Cabdirisaaq Isaaq Biixi Guddoomiyaha SNF(KMG). Baardheere,16/02/2002.
1. Hordhac
2. Shirweyne Nabadeed, Dhaqan iyo siyaasadeed
3. Colaadda kasoo cusboonaaneysa Gobollada Bay iyo Gedo.
4. xiriirka Derisnimo ee Gedo iyo Itoobiya
5. Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo Dowladda Ku-meelgaarka ah.
6. Iskaashiga Difaaca ee Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo Gedo.
7. Soo Jeedin iyo Talo Bixin
Badbaadinta iyo Iskaashiga Gedo iyo Isbaheysiga Dooxada Jubba
1. HORDHAC

Sida la wada ogsoon yahay beesha Sade ee gobolka Gedo iyo ururkeeda Siyaasadeed, SNF muddooyinkaan danbe waxay ku sugan yihiin burbur, khilaaf, niyad jab iyo welwel aan lasoo koobi Karin. Dadka u dhashay beesha Sade oo ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ku yaqaaneen geesinimo, tixgelinta derisnimada iyo walaalnimada Soomaalidaoo dhan waxaa dhex wada colaad, cabsi iyo cagajugleyn, naceyb iyo kala fogaasho awoodo ay dhibeyso cududooda iyo midnimadooda, kuwaasoo helay kuwa beeshaan u dhashay oo loo soo maro. Dagaalka uu Moorgan doonayo inuu Kismaayo ku qabsado iyadoo ay ku tagyeerayaan RRA iyo awoodo ajnabi ah, awoodda kasoo horjeedda oo ah Isbaheysiga Dooxada Jubba cuduudda ugu weyn waa Sade, Taasoo isku xiran Jubbada Hoose ilaa Gedo. Waxaa meeshaas ka cad in cid kasta oo Kismaayo col la ah, inuu col la yahay Gedo. Taasi waxey keentay inay RRA oo degaankeeda uu Moorgan kasoo hawlgalayo ciidanka ugu badanna ku taageereyso, iney colaad u qaaddo Gedo, hanjabaad joogto ahna ku hayso degmooyinka Gedo ee webiga Jubba ku teedsan oo la wada deggan yahay, sida Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq. Xaaladdaas oo jirta ayeyna u suurtogelin iney xiriir iyo iskaashi la yeeshaan walaalahooda Isbaheysiga Dooxada Jubba, maxaa yeelay waxaa lala dultaagan yahay hanjabaad, cagajugleyn iyadoo loo adeegsanayo kuwa aan damiir la'heyn oo ka dhashay. Sida la wada ogsoon yahay bishii Janaayo ee 2002, waxaa loogu xareeyey Moorgan iyo xulufadiisa ciidan aan ka yarayn 8000 oo qof, oo loogu talo galay markii la tababaro lana hubeeyo in lagu weeraro Gedo iyo Kismaayo Sidaas ayadoo ayan degamooyinka Gedo u kala war haynin wax gumad ahna ayan iskufidin Karin ayaa baardheere waxaa yimid barre aadan shire (Hiiraale),Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ciidan kooban wata ayadoo looga dan leeyahay sidii loga badbaadi lahaa halista wayn ee aan horay uga soo war bixiyey, lagama maarmaana ay tahay inay Beesha sade yeelato hal dan oo midaysan oo badbaadada jiritaankeeda ah, xitaa iyadoo ay jiri karaan masuuliin Siyaasadeed oo xulufooyin iska soo horjeeda ku kala jiri kara , ayaa mar haddi hada baardheere la isugu yimid waxaan qabaa in qorshe midaysan loo sameeyo Beesha Sade ee |Gedo iyo Isbahaysiga Dooxada Juba, Iyadoo lagu tala galayo Xaalada Hada ka jirta Gobalada Koofur Galbeed ee Soomaaliya , Waxaan qoraalkaan ku soo bandhigayaa aragtidayda qorshaha looga badbaaadi karo guul daro naxdin leh.
2. SHIRWEYNE BEESHA SADE EE DHAQAN IYO SIYAASADBA.
Shir wayne noocaas ah waa wax loo baahanaa in laqabto tobankii sano ee lasoo dhaafay laakiin nasiib darro ilaa iyo hadda ma suuro galin duruufo mar walba hor istaagayey awgood. Marxaladda ay hadda marayso siyaasadda dalka Somaaliya, gaar ahaan ololaha la dagaallanka argagixisada ee uu Mareykan horseedayo oo indhaha adduunwaynaha kusoo jeediyey, waxaa ku fekerayaa, in la qabto shirweyne beesha Sade, meel ay joogtaba heshiisyo uga sameysato arrimaha nabadgalyada iyo midnimada dhexdeeda, arrimaha hoggaanka siyaasadda, maamulka iyo dhaqankaba. Waa jiraan qorshayaal laysla soo hadal qaaday, aadna ay u daneynayaan beesha kala deggan Gedo, Galgaduud, Jubbada Hoose iyo Jaaliyadaha dibedda, waxaana u arkaa in shirwaynahaas uu noqon lahaa miro dhal.
Shirweynuhu wuxuu xal ka gaari lahaa, gaar ahaan:
1. Jiheyn siyaasadda beesha Sade ee ku saabsan Isbahaysiga Dooxaha Jubba; Dowladda goboleed Dooxada Jubba iyo dhisme maamul gobol ee Gedo iyo degmooyinkiisa.
2. Dhismaha hoggaanka siyaasadeed oo rasmi ah, ha loo bixiyo SNF ama wax kaleba ha lagu magacaabee.
3. Dhisme difaac gobol iyo xaqiijinta nabadgalyada xuduudaha uu derisyada la leeyahay.
4. Hoggaanka dhaqanka ee ka kooban Ugaaska Sade ee Gedo, Nabaddoonada (duqa) beesha.
samadoonada gobolka Gedo oo khilaafka iyoo dhibaatada taagan ay xiariirkooda saameysay, wax wada tashi iyo ixtiraan ahna uusan ka dhexeyn qaarkood iyo nabadoonada beesha qaarkood iyo Ugaaska in is afgarad iyo xiriir shaqo uu yeesho.
3.Colaadda Dhex taal RRA iyo Sade:-
Sida la wada ogsoonyahay Raxanwayn iyo Sade oo ku wada nool gobollada Bay iyo Gedo, waxey ku saxiixdeen heshiis nabadgalyo shir ay ku yeesheen Baardheere 1994tii, ilaa iyo haddana xiriirkooda isaga ayaa bartilmameed u ahaa. Waxaase dhacday inay Raxanwayn ka qaybqaadatay duullaankii uu Moorgan ku qaaday Marreexaan, bilihii Luulyo-Agoosto, 2001. Duulaankaas iyo jebinta qodobbadii heshiiska oo aan weli laysaga iimaan ayey hadda marlabaad RRA soo abaabuleysaa duulaan ay Marreexaan Gedo ku soo qaado, dhowr goor haddii lala hadleyna way soo dhoweyn weyday nabad ku wada noolaasho. Mar haddey xaaladdu halkaas joogto, Marrexaan inuu isdaafaco ma ahane talo kale oo u taal ma jirto. Waxaa nasiib darro ah, xusidna mudan in rag Marreexaan u dhashay lasoo safan yihiin ciidanka RRA iyo Moorgan oo weerarka guryahooda kusoo ah. Raggaas oo ciidan yar iyo 4 tikniko ah ula galay cadowga magacdyadoodana la kala yiraahdo:
1. Ismaaciil Shide Maxamud (Banjo)
2. Aaden Kaalmoy
3. Nuur Mataan Cabdi
4. Cabdi Aaden
5. Xassan Daahir Yarow
6. Maxamud Saiyd Aaden
7. Cabdi Daahir Xassan
8. Axmed Buulle Gareed
9. Cabdi Aaden Cumar
Waxay ula muuqatay inay xil siyaasadeed ee Marreexaan ku gaari karaan taageerada cadowga iyo awoodaha taageersan, waxaana lagu qoray xubno GDDS SRRC) oo xilligiisina uu dhammaaday luguna kala tegay, laakiin ay magaciisa koox yar oo dano gaar ah wata ku qaraabtaan. GDDS (SRRC), sida ku cad dastuurkiisa lagu aasaasay 20.03.2001, wuxuu jiritankiisu ku ekaa 6 bilood gudohood, markaasoo ay lahayd in la qabto shirweyne Dibuheshiisiin iyo Dhisme Dowlad Soomaaliyeed oo ka dhaca Baydhabo. Xilligaas wuxuu ku ekaa 20.09.2001, lamana qaban shirweynihii ahaa bartilmaameedka aasaasiga ah ee GDDS (SRRC), talo dib laysugu soo noqday loo gole kale lugu dhisayna ma jirin (Fiiri Qod 2aad iyo Qod 4(a) ee xeerka GDDS (SRRC) ee la saxiixay 20.03.2001). Anigoo ka mid ah 17 qof ee saxiixay aasaasaaskii GDDS (SRRC) waxaan caddaynayaa inuusan golahaasi hadda jirin, cid uu magaceeda dallad ahaan ugu hadli karaana aysan jirin, ururradii xubnihiisa ahaana ay wixii ka danbeeyay 20.09.2001 u madax bannaan yihiin ka qaybgalka shirkey doonaan iyagoo mid-mid ah, heshiiskey doonaanna ay saxiixayaan iyagoo u adeegaya oo keliya danaha taageerayaashooda. Waxaan ka war hayaa inay beelaha RRA intooda badan, gaar ahaan kuwa degaan ahaan soo xiga Gedo diidan yihiin weerarka gardarrada ah ee beelaha qaarkood oo uu Moorgan adeegsanayouga danleeyihiin iney RRA iyo dagaal isugu dhacaan degaanadaas oo dhanna ay xasillooni darro iyo buirbur labada dhan ah ka dhacaan.
4. Xiriirka Derisnimo ee Marreexaan- Gedo iyo Itoobiya.
Beesha Sade iyo ururkeeda siyaasadeed ee SNF, waxay mar walba kamid ahayd kuwa la leh xiriirka saaxiibtinimo Dowladda toobiya ee uu hoggaaminayo EPRDF, dhammaan shirarka ay dowladdaas abaabushay ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliyeedna,sida TNC, 1993; NSC-1997; NRC-C/berde-2001; SRRC-AWASSA-2001; xubnaha ugu firfircoon ayey ahayd. Nasiib darro ururka SNF raalli kama noqon Karin, kamana noqon karo dullaanka lugu taageerayo Moorgan iyo xulufadiisa iney Kismaayo ku qaadaan. Dagaalkii Juulay-Agoosto, 2001 ee Kismaayo wixii ka danbeeyey hoggaanka SNF iyo Dowladda Itoobiya xiriirkoodii waxbaa iska bedelay. Anigu ma qabo iney Dowladda Itoobiya, inkastoo ay Moorgan iyo xulufadiisa ku dhiirrigelineyso kuna taageereyso colaadda uu ku wado Gedo iyo Dooxada Jubba, iney diyaar u tahay inay toos weerar ugu soo qaado Gedo ama Kismaayo, sababao badan awgood. Qaar kamid ah sababahaas waxaa weeye:- 1. Heshiiskii lugu saxiixday shirkii madaxweynayaasha iyo ra'isal Wasaarayaasha Dowladaha ku bahoobay IGADD ee bishii Janaayo lugu qabtay Khartuum waxaa kamid ahaa in laga daayo dalka Soomaaliya faragalinta ciidan. 2. Ololaha la dagaallanka argagixisada caalamiga ah ee ka denbeeyey qaraxyadii 11.9.2001 ee dalka Mareykanka dartiis, ayaa indhaha adduunweynuhu si taxaddar badan leh ay ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta ee ciidan ee Soomaaliya ku wajahan. 3. Ma jiraan quwado uga soo duulaya Itoobiya Gedo ama Kismaayo, khatarna ku ah nabadgalyadeeda iyo jiritaankeeda, annagana waxaa mar kasta ixitiraamaynaa ballantii ahayd ineyan cid col la ah Itoobiya degaamadeenna ka gelin ama xuduudda inoo dhexeysa ka gelin. Hoggaanka SNF oo mar walba diyaar u ah xiriir saaxiibtinimo deris wanaag iyo iskaashi uu la yeesho Dowladaha Deriska ama toobiya, haddana ma oggolaan karo wax kasoo horjeeda danaha ummadda uu mas'uulka ka yahay . Isbeddelkaas xiriirkii hore wuxuu keenay iney Itoobiya u kala jebiso beesha Marrexaan iyo hoggaanka SNF garabyo iska soo horjeeda, kaddibna ay qaar kamid ah ayadoo ka ballanqaadeysa iney xukunka gobolka gacanta u gelineyso ka dalabto iney lasoo saftaan xulufada Moorgan iyo RRA ooliyaga dadkooda duullaan ku soo ah, kuna soo qaaday. . Isbaheysiga Jubbada Hoose iyo Dowladda KMG-ka ah. Sida la wada ogsoon yahay Isbaheysiga J.Hoose kama qayb qaadan shirkii Carta (Jabuuti) ee lugu soo dhisay dowladda Ku-meel-gaarka ah, dhismaheediina kama mid noqon. Sidaas darted ma jirto meel looga heshiiyey inuu I.D.J. kamid yahay maamulka D-KMG-ka ah, dhismahooda iyo magacyadooduna si cad ayey u kala duwan yihiin. Haddise ay dantu gasho, waa suurtagal inay labadoodu iska kaashadaan marxalado adag oo labadaba soo wada wajaha.
6. Qorshaha Iskaashiga Difaaca ee Gedo iyo Kismaayo: Ma qabo in loo baahan yahay inaan hadda isu sheegno waxa ay isu yihiin Isbahaysiga D. Jubba iyo Gobolka Gedo, waxaanse ku soo koobayaa ineyan labadoodu kala noolaani Karin, loona baahan yahay in xiriirkooda iyo iskaashigoodii dabiiciga ahaa dib loo habeeyo, si looga gaashaanto colaadda hadda lugu soo wadana, waxaa lagama maarmaan ah iney sameystaan madaxda I.D.J. oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha isbaheysiga, Col. Barre Aaden Shire iyo kuwa SNF oo uu Hoggaaminayo Col. Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Guddoomiyha SNF, qorshe iskaashi difaac oo naf iyo maalba leh. Qorshahaas oo tifaftiran qoraal gaar ah ayaa lagu qorayaa, marka lugu heshiiyo.
(7). Talo bixin iyo soo jeedin:
Arrimaha aan horay uga soo sameeyay warbixinta kooban, ayaan mid-mid talo bixintooda iyo soo jeedinta sida ugu habboon ee wax looga qaban karo ayaan qodobkaan gebogebada qoraalka ah uga hadlayaa. Shirweynaha beesha Sade inkastoo uu lagama maarmaan yahay waxaan qabaa inaan la qaban Karin bisha Abriil inta ka khorreysa, sababtoo ah:- 1. Gobolka iyo gobollada deriska la ahba waxaa ka jira abaaar ba'an, dadkuna nolasha iyo xoolaha ayey la halgamayaan. 2. Xaaladda colaadeed ee Baydhabo laga soo abaabulayo oo aan dhinac u dhicin, looma heli karo firaaqo shirweyne abaabulan.
Waxaanse qabaa in lasii iclaamiyo, diyaargarowgiisana la sii galo, haddey tahay xag dhaqaale iyo xag wargelin, loona qabto ilaa 30.04.2002 iyo Garbahaarrey. Colaadda dhex taal Marrexaan iyo Raxanweyn, waxaan soo jeedinaya in labadaan qaab looga hortago:-
1. Abaabul iyo olole difaac heer gobol ah in Gedo gudaheeda sida ugu dhakhso badan looga howlgalo, lana xaqiijiyo ammaanka seddexda buundo. 2. Inaan laga quusan ee la sii wado waanwaanta nabadeed iyo xiriirka beelaha Raxanweyn iyo madaxda RRA, ilaa ay fahmaan in xiriirkeenna derisnimo ee nabadeed uu uga qiime badan yahay heshiis kasta oo ay Moorgan la galaan. Dhallinyarada Marrexaan ee sheegatay garab SNF oo hadda cadowga ku biirtay, waxaan qabaa inaan laga joojin wadahadalka iyo caqli celinta, odayaashooda iyo intey isu dhowyihiinna laga dalbo inay kusoo dhex celiyaan dadkooda, iyagoo lkoo sheegayo in haddii ay qabaan damaaci mas'uuliyadeed siyaasadeed, ay ka dhex heli karaan oo keliya dadkooda, shirka soo socdana ay isa soo sharraxaan. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go'aan laga sii gaaro dadkana loo wada sheego in haddii nimankaas lasoo hawlgalaya cadowga uu ciidan Marrexaan ahi gacanta ku dhigo, loola dhaqmayo sida cadowga uu la socdo, qofkii ciidankeenna ka mid ah oo muujiya u hiilin iyo jifo isu xijinna isagana sidooda oo kale loola dhaqmayo. Nimanka aan ka hadlayo qaarkood magacyadooda waxay ku cad yihiin qodobka 3-aad ee qoraalkaan, waana inta madaxda ah, kuwa kale oo la klsheegayo inay ama iyagu direen; ama dib uga biireenna waa lasoo bandhigi doona. Dowladda Itoobiya oo aan deriska nahay, waxaan qabaa in laga dalbo iney tixgeliso derisnimada iyo xiriirka wanaagsan ee horay nooga dhexeeyey, nagana joojiso arrimaha anaan raalliga ka noqon kain sida:- 1. Dhiirigelinta colaadda iyo iskudhaca dadkeenna dhexdiisa, gacan dhaafka mas'uuliyadda SNF iyo faragalinta arrimaha degaamadeenna.
2. Gacan siinta weerarka uu Moorgan doonayo inuu Kismaayo iyo Baardheere ku qabsado iyo hubka iyo qalabka dagaal ooloo marinayo gobolka Gedo dhexdiisa iyadoo anan wax oggolaasho ah anan nala weydiin.
3. Cadaadinta ay ku hayso deriskeenna Bay iyo Bakool, inay burburiyaan heshiiskii nabadeed iyo wada noolaashadii horay uga dhexeeyey iyaga iyo gobolka Gedo.
Haddii ay dowladda Itoobiya ku dhega adeygto, nagana diido dalabyadaas, waxaa lagama maarmaan ah inaan dacwad hordhigno Q.M., IGADD, OAU, J.C., iyo dhammaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaasna ku tilaabsano difaac hubeysan ee dalkeenna iyo dadkeenna.
Cabdirisaaq Isaaq Biixi Guddoomiyaha SNF(KMG).
http://www.jubbavalley.net
Back to index
Hosted by www.Geocities.ws

1