub la isku keen dhiibo
Gen Axmed Warsame oo u soo noqday Kismaayo
Gen Axmed Warsame & waftigii uu hogaaminaayey ayaa ku soo soo noqday magaalada Kismaayo kadib markii uu booqasho ku kala bixiyey magaalooyin & tuulooynka ku hareereysan gobolka jubada Hoose
Shaati gaduud ma waalan yahay mise waa riyoonaya?
sidaas waxaa yiri Col Cabdi Max'd Faadaco oo ku nool Europe, Waxa uu ku sii darey hadalkiisa Faadaco, RRA nagama itaal roona mana hanjabi karto, taas waxaan ugala dan leeyahay wareysiga uu shaatigaduud siiyey BBC oo ku yiri Baardheere anagaa horey u joognay waxay la mid tahay, anagaa iska leh ayuu yiri Faadaco. Waa wax aan la aqbali karin ayuu ku soo gabagabeeyey Faadaco:
Qoraal uu soo saarey Col BIIXI
Badbaadinta iyo iskaashiga Gedo iyo Dooxada Jubba(06/03/2002)
Akhriso qoraalkaas & warbixinta uu soo diray Col C/risaaq Isaaq biixi
Guji halkan
Gen Axmed Warsame oo booqasho ku tagay Jilib
Gen. Axmed warsame & wafdi balaaran oo uu ka mid yahay gudoomiyaha magaalda Kismaayo Daahir Carebey ayaa booqasho shaqo ah ku tegey magaalada Jilib & nawaaxigeeda, waxaa halkaas ku soo dhaweeyey dadweyne & waxgaradka beelha halkaas degen, Genaraaku waxa uu ku adkeeyey in ay nabadda ilaaliyaan oo ay adkeeyeen
COl Hiiraale oo la kulmay saraakiil Itoobiyaan ah
Wararka ka imaanaya Baardheere waxa aya sheegayaan in Barre Hiiraale uu la kulmay saraakiil Tigrey ah, lama oga waxa ay ka wada hadleen waxaase loo maleynayaa in ay kawada hadleen xaaladda ka taagan gobolada Gedo & Jubada Hoose
RRA oo ku dishay magaalada Baydhabo 3 qof oo u dhashay gobolka Gedo.....04.02.02Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in RRA ay ku dishay magaalada Baydhabo 3 qof oo reer Sade ah, Illaa & hadana lama hayo wax war oo isa soo taraaya, Dadkaas la dilay ayaa waxa y joogeen magaalda Baydhabo intii aan dagaal ka dhicin magaalda Baardheere
Kacaan Is Back
Waxaan idiin ballanqaadeynaa wixii hadda ka danbeeya inaan idiin soo gudbin doono wixii warar ah ee ku soo kordha gobolada ay degaan Sade ...04.02.02
Concord oo ku burburtay Paris.....July 25, 2000
Diyaarada guuxeeda ka dheereysa ee Concord ee Air France leedahay ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Charles de Goele ee Paris ku yaala, dadkii saarnaa oo dhanna way ku dhinteen
"Cahdiga Carta oo u baahan in hal qodob laga bedelo" July 24, 2000....Jaaluu
COl C/salaan Ali Nuur oo ahaan jiray sarkaal sare ayaan hordhignay cahdiga Carta & waxa ay isaga la tahay...
Kadib markii uu akhriyey oo uu kuurgaley ayuu waxa uu yiri, "Qodobada Cahdigu aad & aad ayuu u wanaagsan yihiin marka laga reebo midda dhigaysa in madexweynuhu uu yahay taliyaha ciidamada, waxaa wanaagsaneyd inay arintaas ka fiirsadaan" ayuu ku soo gabogabeeyey
Col C/salaan Cali Nuur (Jaaluu) Denmark
Kismaayo, Baardheere, Cabudwaaq & magaalooyin oo badan oo Soomaaliya ah ayaa ka dhacay banaanbaxyo.... July 24, 2000
Banaanbaxyo looga soo horjeedo faro galinta ay dawladda Masar ay ku hayso shirka Carta oo aysan doonayn in shirkaas uu hirgalo
Magaalooyinkaas uu banaanbaxaas ka dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa Kismaayo, Cabudwaaq, Baardheere & magaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaala, sida la soo sheegayana Waxaa magaalada Baardheere dadweynaha ugu khudbadeeyey COl. C/risaaq Isaaq Biixi, dhinaca Kismaayana Gen. Axmed Warsame
Dawladda cusub oo fadhigeeda ku mel gaarka ah noqon doonta Baydhabo July 23, 2000
Dawladda Soomalida ee la rejaynayo in ka dhalato Carta ayaa lagu wadaa in fadhigeeda ku meel gaar ah ay ka dhigato magaalada Baydhabo
Akhriso taageeradii Gen. Axmed Warsame, C/casiis Cali Barre, Hiiraale ay u direen jabbuuti. July 22, 2000
fax kaan waxaa noo diray Madaxda ismaamulka Jubbaland ee fadhigoodu yahay Kismaayo
Guji halkan..Akhriso fax from Gen. Axmed Warsame, C/casiis Cali Barre, Hiiraale
Dawladda Jabbuti oo cambaareysay Masar..July 22, 2000
Dawladda Jabbuti ayaa ku eedaysay Masar inay majinxaabinayso shirka Jabbuti ka socda oo ay jahwareer galinayso, waxayna ka codsatay dawladda Masar inay joojiso falalkaas
Shirka jabbuuti oo aakhirka bisha xirmaaya July 21, 2000
Shirka Jabbuti ayaa la filayaa inuu xirmo aakhirka ama dabayaaqada bisahan, waxaa la dooranayaa Golhii shacabka, dabdeedna Madaxweynaha ayey dooranayaan, madeweynuhuna waxa uu soo magacaabi doonaa ra'isal wasaare, wasiirka wasiiradana waxa uu soo hordhigii doonaa wasiiradiisa baarlamaanka..... Midda kaleErgadii ka socatay Puntland ayaa shirka ku soo noqotay, kadib markii ay caro ku maqnaayeen oo caradiii laga soo baaba'shay
Gen. Axmed Warsame oo soo dhaweeyey cahdiga cusub ee Soomaalida...July 21, 2000
Gen. Axmed Warsame ayaa si aad ah u soo dhaweeyey cahdiga cusub ee soomaaliya.. Genaraalku waxa kale oo uu ku darey in aqoonsan doono dawladda cusub ee ku meel gaarka ah, wuxuuna Soomaalida ugu baaqey inay midoobaan oo wadankooda dib u dhistaan
Dhinaca kale dadka degan Magaalda Kismaayo ayaa aad u moodaa inay ku faraxsan yihiin sida uu u socdo shirka Jabbuti, waxaadna moodaysaa in iftiin uu uga muuqday dhamaadka tunnelka
Fax from Shire, Kismaayo
Hawle oo u digay Puntland... july 19, 2000....
Ibraahim Jaamac Hawle oo u digay reer Puntland, Hawle oo jooga Xamar ayaa waxa uu waramayey wargaysaka Qaran ayaa ku celceliyey in Puntland sheegashada ay sheeganayso Kismaayo ay ka waantoowdo, waxa uu Hawle yiri waxaa Kismaayo ku nool 20 beelood... Akhriso wareysigii Hawle lala yeeshayWareysi Hawle
Puntland mawaxa ay noqotay caqabad?... July 17.2000
Maanta oo ay bishu tahay July 17, 2000 ayaan waxaan ka soo xiganay BBC Somali... oo wareysi la yeelatay Suldaan ka yimid Puntland oo jooga Arta. Warysigaas oo uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay cahdiga cusub ee la ansixiyey.. & isagoo weli kicinaya ama abuuraya dagaalo hor leh, markii uu yiri Kismaayyo waxa ay ka tirsan tahay Puntland... Hadaba waxaa la yaab leh, meeshii uu nabad & caano la is oran lahaa ayuu dab cusub abuuray... Marka waxaan u soo jeedinaynaa inay ka waantoobaan riyada ama lahaanshaha ay sheeganayaan Kismaayo.... waayo Kismaayo waxa dega qawmiyado kala duwan oo soomaali ah.. marka qolana malaha ayaan oran laheen...qabiilada degana waxa ay gaarayaan 19 beelood iyaguna waa beel ka mid ah
Soomaali weyn oo ansixisay cahdi ku meelgaarka ah...July 17.2000..
BISHAARO...BISHAARO.... Soomaali weyn ayaa ku heshiisay cahdi ku meel gaar ah oo qaranimadii & dawladnimadii burburtay soo celinaysa...Akhriso axdiga cusub ee Soomaaliyeed
Arta oo lagu heshiiyey 2 qodob oo la isku maandhaafsanaa 16.07.2000...
Shirka dib u heshiinta ee ka socda Jabbuti ayaa la ansixiyey labo qodob oo lagu muransanaa, labadaas qodob waxa ay kala ahaayeen
1.. In baarlamaanka dadka u sharaxani laga dhigo mid qabiil ama laga dhigo mid gobol
2..& in madaxweynaha la soo doorto ama baarlamaanku doorto
Waxaas lagu heshiiyey in baarlamaanku soo doorto madaxweynaha & in baarlamaanka xubnaha matalaya iyaguna qabiil lagu soo doorto
Wiil Soomaliyeed oo USA u ordaya Sydney 2000
Abdihakiim Abdirahmaan oo soomaali ah ayaa galay kaalinta 3aad orodka masaafada dheer ee 10,000meter, tartan laago tartamaayey dadka mateli doona USA OL Sydney 2000, Inankaas waxaa laga daawaday kanaalka Eurosport ee laga daawado Europe, Africa & M.east.. oo soo daayey USA Sydney..
Ina Caydiid oo jooga Carta... July 15, 2000
Ina caydiid ayaa soo gaarey shirka Jabbuti, wararku waxa ay sheegayaan inuu ka soo duulay Yemen si uu shirka uga qaybgalo
Magaalada Gaalkacyo oo deganeyd... july 15, 2000
Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xasilooneyd, kadib markii uu dagaal dad badani ku naf waayeen ku dhinteen, Waxaana arintaas ku jira odayaasha labada beelood ee halkaas ku dirarary
Laas-caanood...Iska horimaad.. July 14, 2000
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen, iskahorimaad dhexmaray labo group oo kala taageersan Somaliland & Puntland
Akhriso Wararkii hore ee la soo dhaafayBack to index