![]() |
![]() |
war saxaafadeed uu soo saaray ururka SANU
war saxaafadeed ka so baxy ururka SANU. ee Banaadiriga ayaa ka war celiyay war ka soo yeeray
nin isku magacaaway gudoomiyaha golaha midnimadda mudullood.mr.Cabdi maxamed Culusoow. warkaas oo ahaa duudsixuquuqeeyd,inkiraad ayaa dad badan ka careeysiisay oo ah waxgaradka xamar iyo xamardaye.ururka SANU wuxuu war saxaafaddeedkiisa ku sheegay in qaddiyadda gobolka Banaadiriga beryahaaan noqotay mid la isku dhiidhiibo, ayadoo dadka qaarkiis doonayaan in Xamar noqoto mid la wada leeyahay.Hadaba,waxaa su'aal ah: goormuu gobolka Banaadir Noqday mid la wada leeyahay ?.waxaa shakii ku jirin in gobolka Banaadiriga uu leeyahay Taariikh fog oo aan mugdi ku jirin.
waxaa la yiraahdaa Taariikhdu ma duugowdo, mar kastana iyadaa is cusbooneeysa .waxaa jirta in gobolka Banaadiriga uu hooy u ahaa ab iyo ka isir dadka reer Banaadiriga . cid dafiri karta, inkiri karta majiro,taasna xusuusnow. ummadda Soomaaliyeed way yaqaaniin Taariikhda Goboolka Banaadiriga.waxaa kaloo jirta in magaca banaadir uu gaar u yahay dad gaar ah oo ku abtirsada qowmiyadda Banaadiriga.
Haddaba,waxaa haboonaan laheeyd in Mr. Culusow wax ka barto daraasadda Taariikhda .( Historical research )
waxaa kaloo waayo aragnimo ahaan ka tusmo qaadataa in xamar iyo xamardaye in ku filan is wada yaqaaniin,isla markaana aysan u baahnayn in loo kala turjumo.
Mr. Culusow. Balse adiga Daaqaddee,Dariishadde baad naga soo gashay ? Xamar iyo Xamardaye waa la yaqaannaa.Taariikhdooda . adiga Culusow ah ma waxaad is leedahay xamardaye ayaan walaallo wada nahay..ama wada dhalanay?
ugu danbeentii ururka SANU.wuxuu ugu baaqayaa dhammaanba dadka ku nool gobolka banaadir inay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarinta Gobolkooda.
Soomaaliddu waxaay ku maah maahdaa: AFKII ''BA'AY'' YIRBA TOWBAD WUU KARAA..
wa bilaahi toowfiiq
Gu'doomiye kuxigeenka SANU
Dr. Cabdulkadir Suufi maxamed ( Muriidi golf )
E-mail : [email protected] [email protected]