Somali Banadiri Human Rights Organization

 

 

 

Human Rights Violation.

 

 

E-mail: mailto:[email protected]

 

 

 

The Hague 3 julay 2001                                                                         the Netherlands

 

Ujeedo wargalin dhamaan cida ay quseyso.

 

 

 

 

Waraka  naga soo Gaaray Magalada muqadishu  waxay sheegayaan in maalintii

Khamiista bishuna ahayd 28 juun 2001 uu dagaal kulul ka dhacay magaalada  muqadishow  dagaalkaas oo dhex maraykooxaha Nabgelyada iyo maleeysiyooyinka Muqadhishow waxaa ku dhintay dad fara badan .

 

Haddaba, beryahaan waxaa caado noqotay in degaano  badan oo ka mid ah soomaaliya

Badanaaba looga xad gudbo xuquuqul Insaaka taasoo sharaf dhac ku ah karaamada Beni'aadamka. Waxaan aamminsan nahay  awoodda ilaaheey oo keliya tahay in nafta aadamiga la qaado, haddii aysan qasaasi jirin.

 

Inta badan markayiska hor imaadaan kooxaha hubaysan waxaa halkaas waxyeello ku soo gaartaa badanaaba dadka aan hubeysneeyn ee aan waxba sameeyn sida  Dumarka, Caruurta, iyo wayeelka,  sidaas awgeeda ay dhacday aan kor ku soo sheegnay dad fara badan ay ku waxyeeloweyn musiibadaas dagaaleed waxaana ka soo qadan karnaa madaaficdii dagaalada qaar ka mid ah ay soo gaareyn ilaa iyo xafadda Xamar weyne

Ayna ku waxyeloweyn Dad farabadan oo ay u badnayeen caruur iyo waayeel melaha ay madaficdaas waxyeleysay waxaa ka mid ah Xafadda Raqayga ee u dhaw Saldhiga afar irdood ee degmadda xamar weyne. Sidaas awgeeda  waxaan haddaba ku baaqeeynaa in la qaddariyo Xuquuqda aadamiga.

 

Gud'oomiyah  Somaali Banadir Human Rights Org.

 

 

Dr. Abdulkadir Sufi (muriidi Golf )

 

 

 

..

Hosted by www.Geocities.ws

1