
Bayaan Ka soo baxay Ururka Siyaasiga ee Banaadiriga (SANU)
Alif kaa qaloocday Albaqra ma toosiso
War saxaafadeed u so saaray ururka SANU ee Banadiriga oo ka jabaab celinaayey qolo iska magacowday maamul aan loo dhameeyn .BARTAMAHA BARIGA SOOMALIYA oo loola amakaagay iyo yaabay.
Waxaan jecel nahay in aan idiin soo gudbino arigtida iyo hadafka aan ka qabno arrimaha ismaamul goboleedka waxaan u rajeynaeynaa guul, haddii laysu afgarta ?.in loo dhiso maamul ummadda u dhalatay iyo kuwa ku nool Gobolka Banaadirland, iyagoo muddo dheer sugayay kuna hanweynaa in ay u curatoDawlad maamul Goboleed oo ay u dhan yihiin dhamaan beelaha dadweynaha Gobolka Banaadirland. Haseyeeshee, himilidaasi iyo rajadaasi ilaa iyo hadda ma suuragalin. sababto ah waxaan maqalnay cid dano gaar ah ka leh in ay wadaan maamulkaas la damacay in la hirgaliyo, kuna dhawaaqay maamul la magac baxay BARTAMAHA BARIGA SOOMALIYA magac bixintaas oo aan la garaneyn meeshu ka soo jeedo?Yaase loogu daneyna-yaa magacyadan mara saarka ah?Ismaamul goboleedka madaxa banaan maxa fashilikaro?.
Sida
la wada ogyahay Fashilaadda
jiritaanka Ismaamul goboleed waxay u hor-seedeen dhul goosi, oo looga
geliyo
quwadaha shisheeye oo taageerada lagaga doonanaayay, kalsoonina looga
Haddaba annagoo ka tusaala qaadanaayna dhibkii loo geystay Xamar oo ay
ka mid yihiin Burbur dhismooyin taariikhiga, xaalufin deegaan, boobka hanti
dadweynaha,barakicin ee dulsaaranaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka
Banaadirland, waxaa marak madoonto ah in muda ahba sugeyni goorta ay
hirgali doonto rajedeeni, riyadeyna in hadda iyo wixii ka
dambeeya in ummadda Somaaliyeed ay yeeshaan xukuumad Federal ah oo
awood buuxdo leh, si aan cidna loo dulmin xaqeeda ayna ugu daran tahay
caddaaladarrado,duudsiga xuxuuqeed iyo awood sheegashada aan geed looga soo
gambanin ee looga hortaagan yahay Banaadiriga iney ayagu kaalin
horyaalnimo ku yeeshaan dhismaha maamul goboleedka Banaadiriland ayakoo
cid kastaba ka mudan, ugana xaq leh.
cadaalad laysu
Runtii waa talaabo tixgelin mudan oo ka timid walaalaheeni Xamar daye, waana wax lagu faani karo aragtida ay ka qabaan in lagu dhaqaaqo sii wada jir ahna wax looga qabto, taas oo aan ula jeedo is afgarad iyo wada tashi madaamo aan nahay cidii mudneeyd in arrimahaani lagala tashado.
ururka SANU ee Banadiriga intaas oo dhan isha ku haayna xog-ogaalna u ah howshii aheyd ismaamul goboleedka Banaadirland kuna mashquulsaneyn mudo dheer sanooynkii la soo dhaafay mar-xaladahii u soo maray guud ahaan . dadyowgeyni, kana dheregsan waayo aragnimadii laga dhaxlay dagaaladii sokeye iyo cawaaqib xumadii uu na dhaxalsiiyey, ayaan codsi buuxa u soo jeedinaynaa dhammaan wax garadka Xamar iyo xamardaye in ay masuuliyad iska saaraan taaba galinta talaabadan ismaamul goboleedka, loogana dhabeeyo sii wada jir ah.sidaasi awadeed waxaan diyaar ula nahay in aan taaba galino hadii laysu afgarto? labada dhinacaba.lana sameeyo Shirci kala haga labadda dhinacba( law an order) ayado midkasta dhowraayo nidaamka lagu hashiindoono.
Waxaa la soo gaaray xilli aan indhaha laga daboolan karin dhibaatooyinka maalin la noolka ah ee dadkeena ku haysta degaannadooda, oo ay ahayd in ay sharaf,cisad, nabadgalyo iyo qiimo ugu nooladaan dhulkooda.
Waxaa maanta la joogaa xilligii loo hawgali lahaa dhismaha Maamul Goboleedka Banaadirland u gaarto himiladeeda iyo guul wax ku ool ah ayna khayrkooda wax kula qaybsadaan,Soomaalidu waxay ku maahmaahootaa "':Nin seexdo siciisaa dibi dhalaa "' Taas oo micnahiisu yahay cid aan ka sugnaa ma jiraan badbaadinta dadyawgeynii si loo sugo xaqa iyo dareenka ummadda u qabto in ay hooygooda ugu noolaadaan si la siman bulshooyinka uu qaranku kala dhaxeeyo daris wanaag walaaltinimo iyo isu hiilin .
Haddaba, Ururka SANU ee Banaadiriga wuxuu talo ku soo jeedinaayaa in:
Waxaa shaki ku jirin in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadirland u xaq u leeyahay sida bulshooyinka kale ee ku dhaqan gobollada kale dalka in ay aayahooda iyagu maamulaan. Taas oo aan waxba u dhimmeyn xiriirka walaaltinimo ee wada noolaanshaha bulshada oo ay dadka reer Benaadir wada noolaanshahaas bulsheed uu noloshooda qayb weyn ka yahay. Waxay horseedi doontaa in nabad iyo horumar loogu soo dabaalo aayaha gobolka iyo dadka ku dhaqan.
Magaalo waliba waxaa maamula dadka u dhashay iyadoo dadka kalana si xor ah ugu nool yihiin.tusaale Switzerland, Netherland, Talyaaniga, Ingiriiska , France iyo kuwa kale oo badan madaxdeeda waxay ka soo jeedaan ismaamul goboleedyada dalkooda ee dadka degaanka, sidaas waxaa la mid noqon kara Shacbiga Banadirland ,oo ay tahay waajib kor yaal in ay sika dhax xulaan haddaba dadka u dhashay Banadirland ee masuulka ugu noqon lahaa maamulkoodana gacantana ugu qabsan lahaa si loo hagaajiyo caasimadda qaranka iyo degaannad ku xeeran.
Waxaan qabnaa in mas'uuliyiinta beelaha kala duwan ee xaqqa u leh Gobolka Banaadirland ay u howl galaan iskuna mashquuliyaan sida ay u xalin lahaayeen qilaafadka u dhexeeya, iyagoo tixgelinaya, mudnaanta koobaadna siinaya rabitaanka, himilada, wanaaga iyo nabadda Shacbiga u dhalatay ismaamul Goboleedka Banaadirland oo runtii rajo beel ku dhow.
Waxaan qabnaa in aqoonyahanada, waxgaradka,dhallinyarada iyo haweenka ka soo jeeda beelaha kala duwan ee xaqa u leh Gobolka Banaadirland ay muujiyaan firfircooni, waxtar u leh qadiyadda iyo mas'uuliyada iyagoo si daacadnimo ah ugu adeegaya abaabulka dhismo maamul Goboleedka Banaadirland, Waxaan qabnaa in maanta lagu jiro xilli adag oo loo baahan yahay samir, dulqaad, adkeysi, iyo waxqabad, si looga gudbo marxaladan.
Ugu dambeyn, waxaa soo jeedinaynaa in Beelaha kala duwan ee xaqa u leh dhismaha dowlad Gobolka Banaadirland in ay iska ka kaashadaan waa hadii lagu wada hashiiyo ? qorshahan Banadiriga aya horayba u soo jeediyay waliba ka diyaarisay nidaam hab dastuuri ah oo an cidna aan dulmeyn dhamaan kuwa u dhashay,kuwa kadhashay, kuwa kuwada noolba,in maamul goboleedka .sida ugu hoboon ee caddaalad ku jirtana wax ugu qabtaan maamulkoodi, anagoo rajeyneyno in la iska ilaaliyo sidbursigii Soomaaliya hore u kala geeyey, lagana faaideysto marxalada taariikheed ee la soo maray, waxayna nala tahay in Soomaaliya ay ku filan tahay natiijadii laga soo dhaxlay caddaalad darada iyo duudsi xuquuqeed laga soo bilaabo 1950 ilaa maanta " Älif kuu hagaagaa al Baqruu ku gaadhsiiyaa" murti soomaaliyeed aya oraneysa :"wixii laysku og yahay layskuma eedo"
wabilaahi towfiiq
Gudoomiye ku xigeenk ururka Siyaasiga Banadiriga ee SANU
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidi Golf )
E-mail:[email protected]