(Weynee sawirka)
Bismillaahi Eebbow
Boqoroow Raxmaanow
Baaxadlow Raxiimow
wixii aan bandhigayaba
adaan kugu billaaba
kugu beloxijaabaa.
Maxamed Axmed Cali.
"Cali Goox"
---------------------------------------------------------------------------------------------------------
Taariikh nololeedkii Abwaanka.
Maxamed Axmed Cali
"Cali
Goox"
Wuxuu ku dhashay
magaalada Ceergaabo ee gabolka Sanaag sannadku
markuu uu ahaa 1973dii. intii u dhexaysey, 1978-1986, wuxuu ku
qaatay dugsiga hoose-dhexe isguulka "Lafoole" ee ku yaal isla magaalada
Ceergaabo, ka bacdi wuxuu u wareegey dugsiga sare 1986-1989, dugsiga
sare ee magaalada Ceergaabo ayuu ku qaatay ilaa fasalka
saddexaad ee dusiga sare, ka bacdina 1990kii ayuu sannad dgsiyeedkiisii
u
dambeeyey ku dhamaystiray Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
1992-1994.
Abwaanku wuxuu ka shaqaynayey magaalada Dahraan ee wadanka Saudi Arabia,
1994-1995, wuxuu ku sugnaa wadanka isutagga Imaaraadka Carabta, magaalada
Abu-Dubey.
1996, ayuu soo galay wadanka Finland, 1997-1999, wuxuu baranaayey saxaafada
sidoo kalena wuxuu kaga shaqaynayey Radio Robin Hood, oo ku yaal
magaalada
Turku ee wadanka Finland, wiiggiiba labo mar oo midkiiba yahay soddon
daqiiqadood ayuu halkaa ka sii deyn jirey barnaamij Af soomaali
ah, waqtigan
xaaddirka ah wuxuu degan yahay magaalada Tampere
ee
wadanka Finland
uu ka shaqeeyo.
Waa Abwaan wax ku alifa qayb kasta oo ay maansooyinka Soomaaliyeed ka mid
ah,
sidoo kale wuxuu wax ka alifey kow iyo labaatanka shibanne ee af soomaaligu
ka
kooban yahay iyo shaqaladooda. wuxuu noqday Abwaankii u horeeyey
Soomaaliya
oo wax ku alifa xarafka "KH", mucjiso ayay noqotay maadaamay xarafkaas
kelmedo
faro ku tiris ahi kaga jiraan Af Soomaaliga, xitaa waxa la waayey kelmed
keliya oo
xarafkaas ah oo Af Soomaali ah.
Sidoo kale waa qoraa ku xeel dheer farshaxanka qorida buuggaagta, waxaadna
halakan ka heli doontaan xayaysiiska buuggaag oo uu qoray, laakiinse
aan weli la
daabicin, oo sida ugu dhaqsaha badan u soo bixi doona, mid waa
Qaamuus
Af-Soomaali ah. (Soomaali - Soomaali) midna waa sheeko Jacayl ah
uu yiri waa dhacdo dhab ah oo Soomaaliya ka soo billaabmaysa
sifaynaysana
mashaakilaadkii iyo mucjisooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay waddankeenna,
qurbahanna ku soo afjarmaysa.
Sidoo kale wuxuu qoray riwaayad cajiib ah oo uu yiri waxaa la yiraahdaa
"Makorto"
wuxu yiri, waa qof gugii oo keliya ka koraya laakiiinse aan maskaxda
ka korayn.
riwaayaddaasoo murti xoog badan huwan, qurbahana baallaha kula
kala baxaysa oo Soomaalida ku sugan mid mid u qaabilaysa, riwaayaddaas
oo
saadaallinaysa sida ay soomaalidu noqon doonaan labaatan sanno ka
dib, haddii
ay qurbaha sii jooggaan. wuxuu kaloo soo wadaa buug ah maahmaahyada
Soomaaliyeed oo uu ka soo xulay inta qiimaha leh iyo weliba fasiraaddoodii.
Sidoo kale waa Weriye (Joournalist) oo uu muddo baranayey. waxaanna
filayaa inaad badankiin wada dhegaysateen Cajalladdii
xiisaha badnayd ee uu ka
sameeyey qisadii Cilmi Ismaaciil Liibaan "Cilmi Boodhari" oo uu in muddo
ah
baadhayey qisadaas xaqiiqdeedii. waxaana ku dhan dhamaan gabayadiisii oo
dhan iyo
sidii ay qisadu ku billaabantay iyo sidii ay ku dhamaatay oo
aan waxba laga beddelin.
Sidoo kale wuxuu daraasad "research" ku sameeyaa taariikhda, dhaqanka,
Af
Soomaaliga iyo Murtida Soomaalida. wuxuu isugu jiraa qaybo badan waxaanna
filayaa inaad u hambalyayn doontaan markaad akhrisataan murtidiisa macaanka
badan.
--------------------------------------------------------------------------------------------------------
MAHAD CELIN.
Waxaa mahad iga mutaystay inaan u celiyo Saaxiibkay Eng.
Maxamed-asad Cismaan Nuux, oo xilweyn iska saaray
dhismaha gurigan murtidu hadhsanayso, isagoo waqtigiisii qaalliga ahaa
u huray siduu bulshadda Soomaaliyeed uga haqabtiri lahaa Murtidoodda
madhaxa u ah, iyo akhriska qoraalladooda wax ku oolka ah. isaga ayaa idin
soo gaadhsiiyey meel walba oo aad adduunka ka joogtaan dhammaanteenba mar
labaad aynu wadaniraahno mahadsanid Asad.
Waxaa kale oo mahad iga muddan Saaxiibkay
Maxammed Cali Xasan "Aalto" oo
qoray
Buuggii Maansooyinkayga ee la magacbaxay
"DAMAL" isagoo haddanna ku hawlan
daabacaddii labaad ee buugga.
Back-to-Home
|