Halyeyga Siyaasada Qarnigii Tagay ee Geeska Afrika-Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
2.Raadadkii ay ka tageen Dhibaatooyinka labadii sano ee SNM: Waxaa kale oo Marxuum Cigaal isla wakhtigaas si aad ah carqalad ugu noqday raadadka ay ka tageen dhibatooyinka dalka ka dhacay laga soo bilaabo 1991kii markii la la soo noqoday madaxbanaanida dalka somaliland ilaa iyo maalintii lagu soo doortay magaalada Boorama,taas oo keentay in uu mudo ka dabaasho caqabadaas iyada ah,inkastoo ay qaybo badan oo ka mid ahi markiiba iska dhamaadeen hadana waxaa Maamulkiisa ka horyimid qaybo kale oo la xidhiidhsan xaaladaas.waxaana dhibaatada ugu weyni ay ahayd is amaanin la,aanta ka dhalatay khilaafaadkaas iyo raaadadkaa colaaduhu ay ka tageen
3.Golaha Wasiirada ee uu soo dhisay : Isla markii uu Cigaal soo dhisay Xukuumadiisa lagu soo doortay Shirweynihii beelaha Somaliland ee Boorama waxaa ay dad badani ka dhadhansadeen in Xukuumadaasi ay dhinac u janjeedho taas oo ay ka biyo Diideen Xubnaha Golaha Wasiirada oo iyagu u badnaa Mucaaridkii ka hor yimid Dawladii ka horaysay ee ay hormoodka ka ahaayeen amadaxdii SNM ee wakhtigii dalka la soo galay kuwaasoo kala ahaa C/Raxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac,oo ay barbar taagnaayeen qadar siyaasiyiin ay isku aragti ahaayeen sida Ibraahin Maygaag Samatar oo ahaa Gudoomiyhii Golaha Dhexe ee SNM, Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Cigaal ku soo daray Xukuumadiisa ayaa waxay caqabad ku noqdeen inay Xukuumadu wada qanciso dhamaan bulshada Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer Galbeedkeesa,Qaybo Gobolka Hargeysa ah iyo waliba meelo kale oo ay ka mid yihiin Gobolka Sanaag badhkii waxaana taas mark! iiba ka faa,iidaystay Xubnhii Mucaaridka cusub ahaa ee ka soo horkeestay Maamulka Xukuumadii Cigaal ee xiligaas.
dhinaca kale, marka laga eegana Xubnaha Golaha Wasiirada ee wakhtigaas ayaa ahaa jaranjaradii ku haboonaynd ee uu uu Cigaal kaga gudbayay durufaha markaa ku xeernaa,iyadoo Xubnahaasi ay u badnaayeen Sariikiishii Dhinaca Miltaragi ee SNM oo ay ka mid ahaayeen Muuse Biixi Cabdi,Dayib Gurey,iyo qaar kale isla markaana saxaabibadoodii ay isu dhawaayeen ay badhi taarayay sida Ibraahin Dhagaweyne,Maxamed Kaahin Axmed iyo qaar kale.
4.Haykal Dawladnimo oo aan jirin: Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu talada dalka qabsaday iyadoo uu dalku ka soo doogay dagaalo Sokeeye oo is daba joogay isal markaana ay badnayd naca qabiilka iyo khilaafka ku dhisan ee laga dhex abuuray Dalka waxaana meesha ka jirin Haykal dawladnimo,iyadoo dhamaan Ilaha Dhaqaalahana ay gacanta ku hayeen Inamo hubasyan o ay isku shaqaystaan Siyaasiyiintii SNM oo iyaguna kala aragti duwanaa taasina waxay keentay inay fursad u waydo Xukuumadii Cigaal hanashada goobahaas oo ku qaadatay in Khibradii uu lahaa Cigaal uu markii dambe ku soo xerogaliyay marba mid ay ahaataba dhamaan goobihii Ilaha Dhaqaale taas oo gun dhig u noqotay hanqaadkii iyo hayaankii Dawladnimo ee Somaliland.
Waxaa intaas dheer iyadoo aanay jirin Lacagta Shilinka Somaliland,iyo iyadoo Maamulada Magaalooyinka oo mel kastaba ay xuurto ku haysteen koox yari ay dhalaan habaabis ku noqotay fiirinta Hay! kalkii Dawladnimo ee wakhtigaas.
5.Hubka oo Gacanta Ugu jiray Shacbiga:Dhibaatooyinka ugu culus ee Cigaal soo waajahay waxaa ka mid ahaa Hubka noocyadiisa kala duwan oo gacanta ugu jiray dadka rayidka ah,waxmagaratada,budhcada iyo Maleeshiyooyin hubaysan oo ka soo jeeday SNM.Way adag tahay in Maamul hirgali sidii Maamulkii ka horeeyay Cigaal ee C/Raxmaan Axmed Cali oo ay laf ahaantiisa dhibaatada ugu weyn ee haysatay ahayd Hubka gacanta dadweynaha ku jira,waanay adag tahay sidii loo soo xeayn lahaa hubkaas , Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa maalmo yar ka dib markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland waxaa uu hadal ka soo jeediyay Khayrida Hargeysa waxaanu sheegay dhibaatda hubka gacanta dadweyanaha ku jira..
Inkastoo aanan soo koobi Karin dhibaatooyinkii horyaalay markii la soo doortay Madaxweyne Cigaal waxaa uu hadana si niyadsami ah u abaaray dhibaatada dalka taalay noocyadeeda kala duwan waxaanu u guntaday sidii uu u samayn lahaa New Somaliland la jaanqaadaa siyaasadiisan cusub ka dib wakhti dheer ,waxaa xusid mudaniyadoo ay wakhtigaas Cigaal iyo dadka reer Somaliland aqoon badani isugu dhinaynd waayo waxaa isbedelay waxyaabo badan oo iska bedelay dhaqankii,aragtidii,noloshii iyo dadnimadii dadka Somaliland ee uu Cigaal ku yaqaanayo 1960kii taasina waxayu keentay mararka qaarkood is faham la,aan dheximanaysay.
Marxaladii Kala Gurka.
Maxamed Ibraahin Cigaal markii uu soo dhex mushaaxay mawjado dhibaatooyin ah oo uu la kaashaday khibradiisa siyaasadeed iyo hanka weyn ee lagu yaqaanay waxaa uu ugu dambayntii ka soo gudbay qaar ka mdi ah dhibaatooyinkaasi,laakiin waxaa taas barbar socday hadba mushkilad cusub,Talaabadii ugu horaysay ee uu Cigaal ku dhaqaaqay waxay ahayd sidii uu hubka uga saari lahaa Gacanta Dadweynah isla markaana ugu qaramayn lahaa Maleeshiyaadka Beelaha eek ala duwan una unki lahaa dhismaha Ciidan Qaran,Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu kulan loo dhan yahayla yeeshay Madax dhaqameedka Somaliland oo badaan ahaa kuwii ku hamiyay in Cigaal uu talada Dalka qabto waxaanay isku waafaqeen in hubka la soo galiyo Ciidan qaran oo la abuuro,taasina umayna dhicin sidii loo doonayay si kastaba wax ha u jiraane waxaa suuro galiwayday in Maleeshiyaadka Beeluhu ay soo galiyaan Gacanta xukuumada wixii hub ay hayeen taasina wa! xay la xidhiidhsanayd uun is aamin la,aanta raadadkii ay ka tageen khilaafaadku waxaana uu hadh iyo habeen u hawl galay Cigaal inuu ka dhabeeyo gaadhana ujeedadiisa koowaad ee ahayd Hubka iyo soo xarayntiisa.
Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu si gooni gooni ah hadana ula xidhiidhay Maamulada Maleeshiyaadka waxaana ugu horayn uu ku guulaystay kana aqbalay dalabkiisa ururka 10 aad ee Jabhadii SNM,iyadoo Ururka 4aad iyo 5aad ee Jabhadii SNM na ay isla markiiba soo xereeyeen hubkooda,waxaa intaas soo raacay ururada ,3aad,88aad iyo Sayid Xamse,ururka 12aad,ururka 6aad A,6aad B,ururuka 11aad ,iyo uruka 1aad ee aaga bari,intaas waxaa dheeraa Xubnaha kale ee laga soo qarameeyay Gobolada Awdal iyo Sool oo ay halka ku wada abuureen Guutada Koowaad ee Ciidanka Qaranka somalilad.
Markii uu Cigaal ku guulaysaty tacab badan oo ka soo gaadhay soo xaraynta Maleeshiyooyinka hubaysan ee SNM waxaa uu hadana u hawl galay sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Ilaha Dhaqalaaha ee Dalka sida Dekada Berbera ,Madaarada,Kastamada iyo meelaha la midka ah,laakiin tani waxay noqotay mid aan sahlanayn waxaana Ka hor timid caaridaad badan gaar ahaana waxaa uu mid ugu adag kala kulmay Madaarka Hargeysa oo ay Inamadii gacanta ku hayay u diideen inay Xukuumada markaa ku wareejiyaan iyadoo ay jireen sababo ay markaas cuskanayeen, waxaana halkaa markii dambe ka dhacay iska horimaad dhex maray Xukuumadii Cigaal iyo Beelaha Somaliland qaarkood oo u bilaabmay si sahlan laakiin markii dambe keenay khasaare labada dhinacba ah oo darnaa,waxaan halkaa ku kala jabay mashruucii uu Cigaal uga dan lahaa Ilaha Dhaqaalaha sidii Xukuumada gacanta looga galin lahaa,waxaa dhacay dagaal sokeeye oo dambe iyo barakac ! ku yimid qaybo ka mid ah dadka Somaliland waxaana sii xumaatay xaaladii is aamninak mar labaad,laakiin hadana Cigaal kama uu quusan sidii uu xal ugu heli lahaa dhibaatada soo laba kaclaysay ee waxaa uu ka rajo qabay xalinta dhibaatada ka dhalatay is maandhaafka waxaana soo dhaweeyay Wufuud iskood isu xilqaamay oo iyagu u hawl galay xalinta dhibaatadaas iyo iyadoo ay dadku ka daaleen jiitanka colaada sokeeye aakhirkiina waxaa dhacay Heshiis balaadhan oo lagu bedelay waxyaabihii markaa taagnaa
Qeybtii 1aad
| Home