Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa.
dhibash fikrad maqaamka xamarcaddeey ee: maxuu ka qabaa Dr Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidi golf ).
Mr Tooxoow, Waan ku salaamay. Qormadii aad ku soo bandhigtay saxaafadda ama internetka,waliba homepage-ka.Dayniile.com badanaaba waan la socday, intooda badanse kama jawaabin oo akhriste guud inaan ka noqdo ayaan ka door-biday. Haddaba Doodisweeydaarsigii maqaamka Muqadishow (status of mogadishow city) waxaa la yaab leh in mr Towxow u ka soo yeero erery dadbadan ka dhakafaariyay. hadii aan faahfaahiyo ereygii Mr Toowxoow waxaa jirtaa in uu isticmaalay eray isir quursi ah, kaasoo ah GIBILCAD.hadaba Mr towxoow miyuusan ogeeyn in bi'niaadamka isugu jiro midabadda kala ah caddaan,madow,casaan,kuwaas oo kuligooda ah abuur ilaaheey.waxaa kalo muuqato in Mr. Tooxowoow u warba u hayn in qowmiyadda Banaadirigu isugu jirto dad madow iyo dad cad sida qowmiyadaha kale. waxaa Haboonaan laheeyd in Towxoow ka waantowow ereyadda u sida gaar ah ula jeedo isir quursiga . qooyska Banaadiriga waxaa lagu soo abaabiya Xasilooni iyo La'dhaqanka Dariska. ayagoo ka tusma qadanaaya awaamiirta ama wajibaadka ilaaheey faray .
Dadku waxay ka soo farcameen nebi AAden ( midabkay doonaan ha lahaadeen), waxaana ilaahay ka wada abuuray dhoobo.
Alle
wuxuu xadiith qudsi ku yiri:" Dulmiga Naftayda Ayaan ka Xaarantimeeyey
idiinka Dhexdiinana waxaan ka yeelay Xaaraan ", intaas oo kaliya ma aha ee
lama soo koobi karo aayadaha Qur''aanka kariimka ah ee ka hadlaya dhawritaanka
xuquuqda insaanka,waxaana nooga filan nuxuka iyo murtida qaaliga
aduunya daris aaqiro daris,iyo waliba is xaqdhoor. aniga ahaan aflagaadeemaayo dhibaato u geysanmaayo wallaalahey Xamar Daye iyo inta nala degta XamarCaddeey . Waa su'aal da' weyn...yaa xamar logu yimid,oo asali ah ( aboriginal)? Hadanna waxaa is-weydiin leh waxa kalifay inaan jawaab-celin ka bixiyo arrimaha aad qoraalkaada ku xustay. Tan 1-aad waxay iila muuqataa inaad tahay nin aad u da' yar, oo waliba waxa aqoon aad u laheeyn Taariikh- ,Soojireenka ah ee gobolka Banaadiriga,oo aan marnaba mugdi galin hadanna wali la geli karin oo sida dayaxa oo kale u muuqdaan,iyo dhaqanka Banaadiriga iyo caadooynka ,Soomaaliyeed;adiga towxoow ah Tan 2-aad, Waxaad meel uga dhacaysaa taariikhda iyo xaddaaradda QAWMIYADDA BANAADIRIGA EE SOOMAALIYEE adigoo wali qoraalkaagaba ku cadeeysay gibilcad taas oo xitaa ka reeban diiniya iyo xuquuq insaanka Caalamiga.
ma maqashay waligaa maahmaahda Banaadiriga oo leh:: *.waa la aaweeyaa nin ku aamine ku asxaame weliisa afkiisa ku samaade aa mis yira oos ooyo uurkiisa xumaade la arwaaxiyaa lo ordaaye*?.
Haddii ay kula noqotayMr.Towxoow in 12-kii sanno ee dagaalka sokeey socday, wadanka la baabiyo ,isla markaana hantidii taariikhda Ummadda la bililiiqeysto waa waxaan súragal aheeyn. waxaan kaloo surta gal aheeyn in la marin habaabiyo taatiikhda sooyaalka ah ee ummadda Soomaaliyeed .waxaa shakii ku jirin in dhulka soomaaliyeed u jiray mudo fog, ayadoo gobalka banadir u ka mid yahay meelaha uga faca weeyn Deegaanada soomaaliyeed .hadii taariiikhda dib u milicsano waxaa jira Dokumeentiiyo taariikhi ah oo ka hadlaayaa facweeynida goboolka banaadiri iyo dadka asal ahaan ku abtirsadda Deegaanka Banaadiriga .
Buugga SIEK-KIEK IN SOMALIA 1928 ee uu Qoray RENZO MEREGAZZI
Buuggan wuxuu sii caddaan ah u Bayaaminaaya ama shaaca uga qaadayaa cida lowga yimid Xamar asal ahaan.
Qabiilada ku soo horeeyay waxay kala yahiin sida u tilmaamayo Yacquub,Asharaaf,Cammuudi.Saddexgeeddi,Reer Maanyo,Shaanshi,Dhabar Weeyne,Bandhawow,Reer Faqay.
Sidoo kale,waxaa buuggan ku xusan qabiillada u soo haajiray Xamar,kuwaasoo kala ah,Shiiqaal,Abgaal,Habargedir,Hillibi,Moobleeyn,Murusade,Majeerteeyn,Isaak,Ogaadeen,Biimaal,Sawaaxili,Baraawaan.,
Haddaba,tixraaca buuggani waxaa laga soo minguuriyay buugga talyaaniga ah ee hoos ku qoran.
SIEK-SIEK IN SOMALIA ( Buug )
Qore : Renzo Meregazzi
,R.Bemporad & figlio ,editori--Firenze,1928
Stab.Tip.Giannini & Giovannelli,via della pergola 16, firenze.
Fiiri bogga 18aad waxaa ku qoran sidaan .
Le Cabile originarie di Mogadiscio sono:Jacub,Asceraf,Amudi,Seddaglie,,Rer Magno,Scascerti,Dabaruini,Bandabo,Rer Faghi,.
Cabile immigratesono:Scekal,Abgal,Averghedir,Illivi,Mobilen,Mursala,Migiurtini,Isak,Ogaden,Bimal,Suahili,
Bravani,.Assimilati gli Ebrei,Gli Indiani,Gli Arabi,E gli Eritrei.
. Ummadaha way kufaannaan taariikhdooda sida Taariikhda Caasimadda Xamar oo kale. Taariikhda aslka ah ee Xamar waa wax la soo koobi karin marka loo baahdo in la tartamo marka lagu cabiro ambase lagu dhereriyo taariikhaha ummadaha adduunka..hadaba waxaa is weydiinleh Muddadii laba iyo tobanka sano aheed ee la soo dhaafay waxaa jiray in taariikhdii mugdi la geliyay,taasoo ah arrin aan maangal ahayn.waliba caqliyadda kafog .
waxaa la yiray: Beentaada hore runtaada danbay u baas baxdaa..... hadal badan haan ma buuxsho ninkiin sabraa setkiisa waa helaa maanta waxay taagantahay Dukumeenti ha lagu soo bandhigo via internetka.oo soomaalida ka markaati kacaayaan.
fiiro gaar ah la'dooni maayo hadal ku tiri kuteeyn? iyo af lagaado.ee waxaa laga doonayaa Dukumeentis Taariikh leh iyo tixraacba.waliba la taaban karo.
hadaba waxaad qoraalkaaga ku xustay Mr. Tooxow inaad Dukumeentiiyo Taariikhi ah aad ku soo bandhigidoonto Internetka hadaba waxaan ka rajeyneynnaa in Dukumeentigaasi laga wada faaiideeysto, sidad Dukumeentiga qormadeeyda aad ku araktit oo kale.waxaa la yiri :nin weysa u dhoorani aadaanka marku maqloo kama naxo..
ugu danbeentii waxaan ku soo gunaannadayaa Xamar iyo Xamardaye way is yaqaaniin ee uma baahano Dhexe yaal.
murtii soomaaliyeed Aya oraneysa : Albaab uusan lahayn ninkii garaaca waajibkiisuu helaa
wabilaahi Towfiiq
Gu'doomiye kuxigeenka uurka SANU ee Banaadiriga
Dr. Cabdulkadir Suudi maxamed (muriidi golf )
E-mailto:[email protected]