Beesha mudullood iYO WAX GARADKA BEELAHA REER BANAADIRIGA AH
Shir balaaran ayeey malinimadii shalay isugu yimaadeen beesha Mudulood iyo wax garad ka socday qowmiyada Reer Banaadiriga. Kulankasi oo ka dhacay guri ku yaal degmadda C/Casiis ayaa wax-garadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Imam Cumar oo ah Gudoomiyaha Dhaqanka Beesha Mudulood, wuxuuna sheegay in dadka Reer Banaadiriga ay yihiin kuwo xadaarad fog leh, wuxuuna sheegay in xamar ay leeyihiin Beesha Muddulood iyo Qowmiyadda Reer Banaadiriga, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in aysan cidina sheegan karin deegaan ayan u dhalan, " Anagu ma sheegan karno Gaalcayo, Bari iyo Waqooyi-Galbeed, sidaasi oo kale ayaan loo sheegan karin deegaanadeena" ayuu ku nuuxnuuxsaday Xaaji Cabdi Imam Cumar.
Sidoo kale waxaa halkaa isna ka hadlay Sh. Xuseen Jilacoow oo ka mid ah nabadoonada Beesha Muddulood, wuxuuna sheegay inuu yahay Xaaji Cabdi Imaam Guddoomiyaha Dhanaka Beesha Muddulood wuxuuna xusay in Xamar lagala hadlayo beelaha Muddulood iyo Banaadiriga.
Sidoo kale, waxaa iyana halkaa ka hadlay Nabadoon Caddoow Bidixeey, Suldaan Xeyle Suldaan Cusmaan oo sheegay in beesha Muddulood diyaar u tahay baadigoobka xaqa Beelaha Banaadiriga ka maqan, ayagoo sheegay in Beelaha Banaadiriga la'aantood aysan dhismeyn dowlad Soomaaliyeed.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Cumar Dhaqane wuxuuna cadeeyay in Beeelaha Banaadiriga ay leeyihiin mudnaan isla markaasina cidina aaney is hortaagi karin ama aysan fara-gelin karin arrimaha ugaarka ah Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Qoowmiyadda Banaadiriga Imaam Maxamed Cusmaan Maye isla markaana ah mid ka mid ah Xoghaya yaasha Golaha SRRC, isagoo sheegay in Beelaha Banaadiriga ay degaan dhul u dhexeeya Ras-kambooni ilaa Ras-caseyr, waxaa kale oo u sheegay in beelaha Banaadiriga ay la soo kulmeen xaq dari fara badan, isagoo yiri ma suurtoobi doonto been dambe oo dadka loo sheego.
Sidoo kale Maxamed Cusmaan Maye wuxuu sheegay in Dowladda Liibiya dhaqaale ay siisay kooxda Carte ay keentay in deegaanada dalka qaarkood ay ka huriyaan daqaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb-galeen wax-garad fara badan oo ka kala socday Beelaha Muddulood iyo Banaadiriga ayaa waxay halkaasi ka cadeeyen in ay iska kaashan doonan difaaca deegaankooda isla markaasina aysan suurta gali doonin in ay marti ka noqdaan deegaanadooda xaqoodana aan la duudsan karin.