Somali Banadiri Human Rights Organization

 

 

Taariikih 07/04/2001

 

UJEEDO                Dhismaha ururka  Banadiri Human Rights Organization

 

 

===oooOOOooo===

 

Waxaa  Bishii  . 11 marso 2001  shir isugu wada yimid aqoonyahaano Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudahisa iyo dibaddiisa. Shirkaasi oo si habsami ah loo soo agaasimay

Waxaa lagu qabtqy guriga Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi ( Muriidi Golf )  Oo ku yaala magalada Den Haag ee dalka  HOLLAND.

 

Ugu horeyntii, waxaa shirka  lagu furay aayado qur' aanka kariimka ah. waxaa kaloo shirka laga soo jeediyay wacdi diini ah, waxaana lays faray in aan laysku xadgudbin.

Waxaa ugu dambayntii wacdiga lagu soo gunaanday duco, iyadoo ilaah la weeydiistay in towfiiqda na waafajiyo.

Intaas kaddib, waxaa warbixin soo dhaweeyn ah shirka ka soo jeediyay qabanqaaabiyaha kulanka dr. Cabdulqaadir Suufi Maxamad.

Wuxuu Dr. Muriidi Golf tilmaan iyo tusmo ka bixiyay in ku xadgudubka xuquuqda aadamiga uu yahay fal dembiyeed ka soo hor jeeda xaddaaaradda, aqoonta iyo shareecada islaamka.

 

 

 Sidoo kale waxaa kulanka warbixin ka soo jeediyay  Dr.Maxamed Shekh Ikar oo sheegay  in dulmigu ka mid yahay waxyaalaha diinta islaamku naga reebtay.

Intuu kulanku socday waxaaa laysku dhaafsaday fikrado la xiriira dhawrista xuquuqda aadamiga   iyo xurmaynta  karaamada  dadka.

Waxaa laysla gartay in  nafta beni,aadamku tahay wax qaalli ah

Waxaa iyana la xusay sunnada koonka oo ah in xaqu  mar kastaa ka sara maraayo dulmiga

Waxaa kalo leysla meel dhigay ururku wakiilo ku yelan karo dalka gudahisa iyo dibadiisa.

 

  Ugu danbeentii waxaa layku raacay in baahi loo qabo  dhismaha  guddi ka shaqeeyo arimaha xuquuqda bani aadamka isla markaana wada shaqeen la yeesho uruurada Bulshada ( NGO ) ee soomaalida iyo ururada caalamiga ee ku howlan arimaha xuquuda baniaadamka sida  

United Nations.Amnisti internional  iwm.

 

 

 

 

                                                   Xubnaha guddiga

 

 

 

 

(1)   Dr.Cabdulqaadir Suufi ( Muriidi Golf ) _____________________Guddomiye

(2)   Dr. Maxamed Sheikh Ikar                       _____________________G/kuxigeen

(3)   Dr. Aweys Maxamed Cabdulahi             _____________________Xoghaye

(4)   Prof.Muuse Axmed Xirsi                        _____________________ la taliye

(5)   Dr. Ibrahim Macallin Mursal                    ____________________Xubin

(6)    ADVOCAAT. Mr. A.G.M. HAASE .  waa Qareenka Ururka___Xubin

(7)   Dr. Cabdulqaadir Rumi Abukar             _____________________Xubin

(8)    Muuse kuulow                                       ______________________Xubin

(9)   Col.  Shariif Cumar M.Xuseeyn (Zenow)_____________________la taliye

(10)                      Prof: Ahmed Shariif Cabbas­­­­­­_________________________la taliye

(11)                      Dr.Maxamed Abuukar Xaaji__________________________la taliye

 

 

 

Ka dib waxaa qudbad dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha guddigaas mudanne

Dr. Muriidi Golf

 

==ooOoo==

ugu horeentiina waxu qudbadii ku biloway sida tan. Xuquuda insaanka, waa shay muqadas ah taasoo uu Alle u jideeyey qof kasta oo Adduunka dushiisa ku nool , isala markaana aanay habboonayn in lagu xadgudbo, maadaama ay dadku abuuritaan ahaan iyo muqaalba ka siman yahiin  (siduu doono midabkiisu ha ahaado ),ayna kasoo faracameen AB kaliya oo ahaa Nabi Aden nnkh; isna uu carro dhoobo ah ka abuuray,

 

ugu horrayntii. Alle wuxuu xadiith qudsi ku yiri:" Dulmiga Naftayda Ayaahn ka Xaarantimeeyey idiinka Dhexdiinana waxaan ka yeelay Xaaraan ", intaas oo kaliya ma aha ee lama soo koobi karo aayadaha Qur''aanka kariimka ah ee ka hadlaya dhawritaanka xuquuqda insaanka,waxaana nooga filan nuxuka iyo murtida qaaliga

ah ee ay xambaarsan yiyiin Aayadaha 83 surt.Qasas,38 surt.Isra iyo 18aad surt.luqmaan, kuwaas oo Alle nooga digayo in aan isku xadgudubno dhexdeena,naguna boorinayo in ciribta san ay mutaysanayaan kuwa aan iskibrin, dhulkana aan ku samayn

fasahaad iyo amar_ku_taalayn.

 

 

Ayadoo ay wax ku qaadasho noogu filan yihiin wixii Alle na faray oo aan raacno;'waxaa

Hadana jirtay in dadka oo ayagu ah kuwa la hantisiiyay dhulka,ay muddo laga joogo

(qiyaastii  57 sano ), samaysteen Qaanuun u adeegaya dhawritaankaka Xuquuqda insaankaoo runtii  la dhihi karo waxay ahayd tallaabo wax ku ool ah oo lagu samatabixiyey dadyow badan oo adduunka ah ,ayna cadaadis iyo duudsi xuquuqeed ku

hayeen qaar kale.

 

Soomaaliya oo xornimadii iyo isutaggii labada qaybood gaary 1960kii, waxaa hubaal ah

In maamuladii isaga dambeeyey ( rayad iyo ciidan ) ay dalka u horseedeen waddo qaloocan oo ku salaysnayd musuq_maasuq, qaraabakiil, lunsasho hantida qaranka, Dil iyo nooc kasta oo cadaadis ah oo aan waxba ka duwayn dhibaatadii dadweynuhu qabeen xilligii guaysiga caddaannka ( marka laga reebo kuwa kuraasta fadhiyey oo muuqaal Soomaaliyeed lahaa).  Arrimahaas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayey, waxay ugu dambayntii keentay kacdoonkii lagu majaxaabiyey xukunkii ugu

Dambeeyey dalk ee ay hoggaaminayeen ciidamadii kacaanku;

 

Dawlad xumi dawlad la'aan ayey dhaantaa

 

Waxaa isweydiin leh ma la mahadiyey kacdoonkii jennaayo 1991kii ? jawaabtu

Waa maya ! oo arrintii waxayba noqotay KADAR OO DIBI DHAL, waayo waxaan meesha jirin barnaamij habaysan oo loogu talagalay in dalka laggu maamulo xilliga kala guurka iyo wixii ka dambeeya, wuxuuna aha arrin loo sameeyey laab_la kac si loo tuuro Xukunkaas faasidka ahaa . Arrintaasi waxay ummmadda Soomaaliyeed dhaxalsiisay Burbur Qaran,Barakac Bulsho iyo Boog aan la boskayn karin, waxaana araknaain maanta ay degmo waliba oo dalka Soomaaliya ka tirsan gaar ahaanteed ugu doodayso inay tahayDawlad madax-bannaan, ayadoo lagu amar ku taaglaynayo Xuqquuqda Qoomiyadaha laga badan yahay oo wax tirakoob ah oo sugan lamana haayo waxaanna la' ogaaday in ay jiraan qiimeyn xagga hubka iwm.

 

Lana cadaadinayo, kuwaasoo ka caagan falalka foosha xun kuna caan baxay deris wanaag iyo nabad jaceel, aaminsanna shaqada oo muruqmaal ah, sida dadka loo yaqaan

Jareer Weeyne oo dhow waantan loogu magacdaray (REER LOOMA OOYO ) oo aad garankartaan,micnaheedu  yahay cid kalle oo u hiilin qofkaas islaam nimadu kuweyn

Oo diidan wax alaale waxii Rabi ka reebay. Iyo dadka  REER BANAADIRIGA .

Sida REER XAMAR.oo kale oo ayana loo Bixiyey ( LOOMA AARE ) ,lagana dhadhansan karo heesta uutiriyey abwaanka weyn ee caanka ah Al ustaad AXMED NAAJI SAACAD ayna ka mid tahay heesta la yiraahdo ALLE AAMIN WAAYE.

Oo uu kaga warbixinayo  kana turjumaysa dhibaatada aan lasoo koobi karin ee ay qabaan Qoomiyadaha aan Dhiigga Gamcaha aan la galin,iyo eednaba .intu socsay

Dagaaladii ahliga ama sokeeye.

 

 

 

Hosted by www.Geocities.ws

1