HAMBALYO

Dhowaan waxaa dalka Holland laga soo saaray buug cusub oo sheeko ah waxaana qoray Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Qisada ku urursan buugga oo ah qiso ijtimaaci wuxuu qoruhu ugu magacdaray:"SAHANKII SAXARDIID IYO SAAMAYNTII SAXARLA"

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa hordhaca buugga iyo hadallo ku qoran bogga ugu danbeeya buugga.

Buugga waxa laga dalban kara cinwaanka soo socda:

Mohamed Hussein (Maxamedeyn)

Cronjestraat 29

1782 ED Den Helder

       Nederland

Tel. 0031 223612800

Tel. 0031 623979584

E-mail:maxamedeyn @ hotmail.com 

Sahankii Saxardiid

iyo

Saamayntii Saxarla

   W. Q.

Mohamed Hussein

       (Maxamedeyn)

*Dhammaan xuquuqda daabicidda iyo fidinta qisadan waxay u dhawrsan tahay qoraha,dib looma daabacan karo waxna lagama qaadan karo iyadoo aan fasax laga qaadan qoraha buugga.

                                                            *Buuggan waxaa lagu daabacay dalka Holland*

Cinwaanka qoraha:

Cronjestraat 29                                                  

 Juun 2000                                                                                 

1782 ED Den Helder

   The Netherlands

Tel. 0031 223 61280

Tel:. 0031 623979584

E-mail:maxamedeyn @ hotmail.com

Mahadnaq

Ilaah baa mahad leh oo hawsha qisadan ii fududeeyay,waxaan kaloo khayr u rajeynaya intii iigu dhiiraggelisay in aan sheekadan qoro gaar ahaan Dr. Cabdulqaadir Suufi Maxamed (Muriidi Golf) oo gacan weyn iga siiyay xagga farsamada buugga.

Hibeyn

                                                                                          --------------

Qisada buuggan waxaan u hibeeyay xaaskayga iyo carruurtayda qaaliga ah.

Hordhac

Qoyska waa saldhigga bulshada,haddii uu qoysku hagaago bulshaduna way hagaagi,bulshadu haddii ay hagaagtana waxaa la helaya dal dhisan iyo dad urursan.

Qisada ku urursan buuggan waxay koobaysa sida ay lagama maarmaan u tahay in labada is qabta ay isku kalsoonaadaan si daacad ahna isku qabaan iskuna noqdaan sidii far iyo faraati oo kale ama Ul iyo diirkeed.

Haddii ninka iyo naagta is qaba ay si dhab ahi isu jeclaadaan naftuna ay isu huraan waxaa la weynaya fikradda oranaysa:nin iyo naag is qaba colna ma’ahan nabadna ma’ahan.

Col waxaa ah labada is qabta oo aan si dhab ah isu jeclayn kala dan ah sirtana kala qarsada..nabadna waxaa ah labada is qabta ee isku danta ah dhibka iyo dheeftuna wadaaga.

Immisaa is qabtay oo laysku diray lana kala diray..immisaa ciil iyo caloolxumo lagu seexiyay..immisaa loo soo tebiyay wara been abuur ah si labada is qabta loo kala geeyo..immisaa loo diiday in ay farax ku noolaadaan ..immisaa lala damcay in bulshada lagu dhex xumeeyo.

Haseyeeshee haddii labada is qabta ay gacmaha is qabsadaan xiriirkooduna uu adag yahay waxay ka hortegi karaan cid alla ciddii isku dayda kala qaybintooda iyo kala fogayntooda.

Waxaan rajeynaya in qisadani ay ka mid noqoto qisooyinka lagu soo bandhigay afkeena hooyo oo daw u noqotay bulshadeena..waxaan kaloo rajeynaya in buuggani uu ka mid noqdo buugaagta waxtarka leh ee lagu baahiyay dalkeena gudihiisa iyo dibeddiisaba.

                                                Ilaahay towfiiqda hana waafajiyo

                                                           Mohamed Hussein

                                                             (Maxamedeyn)                

                                        Buuggan……………………………..

Noloshaydiiyay..ka guddoon salaan Saxardiid dunida kaa doortay,say subax walba ku leh:subax wanaagsan,saqda dhexana ku leh seexasho san,salaantaa kaddib:

Macaantaydiiyay..dadka ka digtoonow wixii dan kuu wado soo dhoweey wixii dira- diraale ahina ka durug,danta guud iyo dariiqa toosana daw ka dhigo,dabeecaddaadii dahabiga ahaydna dadka kula dhaqan.

Hooyadii daacadda ahaydey..waxaan kuugu dardaarmaya in aadan marnaba daynin diintii iyo dadnimadii laguugu agaa..in aadan ka daalin dulqaadkii iyo dad la dhaqankii wanaagsanaa ee aad ku caansanayd..waxaan kuugu dardaarmaya in aad dadka kala ogaato qof ku dulminayo iyo mid ku daryeelayo labaduba waa kuu diyaar..qof ku danaynayo iyo mid ku dayacayo labaduba waad la kulmaysaa.

Noloshaydiiyay..ha noqon kuwa is dhigay oo aan waqtigu ka faa’idaysan waayay..ha noqon kuwa daadka qaaday oo markay duni cusub arkeen diintii iyo dalkiiba si fudud ku illoobay..ha noqon kuwa saygoodii ka seexday samirkiina ka suulay.

Waxaan kuugu ogahay in aad gacanta ku dhigto labada Ubax uu Ilaahay na siiyay kuna hagto barbaarinta toosan ee Islaamka,waxaan kuugu dardaarmaya in aadan cidna rumaysan haddii ay kuu soo tebiyaan war xaggayga ah oo laguugu marin habaabinayo sida aan aniguba u rumaysnayn war xaggaaga ah oo laguugu waxyeelayo,wixii aad ii sheegto ayaan rumaystaa maskaxdayduna ku tallaala,adiguna sidaas oo kale waa in aad rumaysataa wax kasta wixii aan kuu soo tebiyo.

Waxaan rajeynaya in jacaylkeenu uu noqdo kii guulaysta dadkuna ay ku daydaan kuna ducaystaan:Allahayow..jacaylkeena ka dhig oo ka yeel sida jacaylkii Saxardiid iyo Saxarla oo kale.

Hadalladan waxaa laga aqrisan kara warqad dheer oo uu Saxardiid u qoray Saxarla oo joogtay Yurub Saxardiidna uu markaasi ku sugnaa Afrika.

                                                  Mohamed Hussein

                                                                    (Maxamedeyn)

Haddii Alle Idmo

Buuggayga labaad oo aan iminka gacanta ku hayo wuxuu noqon doona:

“Gobannimadii Soomaaliya iyo Xisbigii S.Y.L.”

Hosted by www.Geocities.ws

1