Halyeyga Siyaasada Qarnigii Tagay ee Geeska Afrika-Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal


Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal


(Diyaariye Xuseen Cali Dhuux,Waxaa Tafatiray Axmednaasir Jibriil Farah)-

HWN-(Hargeysa & Toronto)-Ilaahay Ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaa uu ahaa siyaasi weyn oo can kana soo shaqeeyay siyaasada Dalkii Soomaaliya iyo Somaliland ta cusuba-Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa ku dhashay Degmada Oodweyne halkaas oo uu waxbarashada Hoose ku qaatay Gobolka Togdheer waxaanu waxbarashadii sare ku qaatay Dugsiga Sare ee Magaalada Sheekh,waxaanu waxbarasho Cilmiga dhaqaalaha la xidhiidha ku soo qaatay Dalka Ingiriiska sanadihii 1950-1954 kii,Maxamed Ibraahin Cigaal oo ka soo jeeday qoys wanaagsan isla markaana uu dhalay Xaaji Ibraahin Cigaal oo ganacsade weyn ka ahaa Magaalada Berbera ayaa ka dib markiii uu Waxbarsahada dhamsyatayba waxaa uu u jeestay dhinaca Siyaasada isagoo aad u da’ yar isla markaana sida la ii sheegay waxaa uu ilaa yaraantiisii xiisayn jiray siyaasada isagoo hibo weyna kulahaa sida aan ka aragnay markii dambe.Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaa uu ka mid aha! a Xubnihii ugu firfircoonaa ee Dhalinyardii wakhtigii Ingiriska u ololayn jirtay Xoriyada iyo helitaanka Calan madax banaan waxaanu markii dambe noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga SNL taariikhdu markay ahayd 1958 kii,Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu horkacayay wefdigii Somaliland ee Dalka Britian u tagay sidii ay u soo heli lahaayeen calan soomaaliyyed oo ka madax banaan Mustacmaradii Ingiriiska si ay xor u noqoto british Somaliland Protectorate oo hoos iman jirtay Maamulka Boqorada,waxaana Xubnahas ka mid ahaa Dube Cali Yare,Axmed Keyse iyo Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye,Suldaan C/Raxmaan Suldaan Diiriye,Maykal Mariano,iyo Xaaji Ibraahin Nuur,waxaanu Maxamed Ibraahin Cigaal ahaa Xubinta lahayd saxeexa heshiiskaas dhex maray Somaliland waxgaradkeeda,hadaba markii la helay madax baaninada 26 Juun 1960 oo uu hormood ka ahaa Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa Shacbiga Somaliland oo ay qiiro u haysay inay arkaan calan umada soomaaliyeed oo dhami wadaagto ku naaloon jiray Shanta Soomaaliw! eyn waxaay markiiba ka dalbadeen Xubnihii hagayay siyaasada Somaliland inay si dhakhso ah ugu biiriyaan Koonfur oo iyadana 1dii July 1960 uu madax banaanida siiyay Guumaystihii Talyaanigu waxaanay labadii Jamhuuriyadood sidaa ku noqdeen Dalkii la odhan jiray Soomaaliya

Waxaynu nahay Dir iyo Daarood

,Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu Ahaa Raysal Wasaarihii Soomaaliya  markii ay Labada Jamhuuriyadood abuureen jamhuuriyadii Soomaaliyeed tan iyo markii inqilaabka Militari uu dalka ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankiisii 21ka Oktoobar,waxaanu si weyn door muhiim ah uga soociyaaraysiyaasada Dalkaa waxaa xusid mudan taariikhda uu mariyay C/Risaaq Xaaji Xuseen oo isagu markaa doonayay inuu noqodo Raysal Wasaaraha Soomaaliya,waxaa xusid mudan in C/Risaaq xaaji Xuseen uu warqad liqay,waxaa xusdi mudan siyaasadii  ku xidhiidhsanaydn waxaynu nahay Dir iyo Daarood oo meesha ka saartay  siyaasadihii ay wateen C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo kooxdiisu,Maxamed Ibraahin Cigaal oo uu kacaanku ka warqabay doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa Xoriyadada Calanka Soomaaliyeed i! sla markaana siyaasi rayid ah oo khibrad badan ah ayaa Kacaanku markii uu taladaii Dalka Soomaaliya qabtay waxaa uu Xabsiga u taxaabay Maxamed Ibraahin Cigaal waxaanu halkaa ku jiray mudo dheer oo uu xidhnaa xadhig aan sharci ahayn,waxaana xadhiga Cigaal ka biyo diidaybeesha Caalamka oo taliskaasna culays ku saartay inuu xoriyadiisa u soo celiyo Siyaasiga ahaan jiray Raysal Wasaaraha sharciga ah ee Soomaaliya ka hor intii aanu xukunka la wareegin rajiimka Militaraiga ahi.Cigaal waxaa kale oo soo noqday Wasiirkii Difaaca iyo Wasiirkii Waxbarashada soomaaliya

Ha la sii Daayo Cigaal

Maxamed Ibraahin Cigaal oo ku maqnaa dalka dibadiisa markii inqilaabku dhacay isla markaana markii uu dalka soo galay la xidhay,Shacbiga Soomaalida ah gaar ahaan dadka ka soo jeeday Somaliland ayaa iyagu si aad ahj  uga xumaaday xadhiga uu Talioskaasi xidhay Maxamed Ibraahin Cigaal waxaanay dadweynahaasi hal hays ka dhigteen Cigaal baa yidhi Umul baa la todoba bixiyaaye waar calankeena aaan haysano inta aan dadkaas is baranayo.,xurgufta ka abuurantay hakaasina waxay sii abuurtay dhibaatadii markii dambe baahday iyo kala fogaantii Kaacaanka iyo shacbiga Somaliland dalabyo badan ayaa ka soo yeedhay Hay,adaha Xuuqda Insaanka dalalka Carbeed iyo dalalka Galbeedka waxaana mar kasta laga dalbanayay in la sii daayo Cigaal ,ugu dambayntiina waa uu sii daayay Taliskaasi.waxaana uu markii dambe u magaacabay Safiirkii u fadhiyay dalka India Soomaliya laakiin hada! na mar labaad ayuu Xabsiga u taxaabay oo uu hadana sii daayay

Maanta halkii noo damqan jiraty noo damqan mayso.

 

Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa markii uu Dagaalku dhacay 1991kii magaalada Muqdisho uu u yeedhay Maxamed Siyaad Bare waxaanu ka codsaday in isaga isticmaalaya waayo aragnimadiisa uu  Beelaha Hawiye kala hadlo sidii Muqdisho nabad loogu dabaali lahaa xiligas oo uu Maxamed Ibraahin Cigaal ku magacawnaa Gudoomiyaha rugta Ganacsiga oomaaliyeed waaxaa uu talo ugu soo jeediyay Maxamed Siyaad Bare in uu talada dhiibo,waxaa xusid mudan in wakhtigaasna uu dagaal qadhaahd ka socday Gobolada Somaliland  oo ay fooda isdarareen Ciidamdii C/Casiis Cali Bare iyo dagaalyahanadii SNM,Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu markii dambe u soo wareegay Magaalada Jabuuti isla 1991kii,halkaas oo uu goob joog ka ahaa shirkii ugu horeeyey ee ay Kooaha Soomaldiu ku yeesheen Magaalada Jabuuti,waxaanu Cigaal talooyin badan ku siiyay halkaaa ko! oxaha balse way baal mareen talooyinkii,hadana 1993kii Waxaa uu ka qayb galay shir labaad oo lagu qabtay Magaalada dis Ababa waxaanu khudabda dheer ka jeediyay halkaas isagoo u sheegay Kooxihii somaalida ahaa ee halkaa ku shirayay in aanay maanta Somaliland marnaba ku dhex milmi Karin siyaasada soomaalida ,hadalada lagu xasuusto shirkaas waxaa ka mid ah “Maanta nooma damqanayso halkii noo damqan jiraty,” taas oo uu kaga jawaabay markii ay Xubnahaasi ku luuqeeyeen Soomaaliyeey Toosoo ,Toosoo isku tiirsada.

Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa uu ku noqday Dalka Imaaraadka Carabta waxaana xiligaas Somaliland gacanta ku haysay SNM oo dhexdeeda uu ka buurnaa khilaaf siyaasi ah oo baaxad leh,kuwaasoo sababay in dalka dagaalo sokeeye ka dhacaan sanadihii 1991kii ,1992kii iyo kuwaas oo ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Berbera.

 

Shirkii Boorama.

 

Maxamed Ibraahin Cigaal waxaa lagu soo marti qaaday inuu ka mid noqdo Xubnihii waxgaradka ahaa ee ka qayb galaya shirkii Boorama ee Beelaha Somaliland ka dib markii laga soo gudaby shirkii beelaha ee Sheekh lagu heshiisiiyay Beelaha ay colaaduhu dhex mareen ee magaalooyinka Burco iyo Berbera waxaanu Cigaal ka qayb qaatay in shirka Boorama uu midho dhal noqodo maadama laga soo gudbay turunturo badan oo mudo lagu jiray,laakiin intii uu socday Shirkaasi ayaa Maxamed Ibraahin Cigaal oo ay u muuqatay fursad uu shirkaas ka heli karo isla markaan ay dadweynaha Somaliland si aad iyo aad u jeclaayeen inuu talada Dalka qabto iyadoo si gaar ahna u xusayya khudbadiisa isla sanadkaas ee magaalada Adis Ababa waxaa uu ku guulaystay olole dhex maray Isaga iyo Marxuum C/Raxmaan Axmed cali (Gudoomiyihii SNM) iyo Cumar Carte Qaalib, Golaha Guurtida Somaliland oo daadihinayay labadii shire e Sheekhm,iyo Burco isla markaana gacanta ku hayay shirweyanah Beeelaha ee magaalaad Boorama ayaa waxay si aad ah markiiba ugu janjeedhsadeen dhinaca Cigaal taas oo ahayd mid ka urjumaysay fikirka dhabta ah ee bulshada Somaliland,Shir Gudoonkii Golaha Guurtida oo uu afhayeen u ahaa Sheekh  Muuse Jaamac Goodaad ayaa markii dmbe ku dhawaaqay in Maxamed Ibraahin cigaal uu ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigayay Axdi qarameedkii beelaha Somaliland.

 

Maxaa ka Horyimid Maxamed Ibraahin Cigaal ?

 

Maxamed Ibraahin Cigaal markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland ee lagu soo doortay magaalada Boorama waxaa uu markiiba shaaca ka qaaday inuu isbedel samayn doono isla markaana furfuri doono caqabadaha badan ee markaa meesha yaalay kuwaas oo ay ugu darnaydn Ciidamadii Maleeshiyaadka Beelaha ee ku kala qaybasanaa aragtida kala fogayd ee Siyaasiyiintii SNM,waxaana ugu horayn madaxweyne Cigaal ka horyimid.

1.SNM oo kala qaybsan : Kala qaybsanaan laxaad leh oo ka dhex jirtayu SNM oo iyadu talada Dalka laba sanadood gacanta ku haysay una qaybsnayd laba kooxood oo la kala baxay Calan Cas iyo Calan cad (Shiish iyo Khaakh) kuwaas oo markiiba loolan u galay inay hantiyaan Miisaanka Xukuumada Cigaal laakiin fursadaasna waxaa si wanaagsna uga faa,iidaystay garab ka mid ah labadaas dhinac iyadoo garabka kalana uu u arkayay in talo maroorsi lagag qaaday Xukunkii taas oo ay Cadeeyeen Madaxweynhii waklhtigaas ee ahaa Gudoomiyaha SNM Alla Ha u naxariistee C?Raxmaan Axmed cali iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii ahaana udoomiye Xigeenkii SNM Xasan Ciise Jaamac oo aan isagu kaba qayb galin shirkii Beelaha ee Boorama ,kal qaybsanaanta SNM waxay caadifad galisay Ciidamdii Maleeshiyaadka ahaa ee SNm kuwaas oo u kala fadhiyay qabiilooyin mid kastabaa jid gaar ah uu maamulo waxaana Cigaal ka hor yimid hawl culus oo kaga timi! d sidii uu u hantiyi lahaa Jidadka iyo Goobaha kale ee muhiimka unah Xukuumada taas oo Xukuumadii ka horaysayba ay kala kulantay fashilaad iyo niyad jab ay sabab u ahayd khilaaf soo jireen ah oo u dhaxeeyay Kooxaha SNm ee ku kala aragtida duwanaa maamulka iyo siyaasadaba.

 

La soco Qaybta kale……….


Hosted by www.Geocities.ws

                                      

Qeybtii 2aad

Home
1