Xaaladda xuuquqda aadahana ee Soomaaliya oo laga deyriyay


Maxamed Caddow - Nairobi

Khabiirka Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Soomaaliya Dr Ghanim Alnajjar ayaa ka deyriyay xaaladda xuquuqda aadanaha ee qeybo ka midah Soomaaliya.

Khabiirka ayaa sheegay in xuquqda Aadanaha si weyn loogu tunto waddanka     Soomaaliya balse aysan gaarsiisneyn xaaladdu halka iyo heerka uu filayay in uu kala kulmayo.

Dr Alnajjar oo ka soo laabtay safar uu ku tegay meel kala duwan oo ka tirsan waddanka ayaa saxaafadda ugu waramayay hoteel ku yaala magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in warbixinno badan oo kala gedisan oo ku saabsan ku tumashada xuquuqda aadanaha oo laga tabanaya maamulka Cabdullahi Yusuf lagu siiyay inta uu joogay magaalada Boossaso, balse aan wararkaasi la xaqiijin
kareynin maaddaama uu iyaguna la kulmay dad badan oo u sacab tumaya maamulka
Cabdullahi Yusuf.

Dr Al-najjar ayaa sheegay in uu ku guuleystay inta uu ku sugnaa Puntland in uu xabiska ka sii daayo lix ka mid ah shaqaalaha hay'adda OTP ee ka howlgali jirtay Puntland oo maamulka Cabdullahi Yusuf uu albaabada u laabay muddo
toddobaad ah ka dib.

Dr Ghanim Al-najjar oo Barafasoor dhiga maaddada Siyaasadda ka ah Jaamacadda Kuwait ayaa sheegay in isagu uu yahay mutaddawac madaxbanaan oo aan mushaar ka qaadanin Qarammada Midoobay balse Arimaha Soomaaliya uu u xilsaaray
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Kofi Annan.

khabiirku ayaa ku sheegay dadka ku barakacay waddanka gudahiisa iyo dadka laga tirada badanyahay ay yihiin kooxaha sida loogu xad gudbo. Waxaa uu sheegay in dadka ku barakacay waddanka gudahiisa ay ku nool yihiin xaaladda ugu xun caalamka waa sida uu yiriye waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka in ay dadkaasi gargaar la soo gaarto.
Mar la weeyddiiyay cidda ka masuul ah dhibaatooyinkan ayaa Dr Alnajjar waxaa u sheegay in Beesha caalamka oo sida uu sheegay iska dhegatirtay dhibaatooyinka Soomaaliya iyo hogaamiye kooxeedyada ay ka mas'uul yihiin dhibku.

Waxaa uu xusay in dhibaatooyinka ka dhacay Soomaaliya aan lagu xalin kareynin maxkamadda caalamiga ah ee dembiilayaasha balse uu kula talin doono Golaha Ammanka ee Qarammada Midoobay in uu magacaabo Guddi baaro sida loogu sameyn lahaa Soomaaliya maxkamad u gaar ah oo xukunto dembiilayaasha dagaalka.

Khabiirka ayaa ku amaanay masuuliyiinta dowladda la magac baxday Soomaaliland waxa uu ugu yeeray xaaladda ka soo reyneysa ee xuquuda aadanaha.

waxaa uu sheegay in nabad ka jirta awgeed uu kula kulmay Hargeysa mashaariic kala duan oo horumarinayo dhowridda xuquuqda aadanaha. Waxaa uu xusay mid ka mid ah masghaariicdani oo ah hoyi loo sameeyay haweenka jirddilka ay ku sameeyaan ragga ay wada joogaan.

Waxaa kale oo uu ku amaanay Madaxweynaha Soomaaliland Dahir Riyaale Kahin didmada uu diiday in loo kordhiyo xiliga xukunkiisa iyo diyaarinta uu haatan u diyaarinayo waddanka doorashooyin guud.



NAGALA SOO XIRIIR

Email: [email protected]

Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374


Hosted by www.Geocities.ws

1