Somali
Banadiri Human Rights Organization
Taariikih 07/04/2001
UJEEDO Dhismaha ururka Banadiri Human Rights Organization
===oooOOOooo===
Waxaa Bishii . 11 marso 2001 shir isugu wada yimid aqoonyahaano Soomaaliyeed oo ku nool dalka
gudahisa iyo dibaddiisa. Shirkaasi oo si habsami ah
loo soo agaasimay
Waxaa lagu qabtqy guriga Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi
( Muriidi Golf ) Oo ku yaala magalada
Den Haag ee dalka HOLLAND.
Ugu horeyntii, waxaa shirka lagu furay aayado qur' aanka kariimka ah. waxaa kaloo shirka laga
soo jeediyay wacdi diini ah, waxaana lays faray in aan laysku xadgudbin.
Waxaa ugu dambayntii wacdiga lagu soo gunaanday duco,
iyadoo ilaah la weeydiistay in towfiiqda na waafajiyo.
Intaas kaddib, waxaa warbixin soo dhaweeyn ah shirka
ka soo jeediyay qabanqaaabiyaha kulanka dr. Cabdulqaadir
Suufi Maxamad.
Wuxuu Dr. Muriidi Golf tilmaan iyo tusmo ka
bixiyay in ku xadgudubka xuquuqda aadamiga uu yahay fal dembiyeed ka soo hor
jeeda xaddaaaradda, aqoonta iyo shareecada islaamka.
Sidoo kale
waxaa kulanka warbixin ka soo jeediyay
Dr.Maxamed Shekh Ikar oo sheegay
in dulmigu ka mid yahay waxyaalaha diinta islaamku naga reebtay.
Intuu kulanku socday waxaaa laysku dhaafsaday fikrado
la xiriira dhawrista xuquuqda aadamiga
iyo xurmaynta karaamada dadka.
Waxaa laysla gartay in nafta beni,aadamku tahay wax qaalli ah
Waxaa iyana la xusay sunnada koonka oo ah in xaqu mar kastaa ka sara maraayo dulmiga
Waxaa kalo leysla meel dhigay ururku wakiilo ku yelan
karo dalka gudahisa iyo dibadiisa.
Ugu
danbeentii waxaa layku raacay in baahi loo qabo dhismaha guddi ka
shaqeeyo arimaha xuquuqda bani aadamka isla markaana wada shaqeen la yeesho
uruurada Bulshada ( NGO ) ee soomaalida iyo ururada caalamiga ee ku howlan
arimaha xuquuda baniaadamka sida
United Nations.Amnisti internional iwm.
Xubnaha
guddiga
(1) Dr.Cabdulqaadir Suufi ( Muriidi Golf ) _____________________Guddomiye
(2) Dr. Maxamed Sheikh Ikar _____________________G/kuxigeen
(3)
Dr. Aweys Maxamed Cabdulahi _____________________Xoghaye
(4)
Prof.Muuse Axmed Xirsi _____________________ la
taliye
(5)
Dr. Ibrahim Macallin Mursal ____________________Xubin
(6)
ADVOCAAT. Mr. A.G.M. HAASE .
waa Qareenka Ururka___Xubin
(7)
Dr. Cabdulqaadir Rumi Abukar _____________________Xubin
(8)
Muuse
kuulow ______________________Xubin
(9)
Col.
Shariif Cumar M.Xuseeyn (Zenow)_____________________la
taliye
(10)
Prof: Ahmed Shariif Cabbas_________________________la
taliye
(11)
Dr.Maxamed Abuukar
Xaaji__________________________la taliye
Ka dib waxaa qudbad dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha
guddigaas mudanne
Dr. Muriidi Golf
==ooOoo==
ugu horeentiina waxu qudbadii ku biloway sida tan.
Xuquuda insaanka, waa shay muqadas ah taasoo uu Alle u jideeyey qof kasta oo
Adduunka dushiisa ku nool , isala markaana aanay habboonayn in lagu xadgudbo,
maadaama ay dadku abuuritaan ahaan iyo muqaalba ka siman yahiin (siduu doono midabkiisu ha ahaado ),ayna
kasoo faracameen AB kaliya oo ahaa Nabi Aden nnkh; isna uu carro dhoobo ah ka
abuuray,
ugu horrayntii. Alle wuxuu xadiith qudsi ku
yiri:" Dulmiga Naftayda Ayaahn ka Xaarantimeeyey idiinka Dhexdiinana
waxaan ka yeelay Xaaraan ", intaas oo kaliya ma aha ee lama soo koobi karo
aayadaha Qur''aanka kariimka ah ee ka hadlaya dhawritaanka xuquuqda
insaanka,waxaana nooga filan nuxuka iyo murtida qaaliga
ah ee ay xambaarsan yiyiin Aayadaha 83 surt.Qasas,38
surt.Isra iyo 18aad surt.luqmaan, kuwaas oo Alle nooga digayo in aan isku
xadgudubno dhexdeena,naguna boorinayo in ciribta san ay mutaysanayaan kuwa aan
iskibrin, dhulkana aan ku samayn
fasahaad iyo amar_ku_taalayn.
Ayadoo ay wax ku qaadasho noogu filan yihiin wixii
Alle na faray oo aan raacno;'waxaa
Hadana jirtay in dadka oo ayagu ah kuwa la hantisiiyay
dhulka,ay muddo laga joogo
(qiyaastii 57
sano ), samaysteen Qaanuun u adeegaya dhawritaankaka Xuquuqda insaankaoo
runtii la dhihi karo waxay ahayd
tallaabo wax ku ool ah oo lagu samatabixiyey dadyow badan oo adduunka ah ,ayna
cadaadis iyo duudsi xuquuqeed ku
hayeen qaar kale.
Soomaaliya oo xornimadii iyo isutaggii labada qaybood gaary 1960kii,
waxaa hubaal ah
In maamuladii isaga dambeeyey ( rayad iyo ciidan ) ay dalka u horseedeen
waddo qaloocan oo ku salaysnayd musuq_maasuq, qaraabakiil, lunsasho hantida
qaranka, Dil iyo nooc kasta oo cadaadis ah oo aan waxba ka duwayn dhibaatadii
dadweynuhu qabeen xilligii guaysiga caddaannka ( marka laga reebo kuwa kuraasta
fadhiyey oo muuqaal Soomaaliyeed lahaa).
Arrimahaas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayey, waxay ugu
dambayntii keentay kacdoonkii lagu majaxaabiyey xukunkii ugu
Dambeeyey dalk ee ay hoggaaminayeen ciidamadii kacaanku;
Dawlad xumi dawlad la'aan
ayey dhaantaa
Waxaa isweydiin leh ma la mahadiyey kacdoonkii jennaayo 1991kii ?
jawaabtu
Waa maya ! oo arrintii waxayba noqotay KADAR OO DIBI DHAL, waayo waxaan
meesha jirin barnaamij habaysan oo loogu talagalay in dalka laggu maamulo
xilliga kala guurka iyo wixii ka dambeeya, wuxuuna aha arrin loo sameeyey
laab_la kac si loo tuuro Xukunkaas faasidka ahaa . Arrintaasi waxay ummmadda
Soomaaliyeed dhaxalsiisay Burbur Qaran,Barakac Bulsho iyo Boog aan la boskayn
karin, waxaana araknaain maanta ay degmo waliba oo dalka Soomaaliya ka tirsan
gaar ahaanteed ugu doodayso inay tahayDawlad madax-bannaan, ayadoo lagu
amar ku taaglaynayo Xuqquuqda Qoomiyadaha laga badan yahay oo wax tirakoob ah
oo sugan lamana haayo waxaanna la' ogaaday in ay jiraan qiimeyn xagga hubka
iwm.
Lana cadaadinayo, kuwaasoo ka caagan falalka foosha xun kuna caan baxay
deris wanaag iyo nabad jaceel, aaminsanna shaqada oo muruqmaal ah, sida dadka
loo yaqaan
Jareer Weeyne oo dhow waantan loogu magacdaray (REER LOOMA OOYO ) oo
aad garankartaan,micnaheedu yahay cid
kalle oo u hiilin qofkaas islaam nimadu kuweyn
Oo diidan wax alaale waxii Rabi ka reebay. Iyo dadka REER BANAADIRIGA .
Sida REER XAMAR.oo kale oo ayana loo Bixiyey (
LOOMA AARE ) ,lagana dhadhansan karo heesta uutiriyey abwaanka weyn ee caanka ah
Al ustaad AXMED NAAJI SAACAD ayna ka mid tahay heesta la yiraahdo ALLE AAMIN
WAAYE.
Oo uu kaga warbixinayo kana turjumaysa dhibaatada aan lasoo koobi
karin ee ay qabaan Qoomiyadaha aan Dhiigga Gamcaha aan la galin,iyo eednaba
.intu socsay
Dagaaladii ahliga ama sokeeye.