WAR BIXIN KU SAABSAN SOCDAALKII WAFDIGII MIDEYNTA IYO BADBAADADA BANAADIRIGA AY KU TAGEEN MAGAAALADA MARKA

Muqdisho 12/09/2002:-

Waxaa maalintii shalay magaalada muqdisho dib ugu soo laabtay wafdi ka socday Golaha mideynta iyo badbaadinta Banaadiriga oo booqasho sedax maalmood ah ku tagay magaalada MARKA ee gobalka Sh/hoose. wafdigan oo ka koobnaa afar xubnood ayaa waxaa haatan dib u soo laabtay sedax ka mid ah iyadoo uu magaaladaasi ku soo haray Abroone Xaaji Yuusuf oo dano shaqsiyan ah u soo haray.

Wafdigan ayaa markii ay tageen magaalada MARKA waxey ugu horeyn la kumlmeen caaqilka magaalada Marka Caaqil shariif C/raxmaan Shariif Axmed Shariif Dhega weyne iyo xubno gaaraya sided Xubnood oo ay kala qaateen warbixino kala quseeya labada dhinac.

Wafdigan oo la kulmay xubno isugu jiray siyaasiinta iyo odayaasha deegaanka ayaa waxaa ugu horeytii warbixin aad u dheer oo ku saabsan socdaalka wafdiga halkaasi ka jeediyey Md. Cumar Jeelow Gaazi oo ku hadlayey magaca GOLAHA.

Dhinaca kale Caaqilka oo isna warbixin siinayey wafdiga Golaha ayaa sheegay in dadaal dheer ay sameeyeen ka dib ay ku guuleysteen in ay maanta gacantooda soo gasho oo loo ogolaado in ay iyagu xaq u leeyihii DUQA magaalada MARKA, kuxigeenka teliyaha Asluubta iyo Xisaabiyaha Guud, wuxuu kaloo Caaqil Shariif C/raxmaan dhega weyne sheegay in sidoo kale xubnaha maamulkaas ay ku leeyihiin oo loo ogolaaday shan xubnood oo caadi ah oo aan ku jirin sedaxda jago ee aan kor ku soo sheegnay.

“muddo hal saac ah keliya ayey naga qaadatay in aan xalino khilaafkii u dhaxeeyey labadii garab ee reer Banaadir ee gobalkan” ayuu yiri shariifka oo warbixintiisa sii wata Warbixinta Caaqilku uu siiyey wafdiga ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqay xubnihii ka qeyb galay shirkaasi oo ka koobna afar xubnood oo wafdiga ahaa iyo sided xubnood oo ahaa xubnihii la socday Shariifka.

Sidoo kale ayaa Caaqil Shariif C/raxmaan dhega wayne wuxuu mahadcelin u soo jeediyey Golaha oo uu ku sheegay in ay qabteen hawlo badan oo loo baahnaa in wax laga qabto wuxuuna talo ugu soo jeediyey in aysan isku hawlin arrimaha gudaha balse ay culeyska saaraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen siyaasada dibada, iyadoo goobtaasi lagu xuso in caalamkoo dhan dadka soomaalida ay ku maraan waxaana nahay reer banaadir tasina ay wax ka qabad u baahan tahay.

Sidoo kale ayaa waxaa kulankaasi lagu go’aamiyey in caalamka loo diro wafdi ka soo dhaadhiciya arrimaha xaqaa’iqda ah ee reer Banaadir iyo sidii uu caalamka wax ugu qaban lahaa dadka reer banaadir ee Runta ah.

Kulan kale oo ka dhacay guriga xildhibaan Cali Maxamed nuur Harakow ka dhacay ayaa waxey GOLUHU kaga warbixiyeen socdaalkooda iyo sida magaalada muqdisho looga soo dhoweeyey midnimadii reer Banaadir ay ku gareen magaalada MARKA iyo sida ay xaqooda u soo dhacsadeen markii ay midoobeen.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu soo bandhigay in hay’adda Amnesty international ay haatan dooneyso in ay dacweyso oo maxkamada soo saarto maamulkii Cali Mahdi oo 1991-dii markii uu jirey diiday in degmada shangaani laga dhiso isbitaal ay hay’ad UN-ka ah ka soo dhameysteen aqoonyahano Banaadir ah oo ka koobnaa lix dabaq oo sedax dhulka ku jirto sedaxna banaanka taalo, kaasoo dhismihiisa ay joojiyeen Maamulkii Cali Mahdi haatan qalabkii loogu talo galay wali lagu hayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Waxaa kaloo kulankaasi lagu soo bandhigay in hay’adda amnesty ay ogaatay in boqolaal dadka soomaalida ka mid ah ay caalamka qaxooti kaga dal badeen in ay Banaadiri yihiin laakinn ay xaqiiqowday in aysan aheyn. Waxaa kaloo odayaasha reer Marka ay dhaliil u soo jeediyeen GOLAHA oo ay ku dhaliileen sedax qodob oo kala ahaa

1. in Xubnaha reer MARKA la siiyey ay yihiin kuwo aad u yer marka loo fiiriyo magaalooyinka kale

2. in guddiga fulinta aysan ku jirin reer MARKA iyo kan

3-aad oo ahaa in lagu deg degay magacaabida maaulka golaha, sidaas ay tahayna ay reer MARKA ku faraxsan yihiin in ay la shaqeeyaan maamulka GOLAHA.

GOLAHA ayaa waxey la kulmeen intii ay joogeen magaalada MARKA Golaha Aqoonyahanada Gobalka Sh/Hoose oo uu hogaaminayey guddoomiyahooda Dr. Sheekh Sayid Abba Cali iyagoo ka wada hadlay sidii loo mideyn lahaa aqoonyahanada reer Banaadirmeel kastoo ay joogaan iyagoo ugu dambeyntiina ku heshiiyey in la sameeyo DALAD mideysa aqoonyhanada banaadiriga ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, in la sameeyo xarumo ku kala yaala muqdisho iyo MARKA iyo magaalooyinka kale ee ay degaanka dadka reer Banaadir dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyo in la sameeyo dastuur ay leeyihiin aqoonyahanka reer Banaadir, in la sameeyo xiriir joogto ah oo dibada iyo gudahaba ah iyo in lala kaashado hay’adaha ay quseeyaan arimahaas.

Sidoo kale ayaa waxey wafdigu la kulmeen ururka haweenka banadiriga ee gobalka Sh/Hoose oo ay hogaamineysay Guddoomiyaha ururkaasi Marwo Khadiijo Nuunow.   Marwo Khadiijo Nuunow waxey GOLAHA ka codsatay in ay mideeyaan haweenka reer bnaadir ee gobalka Sh/hoose iyo kuwa ku sugan magaalada XAMAR.

Maalintii daraad ayaa waxaa GOLAHA qado sharaf sagootin ah loogu sameeyey Guriga Marwo Khadiijo Nuunow oo ah Guddoomiyaha ururka haweenka reer banaadir ee Gobalka Sh/Hoose.

Wafdigan ayaa waxey soo balan qaadeen in ay wax ka qaban doonaan soo dhicinta xuquuqda banaadiriga meelkastoo ay ku jirto, iyagoo ku baaqay in qof kasta ee reer Banaadir ah uu meeshuu joogo wajib isaga dhigo sidii uu u soo saari lahaa xuquuqda reer Banaadir.

Abukar Al-Badri

[email protected]

www.markacadeey.com

Hosted by www.Geocities.ws

1