Muuqaalka Lixaad
Huniye:
yaa akhii nimankaan oo qaldaamiinta an waa ku wareeray, geeraarlee akhrinayaan,
an waxmaka fahmi, iminka waa iskaga hadhaa no, habarteeyaa teleefan ii
soo dirtay, bilcan oo
abtigaa dhalayaa kuu doonnay i dhahday, waana la ii soo diraa, gurigeygaa
iska dhaqanaa,
(intaa markuu yiri) ayaa talefoon soo dhacay oo hooyadiis usoo dirtay,
ka bacdina wuu ka
jawaabey,Hooyadiis: halloow.
Huniye: hallo.
Hooyadiis: "codkiisay garatay inuu wiilkeedii yahay", hooyo iska waran?
Huniye: hooyo waan fiicnahay, adinka
iska warama?
Hooyadiis: hooyo, idhagayso, gabadhii waan kuu soo diray, maantaan
diyaarada soo saaray,
lixda iyo badhkay kusoo beegan tahay, u diyaargaroow oo Airport-ka ku sug,
Huniye: hooyo, waa yeellaa, diyaaraa
ahay hooyo, waa suggaa.
Hooyadiis: nabad gelyo.
Huniye: jaaw mama, (talefoonkiina waa
xidhay)
Huniye oo isla hadlaaya, abbaa waa ii gashay, aroosaa gelaa,Airport-ka
ayuu suuraddii
gabadha la taagan yahay, si uu ugu garto, marna suuragduu eegayaa, marna
dadka diyaaradda
ka soo degaya, markii dambe ayay u timi, isagoo masraxii taaggan, wuuna
ku soo boodey,
Huniye: macaantey iska waran?
(isagoo fiirinaya qaabkay u taalo.)
Inantii: waan fiicanahay,
(iyadoo hoosta ka eegaysa)
Huniye: maxaa kugu dhacay waasoo
daahdeene?
inantii: ma aqaan,
diyaaradaa nalasoo daahday, cirka ayay hadba meel is taagaysey,
malaha hawada dhexaay ka rikaabsanaysey, (iyadoo itaalka is xariifinaysa)
Huniye: soo bax yaa akhii
xaafadii aadnee, warraa haysaaye, (intuu gacanta qabtay)