Waa la aaweeyaa
((xushmeeyaa))
waa buug cusub ka shekenaaya
tariikhdii reer Banaadiriga qeybta 1aad .
W. Q.
Dr. Cabdulqaadir xaaji Suufi Maxamed
(Muriidi Golf)
2001
The Netherlands
Waa la aaweeyaa
((xushmeeyaa))
*Xuquuqda daabicidda iyo wax alla wixii ka qaadasho u baahan waxaa lagala soo xiriiri karaa qoraha buugga isaga ayayna u kaydsan tahay
*Buugan waxaa lagu daabacay magaalada Sommelsdijk ee dalka Holland
Cinwaanka qoraaga:
Dr. Cabdulqaadir Suufi Maxamed (Muriidi Golf)
Ammunitiehaven 625,2511 XS Den Haag..Holland
E-mail:Muriidigulf @ hotmail.comTelefax: (31) 70 3361418
Taariikhda buuggan waxaan u hibeeyay qoomiyadda Banaadiriga si ay ugu noqoto dhaxal ma guuraan ah dhallaankeenina ay ugu anbaqaadaan
Rabbi baa mahad u sugnaatay oo raalli iga noqday in aan buuggan qoro Waxaan kaloo u mahad celinayaa xaaskayga iyo carruurtayda oo ii dulqaatay intii aan ku hawlanaa qorista Buuggan, waxaa iyadunna xusid mudan mudane yaasha kala ah
Col: Shariif Cumar sh. Zenow iyo maxamedeyn xaaji maxamed xusein (maxamadeyn) oo igu dhiiraggeliyay qorista buggan iyo muriidi abuukar mahdi (somali airln) Iyo maxamed baxsane iyo dadkale oo fara badan.
Waa la aaweeyaa
(( xushmeeyaa ))
W. Q.
Dr. Cabdulqaadir xaaji Suufi Maxamed
(Muriidi Golf)
2001
The Netherlands
TUSMADA BUUGGA
TARIIKHDA REER BANAADIRIGA
TUSMADA BUUGGA
TARIIKHDA REER BANAADIRIGA
TARIIKHDA REER BANAADIRIGA
TARIIKH KOOBAN
Reer Banaadiriga waxaay ahaayeen dad xadaarad leh waxaayna xiriir la lahaayeen
Carabta waxaayna safar ku aadi jireen doonta lo yaqaan xariin waxayna ku8 aadi jireen meel ugunji la yirahdo iyo zanzibaar bayacmushtar laga sameen jiay 1950 kii
Markii uu talyaaniga ku soo noqday Soomaaliya ayaa dadka Reer Banaadiriga
Dhibka u biloowday hadii Talyaaniga uu ka kamaqnaan lahaa Somaaliya dhibaatodu
Soomaaliya gaartay magaarteen gobaladdu maqana ma naga maqnaan laheen talyanigu
Waxu xamar ku so batay qaxootiga ah oo soomaali ah iyo kuwo kale awooddii maamulkii iyo dawladnimadiiba dadkaas ayuu gacanta ka saaray talyaanigu waxu u
Qaday reer Banaadiriga cadaawad xoog leh bal ogaada waxu Talyaaniga reeer Xamar
Siyay hal kursi si aysan cod u lahaanin meel kastanna cadaadis ayu kasaaray waxuuna
Isu diray reer Banaadirga iyo qabiilo kalle reer Banaadiriga waxaa loola jeeda
Magaalooyinka ay ku yaalaan Xeebaha Xmar, jaziira,Gandarshe,Marka, Baraawo,
Warshiiq, hadaba Banaadir Waxaa lagu Qayaasaa in aay jiri jirtay. 4000-ilaa 5000 .dhalashadii Nabi ciise Nabad galyo iyo naxariis korkisa ha ahaate kadib. Qarnigii
8 .aad Xamar Waxaa xukumi jiray nin la yirah FAQRUDIIN waxaa Xamar laga
Shaqeen jiray farsamooynka oo aad fara batnaa oo kala ah Sida Aliindiga,suufka
Iwm.Ganacsiga iwm.oo lo soo qaado oo la dhigo dufi Doollaab oo la soo suubiyo si
Suufka loogu dhaliiliyo Xariin iyo Dooman ayaa la samayan jiray si magaalooyinka
Zanzibaar, iyo ugunji, loogu aado waxaa la sameeyn jiray Farsamadda malaayga
Lagu soo gaado oo shabaqa ah iyo waxii iwm.waxaa kaloo la sameen jiray Dahabka
Iyo Qalinka waxaa kaloo lasameey jiray farsamo kabaha maqaarka waxaa kala
Laga beec mushtari jiri Galeeyda,Masigadda,iyo IWM.waxaana laga imaan jiray
Cadan,mukala,Zanzibaar,iyo iwm.waxaana lakeeni jiray alaabo badan sida fiinjaanka
Timirta,Dahabka,cilaanka iwm.anagana waxaan ku badalanjirnay Suufka iyo Dharka
Aliindiga,malabka,Subagga,maqaarka,haraga,Saliidda Sisinta,kabaha maqaarka,
Iyo waxyaabo aad u fara badan. 1330kii waxaa xeebaha Banaadir soo maray
Ibnu Batuuta. Waxuuna Buuggiisa Tariikhda uu ku qoray seddax Xeeb oo aadu weeyn
Dadka ku nool aqoontooda iyo Farsamadooduna aad u dheer tahay
1320kii waxaa kalo Banaadir soo maray Seventino Bebaldi .oo Talyaani aha waxuuna
ka sheekeeyay Banaadir . nin kaloo Talyaani ah oo asna la yiraahdo VASKO de Gaamo.
Ayaa Banaadir soo maray 1503kii waxuuna ka sheekeeyay Xamar waxaa markii
Danbe xukumi jitay nin layirah mudane .mudafar 1836 xamar iyo Marka waxaana ka
Dhacday jiro xun oo oo aad iyo aad loogu dhamaaday Tariikhdu markaay aheed
1871gii waxaa magaaladda qabtay Suldaankii Zanzibaar suldaan BARQASH
asaga laf ahaantiisu ma qabsan ee dhawr qofood ayuu soo diray, waxayna magaaladda
ka qaateen Buuggaagii Farsamooyiinkii iyo wixii Xamar Tariikh u ahaa ee Dabciga
Reer Banaadir waxuu ahaa Dabci Diineed oo waxay ka fogaayeen dagalka dhaca iyo
Khayaanada xooggana waxaa la saaray walaaltinimada iyo soo dhaweenba waxay waxaay soo dhoweyn jireen Carabta iyo Hunuuda waxayna la dagganayeen sii nabad
Ah 1892 waxaa Banaadir soo galay Talyaani isagooZanzibaar ka soo ijaartay
Mogadishu,marka,iyoBaraawa, soo Galitaankii Talyaani ee Banaadir Dhibkii wagaa
U ku bilawday Reer Banaadir ilaa imanka ayuu haystaa 1905tii wuxuu Talyaanigu
Xoog ku qabtay Xamar,marka,Baraawo wuuna guurey saw jiray. Xamar Weyne Waxaa degganaa qabaailadda reer banaadiriga Shingaani,Cabdulcasiis,Boondheere,Xamar jabjab,ansalooti,ayadana sido kale
Waxaa aan soo sheeknay oo dhan waa qabaailkii Berigii hore la kasaayayoo melahaas deggenaa shantaas meel oo kala ah Xamar,Marka,jasiira,gandarshe,Baraawo, dadkii
Daganaa waagii hore intaas ayaay ka koobnaayeen. Qabiil waliba waxu u kala baxaayay
Qooysqooys oo aan so sheeknay oo dhana oo Reer Banaadir ka koobanaayeen waxaa dhacday in loo Beddelo Magac la leeyahay Reer Xamar,Reer Marka,Reer Baraawo,
Qabaailkii hoos ayaa loo Dhigay waxaa noo keenay ilbaxnimada markii qofka la yirahdo yaa tahay? Waxaan dhihi jirnay haddana aan dhahna waxaa ahay Reer Xamar,
Ama Reer marka ,ama Reer Baraawo,ama Reer jasiira, ama Reer gandarshe taas oo macnaheedu tahay in aan ka soo gudubnay heer qabiil una soo gudubnay heer goboleeysi.oo aan maanta aan ku faani karno. talyaaniga waxuu Banaadir u dhisay
Oggolaashaha Reer Banaadir sidaasi aweegeeda madhici kartaa in nin reer Banaadiri
Ah uu Banaadir dudumiyo, Banaadir hadda waa lagu dheelay waxaana ku dheelay
Dad aan Reer Banaadiri ahayn marku Talyaaniga Xamar ka baxay.1943dii 1944tii
Waxaa xamar ga canta ku dhigay ingariiska,waxaa markaasi Xamar ka bilowday
Dhq dhaqaq xurnimo doonah dadka Reer Xamarna madaama ay ilbax ahaayeen Waxaay aasaaseen leegada. Hadafkana ma;ahayn in Banaadir ahaan loo gooyo ee
waxaay ahayd in Soomaaliya oo dhan la Xoreeyo .markii Xoogaa yar ay socotay
Leegada waxaa bilaabatay oo leegada dhexdeeda ka bilabatay qabiil markii Reer
Banaadir ay ogaadeen in wax faaiido leh aysan ugu jirin leegada waxay aasaaseen
Xisbi kale oo loogu magac daray .Xamar Youth club.waxaana xisbigaas la aasaasay
15 kii abriil 1944 leegadii waa baa ba"day kuwii kalena way baa baeen laba xisbi
oo keliya ayaa ka nool waana Xisbiga Digil iyo mirifle iyo S.A.N,U labadaas Xisbi ayaa
haddana ku jiraan soo dhalinta nabad ka aslaaxda soomaaliya .Reer Banaadiriga
Reer Banaadiri waxaay soo mareen afar marxalado oo magac Xisbiyeed ah
Hamar youth Club. UNIONE GIOVANI BANAADIR. S.A.N.U. S.N.U oo hadda ugu danbaysay guddoomiyehii hore ee H.Y.C. waxaa ahaa Axmed Shariif Sanadkii 1948dii
Waxaa magacii Xisbigii H.Y.C loo beddelaay Unione Giovani Banaadir. Xoriyad ayaa
Jirtay nabad ayaa jirtay doorasho xor ah oo caddaalad ku dhisana waa jirtay.
9kii janaayo 1951 waxaa la doortayoo madax ka noqday ururkii Banaadiriga
Xaaji muxidiin Xaaji cali .15kii Agosto 1952dii waxaa la sameeyay congress waxaana
Lagu doortay Guddoomiyaha cusub oo la dhihi jiray Shariif maxaed Xusein (Sh.Zeeno)
Ku Xigeenka Sekretaariga wuxuu ahaa maxamed cali nuur oo ka mid ahaa 13kii
Aasaasayaashii Xisbigii S.Y.L. waxaa kaloo Congress kaasi lagu doortay dheere Xaaji
Dheere hase yeeshee Dheere wuu diiday in uu jago ka qabto ururka wuxuuna u diiday
Sababo shaqsi ah .waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda leegada 15 Abriil
1953dii khudbooyinka waqtigaas la aqrin jiray waxay ku saabsanayeen Nationalism,
Soomaaliya ha walaalowdo Soomaaliya mid ha Noqoto,danaha Soomaaliya ha laysku keeno inkastoo Qabaailka kale ee Soomaaliya ay nagu eedayn jireen arrintaas
Xamar annagaa asalkiisa hore Degganayn ananagaana iskaleh,wax kastana asalkiisa
Ayuu u noqdaa 23 Maajo 1954 waxaa la dilay ustaad cusmaan Maxamed Xusein isagoo u Socday Qaramadda Midoobay U.N.ka ee newyork ee mareekanka malintii uu baxi
Lahaa cawadiisa ama habeennimadii safarkiisa ka harsanaa habeennimo ayaa la dilay
Wuxuuna watay barnaamij waxtar u leh Reer Banaadir iyo Digil iyo mirifle.
28dii ilaa 30kii Agosto 1955tii waxaa la sameeyay Conngress. Waxaana lagu doortay
Shariif Maxamed Xusein (sh. Zeenow) ku xigeena waxaa lo doortay Maxamed Cali Nur
16 julay 1959kii waxaa U.N ka aaday Guddoomiyahii Reer Banaadir oo ahaa
Abuukar Xaamuud Sokorow isagoo ka dacwoonayay sababta Reer Banaadir loogu
Diiday Baarlamaanka. Markii Xornimadii la Qaatay Maamulkii nidaamdaro ayaa
Lagu qayb saday .Qabiil cad ayaana lala soo baxay Shacbigii reer Banaadir
Meeshaas ayaa lagu khiyaamay sidoo kale Shacbigii Digil iyo Mirile iyo Shacbigii
Baajuuni ayaa la Khiyaanay oo Xoog looga eryay meeshooda . waxaana hoosta loo
Geliyay Shacabi Reer Baadiyo ah oo aan dawladnimada aqoon dheer ah u
Lahayn 1991kii ilaa iyo hadana waxaa Reer Banaadiri sameeyay gef kii hore ka weyn
Xukunkii milatariga ahaa ee 1969kii ilaa 1991dii uu madaxa ka ahaa Gobolka
Uu dhibka Weeyn gaar siiyay wuxuu ahaa Gobolka Banaadir. Xaafadihii uu Xamar ka
Sameeyayna Wuxuu ka dhigay degmooyin Reer Banaadir waa dad Magaalo joog ah oo
Xadaarad leh Reer Banaadir waa shacab wax soo Xukumay lana soo xukumay
Reer Banaadir waa shacbi lagu soo barbaariyay caqiiddada islaamka ,Shacbi dhawrka
Jiiraanka, jecel diris wanaaga, isla noolaanshaha, iskana ilaaliya ku xadgudubka
Xuquuqda Bini aadanka.
Haddaba hordhaca waxuu sal u yaha y mawduucaan Xiriirka qooyska banaadiriga ama dhaqan hoosaadka qoyska reer banaadiriga
Buuggaan wuxuu ka hadlayaa taariikh. waxaa akhristayaasha ka cosanaya in ay iigu garaabaan haddii ay qoraal keeyga ku arkaan daldaloolo ama qaladaad xaga farsamadda
Sababtu waxaa weeye Buuggaan waa kii iigu horeeyay oo aan qoro inkastoo aan taariikhyo ayado ay jiraan wax tariikh ? iyo baaritaano badan oo aan sameeyey awgood aan kuguuleystey in aan qoro buugaan. Buggeyga waxaan uga hadliay cutubka laad oo ka kooban b-milicsi kooban ee taariikhda qoyska bnaadiriga t-qoyska b-barbaarinta iyo waxbarinda ubadka gaar ahaan ubadka banaadiriga cutubka 2aad waxaan uga hadlay xiriirka qoyska banaadiriga oo u kala sii baxaayo b-dhalasho madax-shub sami-waqlal-gordaaris -dhegdurid t-gudniin j-furiin =maxlal x-tacsi =asaay -dhawaqo-dumaal. Cutubka 3aad waxaan uga hadlay suugaanta banaadiriga b-ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka banaadiriga t-maahmaahyada banaadiriga cutubka 4aad waxaan kaga hadlay qalab banaadiriga b-dharka t-dahabkaj-qalabka guriga. Cutubka 5aad sidoo kala waxaan uga waramay waxayaabaha ay aaminsan yihiin qoyska banaadiriga
b-waxyaabaha ay aaminsan yihiin qoyska banaadiriga d-waxyaabaha ay shareystaan
t-waxyaabaha ay kheyraystaan. Cutubka 6aad waxaan uga hadlay dabciga guud ee qoyska banaadiriga ,waxaa mowduuceyga ku soo qaadanin guriga
qeebta 1aad
B-milicsi kooban ee tariikhda qooyska
Banaadiriga
Mar haddii qoyska Banaadiriga laga hadlaayo waxaa durbadiiba madaxa ku soo dhacaaya gobaldda Banadir iyo marka iyo barawo iyo jasiira iyo gandarshe iyo mela kae oo farabadan oo ah halka ugu badan ee ay degaan qomiyadda reer Banaadiriga oo ay degaan qooysaskoodi mar hadii arinta sida tahay waxaa laga maar maan ah inaaynu wax ka ogaano tariikhda gobaldaas iyo degmooyinkaas ugu horeentii aan ku bilaawno
Ereyga Banaadir oo dadka qaar ku macneeyaan.B> bulsho-A>ala iyo.N> nabigeeda -A>aaminsan.D> diinta-I>ilahna--R> rumeysan-BANADIR-bandar oo lola jeeddo meel deegaan ku wanaagsan iwm ama hadaan soo qaadano ereyga xamar oo loola jeedo casaan ame gaduud oo ay ku timid magacaassay leyahiin dadka qaarkiisa waxaa lola jeedaa dadkii cad caddaa ee kasoo jeeday carabta iyo Beershiyiinta waxaa waxyar kasoo qaadaneeyna
Xamar weyne oo aad garan kartaan macnaha oo ah magaaladii Weyneed . iyo shengaani oo hore ee lagu yaqiinay magaca ahaa Xamar Yare loogu bedelay Shingaani ereyga
Shingaani waxaa lagu sheegaa in aay ka soo jeedo erey Sawaaxili ah oo micnahiisu
Lagu Sheegay ''Taag'' hase yeeshe magacii magacii Xamar weyne ayadu magaceedu
Weli waa sidiisa oo wax is badal kuma dhacin ilaa iyo dagaaladii 1991dii sokeeyana
Ayadana wax burbur kuma dhacin taas oo dadka qaarki ku tilmaamaan meel aad iyo
Aad u barakeesan oo u doceeyeen culumo aad iyo aad u farabadan Sida Sheekhul
Banaadir Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Suufi oo yiri ninkii guraayo haguuro aniga gurigeyga ka guri maayo taas oo aan ka soo qaadankarno ama aan dhihi karno hadal xigmad leh iyo culumaawdiin kale oo aad u farabadan
Waxaa ayadana laxusid mudan degmada Cabdulcasiis oo aad u degen dadka ka soo jeedo Qoomiyadda Reer Banaadiriga oo ayadana u doceeyay Sheekh Cabdulcasiis
Waxaa kala dadka Reer Banaadirka Degaan Degmadda Boondheere dii hore oo ah
Inta soke oo idil waxaa kalo ayadana degaan Qoomiyadda Reer Banaadiriga Degmada
Xamar Jabjab. Iyo Degmada Ansalooti. ee Gobalka Banaadiriga waxaa ayadana in la
Sheega ku wanaagsan in ay deganyahiin inkastoo ay kubadneen degmooyinkaas kaleee u ka koban yahay sida degmadda wada jir,Shibis,karaan,Hodan, iwm hadaba
Degmooinkaas waxaay ku fara bateen markii dadkii daganaa carshaantii Xamar weyne qaar kood loo raray Degmooynkaas aan soo Sheeknay ka dib markii guryaahoodii la burburiyay taariikhdu markaay aheed 1930-1932dii .laga soo raray iyo Gobaladaas oo dhan ay dagaan oo waxay ku dhacaan dhul ay dhinaca koonfur ka xigtaa Badweeynta hindiyan ochon waxaayna lee yahiin Xeeb
Dirirkeedu lagu Qayaasay ,250 kilo miter kana Xigto dhanka koonfur Gobaldda iyo Degmooyinka waxaay yahiin degmooinka iyo gobaladda ugu Qadiimsan tariikhda
Soomaaliya marka laga reebo Degmadda Zeeylac oo ayadu ku taal Goboladda waqooyi
Ee Soomaaliya.hadaba markaan ku soo labano tariikhda Banaadir .Da"weeynaanta
Gobaladda iyo degmooiynkaba waxaa marqaatii inooga filan rug taariikheedyadda
Faraha badan ee ka muuqada deegaanadaan kuwaasoo ah wax latabankaro qof kasta oo
Soomaaliyeed ku faani karo gaar ahaan Qoomiyadda Reer Banaadiriga oo asal ahaan ka soo jeeda hadaan in yar aan ka soo qadano tariikhyada waxaa ka mid ah masajidado,Qubuuro,iyo Saro ama daaro gaboow ah saraha daaraha iyo Masaajidada
Oo ah kuwo sii aad looga shaqeeyey hadddii ay noqon lahayd dhismaha ama Xagga
Farshaxanka abwaana oo muhandasiin aya suurta galisay inay noqdaan kuwo la isticmalo ilaa oyo waqtigaan xaadirka ah in kastoo qubuuraha iyo masaajidada ku yaliin degmadda Barawo,Marka, jasiira, Gandarshe,Xamar weyne ,Shingaani ,Cabdulcasiis,melahaas oo hore u soo sheeknay la ogyahay waqtiyadii la dhisay
Maadaama ay ku dul qoran yihiin ayaa haddana Sarahan taariikh Sugan ee Muujinaayaa goortii la dhisay qarnigii 12aad ee Miilaadiya ka hor, maadaama masaajidka jaamaca Xamar weyne oo ah masaajidka ugu da''da weyn Magaladda
Xamar la dhisay Qarnigii, 6aad ee hijriyada kuna aadan Qarnigii, 12aad ee miilaadiyada .waxaase isku diido lahayn in dadku intan meel uu ilaah ku caabudo sameeysan ,uu sameysto meel uu u hooydo .Rug Taariikhyadaasi oo idiil waxay ina tusaayaan oo ay tilmaamayaan cad ka bixinayaan ilbaxnimadii islaamka aheeyd ee Xamar ka dhisnantay soo gelitaankii islaamka ka dib .faaidooyin badan baa laga helay
Meelahaasi waxayna noqdeen meelaha qura ee laga ogaaday taariikhda magaaldda
Xamar.waxaase ku amaanan dadka degan deegaanadaa kuwaasoo ilaaliyay ,xafidayna
Rug taariikhyadaasii.
Aan u leexano markan dulucda cutubkan oo ah Taariikhda Qoyska Banaadiriga.
Dadka ugu badan ee degan, Gobolada iyo degmooyinkaba ee Reer Banaadiriga
Waxaa lagu sheega waxay ka mid yihiin dadkii ka soo haajiray jasiirada Carabta, soona
Gaaray qaarada Afrika gaar ahaan Barriga Afrika waxay isugu jireen Culumoudiin u
Socday fidinta Diinta Islaamka iyo Qaxooti ka soo cararay dagaaladii ka dhacay jasiirada carabta iyo dalka faaris. Bulshadani waxay ku hareen dalka halka qaar kalena
Ay u sii gudbeen wadamada kinya,iyo Tanzania,.waxaana arrintaasi ka marqaati kacay Qoraagii jarmenka ahaa ee la dhihi jiray mr.thea Biiter Qarinigii 7aad koox dhan oo carab ah ayaa ka soo haajiray carabta soona degay Xeebaha Afrikada Bari. Kuwaasoo
Ahaa kuwii raacsanna nin uu awoowe u ahaa sayidinaa cali bin abii daalib'' ?
Arintu si kastaba ha ahaatee bulshaddani waxay noqdeen kuwo isku dhaqan iyo isku
Caadaba ah,hase yeeshee waxaa dhacaday in ay xagga lahjada ay ku kalla duwan yahiin oo qaarba lahjad ay ku hadlaan inta kalana ay ku hadlaan lahjada Soomaalida
Koonfureed. Sidoo kale bulshadani waxay noqdeen kuwii doorka weyn ka qaatay ilbax
Nimadii ugu horeysay ee Islaamka aheyd ee ka dhisantay Xeebaha Banaadir .haddii ay
Noqon laheyd xagga xoojinta caadooiynka diinta Islaamka ,horumarinta dhismaha iyo
Ama haddii ay noqon lahayd xagga ganacsiga . hadaba waxaa xusid mudan inbulshadda ay xiriir ganacsi la lahaan jireen kontamaadkii iyo wixii ka horeeyay dadka ku dhaan dalalka Kenya, Tanzania,Yemen, Ciraaq, Hindia, pakistan, iran,suri,
Gaar ahaan magaalooynka Raasiini,Zanzibar,mukala iyo xudeeda ooYemen kutaal,
Basraa iyo Baqdaad iyo Magaaldda Al Hindia oo dhamaantooda ka tirsan Dalka Ciraaq,karaashi oo Pakistaan ah,Boombay oo Hindia, .ganacsatada Qoysa intooda laddan waxay u ambabixi jireen dalaalkasi waxaayna halkaasi ka keeni jireen waxyaabo
Ay ka mid yahiin dhar iyo Timirta,qalabka dhismaha ,macuunta,sida oo kale waxaa
La keeni jireen dariishadaha,albaabada arts oo ganta lagu sameeyo,iwm qalabkaas oo
Ahaa kuwo ka duwan kuwii laga isticmaali jiray dalka, kuwaasoo run ahaantii ahaa kuwo tayo wanaagsaan lahaa iyagoo ahaa kuwo si aad ah loo qurxiyay. Oo ilaa maanta waqtigaan xaadirka ka muuqda meelo aad iyo aad u fara badan xiriirkaas ganacsi baa ahaa midka keenay inay Bulshadan yeeshaan qalab u gaar ah oo ka duwan kuwii dalkeena laga isticmaali jirey waagaas ganacsatadu waxay dibada u iibbgeyn jireen waxyaabo ay ka mid yihiin ama ahaayeen .luubaanta,haraga,xoolaha subaga,malabka
Iyo waxyaalihii ay farsameyn jireen haweenka qoyska Banaadiriga .sida Koofiyada,
Khalfaada (du ay isticmaali jireen badmareenta ayagoo ku shakaari jirey labada alwaax ee doonta dhexdooda) wuxuu xiriirkaas uu sii socdaba dhamaadka kontomaadkii wuxuu bilaabay inuu sii liicoilaa ugu dameyntii uu gaaray inuu joogsado lixdamaadkii, waxaana sabab looga dhigayaa arrimaha
.
BARBAARINTA IYO WAXBARIDA UBADKA BANAADIRIGA
QOYSKA
Qoyska waa saldhigga aasaasiga ee bulshada, maadaama uu qoyska kasta uu ka bilaabmo rag iyo dumar isguursaday. Koritaanka guurka ama balaarashada qoyska waxay keenaan inay abuuraan qoyska ama bulsho. Si loo helo bulsho caafimaad qabtana,waxaa lagama maarmaanah in la helo qoyska caafimaad qaba oo ka foyoo anshax xumo,kala dambeyn la aan, iska horimaad IWM. Inkastoo qof kasta oo qoska ka mid ahi uu xil ka saaran yahay ilaalinta jiritaanka qoyskaasi, ayaa haddana labada waalid xil gaar ah ka saaran yahay agaasinka iyo ku hagida qoyska tubta toosan , iyo ka ilaalinta wixii dhaawacaya qoyska.
Bulshada soomaaliyeed oo ka mid ah bulshooyinka tixgalinta gaarka ah siiya qoyska gaar ahaan ubadka ayaa haddana waxaan jeclahay inaan si kooban uga hadlo sida qoyska banaadiriga ay muhimad gaar ah u siiyaan barbaarinta iyo waxbarashadda ubadkooda .qoyska banaadiriga waxay muhimad weyn siiyaan barbaarinta iyo wax barida ubadkooda iyagoo ka duulaya **geed haddii uu yaraan ku qaloocdo, lama toosi karo markuu weynaado **.haddaba ubadka qoyska banaadiriga yaraantooda waxaa