
URURKA JAALIYADDA DIGIL IYO
MIRIFLE EE DALKA HOLLAND
war saxaafadeed u soo saaray ururka Digil & mirifle ee dalka Netherland
aya wuxuu ku caddeeeyay in waraka ka soo yeeray dadka iisku sheegay Hoggaamiyaasha iyo Siyaasiinta Beesha silic gorgaarti ee Deganka afgooye iyo nawaaxigeed ay yihiin kuwa aan ka turjimeeyn mas'uuliyadda Deegaannaddaas .haddii aynu Taariikhda dib u raacno waxaa jiri jirtay in Degaannada Afgooye iyo nawaaxigeeda ay lahaan jireen hab nidaameed soo jireen ah ee la xiriira wada noolaanshaha iyo sida loo kala deggan yahay degaannadas.
waxaa kaloo jiri jiray haddan jira caadooyin iyo hab dhaqmeeyd u gaar ah beelaha deegaannadaas kuwada nool iyadoo deggaannadaasi mas'uuliyad gaar ahi ka saaran tahay Beesha Galadiga. haddab,waxaa les-weeydiiyay : goormay beesha silic gorgaarti xaq u yeelatay inay ku hadasho magaca Deeggaanka Afgooye ?
ugu dambayn ururka jaalliyadda digil iyo mirifle ee holland waxay ku baaqayaan in laga waantoobo sheegashada masuuliyadda deqaannada aan ab iyo isir loo lahayn waxaan kaloo ku talin neynaa in la xaq dhowro
hoggaamiye dhaqameedyada degaan walba leeyihin. sida salaadiinta.cuqaasha iyo culumada diinta.
waa biilahiy toofiiq
Goddumiyaha Jaliyaadda Digil iyo Mirifle ee Holland
Ahmed Cabdiraxmaan (Ziyo)
E-mail: [email protected]