DHAGEYSO QUDBADA
Muqdisho, 16-August-06 ( Qaadisiya.com) Xaflad Ballaaran oo ka dhacday Xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay Maanta Dhismaha Maxkamad Islaami ah oo la magacbaxday Maxkamadda Hirgelinta Shareecada Islaamka ee Al-nasri. Maxkamaddani ayaa waxaa Dhistay Beelaha Direed oo iyagu kamid ah Beelaha Soomaaliyeed waxaana kasoo qeyb galay Xafladdii furitaanka Maxkamaddaasi Mas'uuliyiin aad u fara badan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas'uuliyiin kale.
Khudbado aad u fara badan ayaa laga soojeediyay Halkaasi iyadoo Mas'uuliyiintii halkaasi ka khudbeysayna uu kamid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Nasri Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey Isla markaasina ah Xoghayah guud ee Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed in ay kafogaadaan Magaca Qabiil oo aanan la dhihin Beel hebel haddii layiraahdana Islaamnimadii aawayna layiraahdo way ku hoosjirtaa, taasi waa mid aad looga roon yahay, waxaa ladoonayaa buu yiri Sheekh in Islaamnimada lamuujiyo oo la iloobo qabiil hebel iyo wixii lamidka ah.
Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamaddani iyo Dhammaan Beelaha direed ay diyaar u yihiin isla markaasina si hoose ay uga soo wada hadleen in ay ku difaacayaan diintani Hanti iyo xoog intaba kana difaacayaan gaal dibadda uga yimid iyo mid mufsid ah oo Culumada Iibinaya iyo wixii lamidka ah, wuxuu intaasi kusii daray Sheekh in haddii Shaqsi kamid ah Beesha Direed uu Cadeysto in uu kamid noqday Kirishtaanka ama karidoobay Diinta Islaamka in uu waynayo Xubinnimada Beesha, Maxkamadduna ay ku qaadi Doonto meel waliba oo uu joogo Sharciga Allaah Subaxaanahu Watacaalaa.
Intaasi kadib waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu horeyn Allaah u mahad celiyay Nebi Muxammedna Ammaanay SCW, intaasi kadib waxa uu u mahad celiyay Beesha Direed ee soo abaabushay Dhismaha Maxkamaddani Islaamiga ah iyo sidoo kale Akhyaartii ka qeyb qaadatay Hirgelinta Maxkamaddani.
Sheekha ayaa waxa uu sheegay in Allaah ay uga Mahadcelinayaan Guulaha Isdabajoogga ah uu siiyay Ummadani Islaamka ah waayo ayuu yiri Magaaladani waad ogsoontihiin Sanad kahor sida ay ahaan jirtay, �la in shakartum la aziidannakum wala in kafartum Inna Cadaabii la shadiid� Sadaqallaah (Haddaad igu shukrigiisn Nicamkeyga waan idin kordhinayaa, hadaad nicamkeyga ku gaalowdaanna Cadaabkeygu waa adagyahay iska ilaaliya) ayuu yiri Allaah Subaxaanahu watacaalaa.
�Sidaasi daraadeed Dalkani waxaa ka dhacay Dunuub aad u waaweyn oo umaddani laga galay lakin Ilaaheey SWT wuxuu nawaafajiyay Dariiqii aan uga bixi laheyd Dunuubtaa, waxaa lagamama maarmaan ah dhammaanteen inaan kawada shaqeyno sidii dulmiga aan uga bixi laheyn, sidii ummad mid ah oo hal ujeedo leh aan u noqon laheyn taasi ayaa lagama maarmaan ah� ayuu yiri Sheekh Shariif.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wargeliyay Shacabka in laga shaqeynayo in Soomaaliya loo qabsado Gobol Gobol iyo Qabiil Qabiil si hadhowna loogu daro Itoobiya, waxaana ka shaqeynaya buu yiri Arrintaasi Dadkii Soomaaliya wax ku bartay oo abaal uga dhigay Maanta in ay sidaasi u dhibaateeyaan.
�Meles Zenawi waad la socotaan wuxuu wax ku bartay Muqdisho isla muqdisho ayuuna joogi jiray, Dowladdii Siyaad Barre Dhaqaalihii ugu badnaa ayay ku bixiysay lakin maanta abaalkeena waxa uu ka dhigay waad ogsoontihiin ma ahan mid Indhaha Caalamka ka qarsamayo� ayuu yiri Sheekh oo ka hadlayay Xafladii Maanta lagu furayay Maxkadda islaamiga ah ee Al-Nasri.
Ugu dambeyntii Xafladdani oo ay kasoo qeyb galeen Mas'uuliyiin, Culumaa'udiin iyo waxgarad kale ayaa kusoo gabagaboobay Sidii uu Allaah ladoonay iyadoo Maxkamaddanina ay dhowaan hawlaheeda si caadi ah u bilaabi doonto. |