Yahoo! GeoCities
Hosted by www.Geocities.ws

SNF | Wararka | Bogga SNF | wareyi Siyaad | Calijiir | Kacaan | Cabudwaaq | Somali E. Journal | NGO Hirda relief | D-jabuuti peace | Heeso wadani

Idaajaa & George Kapchits oo aqoonisweydaarsi qabtey


Saacaddu markey aheyd abaarihii 17:15 ayaan soo galay goobta shirka ama aqoonisweydaarsiga lagu qabaanaayey anoo ka soo cararaaya qabow & dhaxan ka dhacaysay banaanka caasimadda 2aad ee Denamrk Aarhus oo iayadu aheyd -4 decree, waxaan isla markiiba indhaygu qabteen kursi banaan waana ku fariistey, waxaa dadka hortiisa ku soo jeeda 3dex kursi & miis oo ay fadhiyaan George Kapchits, Idaajaa & xiriiriyaha.

Waxaa markaas hadlaayey George oo run�ahaantii lahjad ahaan aad ka fahmeysid in luuqadda Soomaalida uu bartey, (George waxaa weeyaan nin Ruush ah oo ka hadli jirey idaacaddii Midowga Soofiyeetka ee ku bixi jirtey laanta afka Soomaaliga ee BBCda, idaacadaas oo la xirey sababo dhaqaalke awgeed). George waxaa aad ugu nuuxnuuxasadey maahmaahooyinka Soomalida & Sheekooyinka Soomalida isagoo aan ka maqneyn kaftanka, waxayaabihii uu George yiri waxaa ka amid ahaa maahmoohinka Waayeelka ku saabsan & Sheekooyinkii Oday Biiqe & Caraweelo. George ereyadiisii isoo jiitay waxaa ka mid ahaa "Waxaa halkaan fadhiya Idaajaa oo aan si wanaagsan u aqaano, haddii la iga hormarin lahaa cidna ima dhageysateen laakiin nasiib wanaag Saaxiikey Idaajaa ayaa yiri adigu hormar" Waxaa ku soo gabagabeeyey George mahadnaq & soo dhaweynta diiran

Waxaa isla markiiba hadalkii qaatey Idaajaa oo ku bilaabay waxaan oran lahaa oo dhan George ayaa yiri isagoo eegaya si kaftan ahaana

Iadaajaa waxaa ka hdalay qurbaha & sida Soomaalidu ku soo gasahay, waxa uu aad u taabtey in Soomaalidu aheyd xoogsato, waxaa uu tusaale u soo qaatey sanadku markuu ahaa 1836dii markii Ingiriisku qabsanaayey Caden (Aden, Yeman) In Nin Soomaali ahi uu ukala tarjumaanayey ninkaas magaciisa waxaa la oran jirey Cali, waxaa uu Awoowe u yahay nin caan ah oo la yiraahdo Gen Ismaaciil Cali Ismaaciil Cali oo ahaa taliyihii ciidamada Asluubta ayuu yiri Idaajaa.

Waxaa kaloo Idaajaa ka hadlay in Soomaali odayaal ahi oo degen Liverpool, Cardif England hadaad weydiisid ay ku dhihi war soo Sayid Max'ed Cabdulle Xassan weli meeshii ma qasaayo, taas waxaa uu ugala jeedey in Soomalidu waa hore soo gashay qurbaha, waxayna Soomalidu askar ahaan ahaayeen Ingiriis, mabda'a ahaan uma raacin laakiin waxay u raaceen aad geel ku gadataan markaad noqotaan, Idaajaa waxa uu tusaale ku soo qaatey in nin Soomaali ah oo la yiraahdo Ismaaciil telefoon uu la kulmnay sanadkii 1973 isagoo yimid Soomaaliya waxa uu i tusay cad yar oo laga soo jeexay jariiradda magaceeda la yiraahdo london Times oo soo baxaday sanadku markuu ahaa 1936dii oo isaga lagu wareystey oo eed dusha uga tuurayo Ingiriis in uu been & khiyaano u sheegay, hadii ay la daggaalamaan Daraawiish & Sayid Max'd in ay dhisi doonaan Jidad, Iskuulo, Beero una gadi doonaan Geel laakiin markii lala jabiyey ay dhabarka noo jeediyeen.

Waxaa kale uu ka hadlay Idaajaa Waayeelka qurbaha jooga oo yiri " Waayeelka Qurbaha jooga & midka Dalkii jooga walow dagaal ka socdo waxaa welwel badan kan qurbaha jooga, waxaa ka mid ahaa hadaladii isoo jiitay oo uu yiri "nin aan aqaano ayaa igu yiri ayeeyo waan ka guurey, markaasaan iri maxaad uga guurtey?, waxa uu iigu jawaabay maxay tareysaa waa cadee! (Qosol, goobta shirka). Idaajaa waxaa uu aad u taabtey In dhaqan & Islaan ahaan aan Ixtiraano Waayeelka yahayna mar walba mid aan laga maarmin ayuu ku soo gabagabeeyay Idaajaa. Waxaa kadib la weydiiyey dhawr su'aalood George & Idaajaa oo aan soo qaadenayo kuwii isoo jiitay

George

Waxaa la weydiiyey George maxaad u guursan weydey gabdh Soomaliyeed?

Waxaa uu ku jawaabay waan ku riyoodaa (Kaftan, qosol goobta shirka), Saaxiib waan gaboobay isagoo eegaya qofka su'aasha weydiiyey, laakiin waabaan fursad lahaa waagaas waa waagii aan dhalinyarada ahaa, nasiib darese waxaa ii diiday Midawgii Soofiyeetaka oo aan ogeleyn in dibadda la aado. Waxaa waxa laga weydiiyey arimaha diinta? waxaa uu ku jawaabay ani ma raba�inaan ka hadlo arimaha diinta waa shey qatar ah, ani waan aaminsanahay ilaaah ayuu ku soo jareey, waxaadna dareemaysaa in Soomalidii oo dhan waxoogaa ka xumaadeen oo ay doonayeen in Muslim noqdo

Idaajaa

Waxaa Idaajaa la weydiiyey maxaa l�guugu baxshay Idaajaa? waxaa uu jawaabay waxaa la iigu baxshay Dhabqis, waa waagaa yaraa ee dugsiga quraanka dhigan jirey
Waxaa kaloo la weydiiyey adiga mawaxaad tahay hal abuure, mise waxaad tahay aruuriye gabayaa ah. Waxaa uu ku jawaabay hadii la i daan-daansado waan jawaabaa laakiin waxaan ahay Qoraa & aruuriyr & Mu'alif. Intaas kadib waxaa lagu soo gabagabeeyey gabay uu tiriyey Col C/salaan Cali Nuur oo uu ka hadlaayo qurbaha & mid ka hadlaaya 11 septemper oo dadkii run ahaan ay aad ugu riyaaqeen.

Waxaa soo diyaaryey Gureey Calijiir

Dib u noqo

1