umaddiina Banadirweyn ugu faaideeya Aqoontiina


Dadka u dhashay Gobalka Banadir weyne :

 mic-19-04-2001, Ma idiin kala baxsantahay  wajibaadka iyo xuduuda  ay kala leyihiin     Dawlad  Federal Ah iyo Dowlad Gobaleedka (Regional  Government).

  Sida  lawada ogsoonyahay Dawlada fara badan oo kala duwan aya  waaxy  ku dhaqman    habkan Federaliga ah sida: Mareykanka ,Canada, Swisserland, Emaradka carabta(U.A.E.)oo ku dhisan Gobala isku yimid ayakoo u madax banaan mamulka         gudahooda ,waxaa loo yaqaan magacyo kala duwan laakiin wa isku micno : (State ,Province, Regional) . Wana qayaxantahay qola kasta masuuliyadeeda iyo xuduudkeda .

Dawlada Federalka  ah waxay masuuliyadeedu ku koban tahay Mamulka guud ee dalka sida:Arrimaha Dibedda ,Arrimaha  Siyaasada Guud, Arrimaha  Dhaqaalaha iyo Lacagta ,Arrimaha Difaca Dalka  ,Arrimaha Sharciyada Federalka ah, iyo waxii la hal maala.

Dawlad gobaleedku masuuliyadedu wa:  Mamulka  arrimaha Degmooyinka, arrimaha booliska iyo nabad galyada gobalka ,arrimaha wax barashada ,arrimaha bulshada iyo Cafimaadka ,arrimaha Maxkamadaha Gobalka ,arrimaha warshadaha , macdiinta  , Biyaha  iyo waxii la hal malaa oo ku ek heer Gobaleed.

Madama ay  ka la  baxsanyihiin  masuuliyada dawlada federalka iyo Dawlad Gobaleedka  Maxaa keynay in Dawlad ku sheega KMG ah ay soo fara gashato arrimaha mamulka Gobalka banadir Weyne iyo Juba Hoose . Labadan Gobol ma waxay ka duwan yihiin gobalada kale ee Dalka sida: Jubba Sare, Puntaland, Soomaliland oo u madax banaan mamul kooda.

Faragalinta  noocan ah oo labadan Gobal lagu hayo ma waxay ka turjumeysa  nidam cusub oo gumeysiga ah (new Colonialism)  oo ay keneyn Mooryanta  hubeysan oo ka tirsan qabilka  ka soo dagagay Gobalada Dhexe oo doonaya in oo  qabsado  labadan Gobol oo Xadaarada dheer leh, doonayana in aw kana bara kiciyo  dadkii dhulka u dhashay,madama ay  yihiin dad nabada jecel .

Haddan nahay dadka u dhashay Gobalka Benadir Weyne waxaan nagu waajib  in aan mideyno aragtideyna codkeyna  iyo xoogeyna  si aan u soo noleyno Gobolkan tarikhda dheer leh ,isla markana ah halbowlaha Dhaqaalaha ,Aqoonta iyoXadaradda Somaliyeed. ( Great Benadir State).

Si loo garo taas wa in la hela dhamman Qabaa-ilada faraha badan oo u dhashay gobalka (natives  only). Qabaa-ilada oo kala ah:Carab,Biyamal,Barawan,Bagadi,galadi, Gandarshe,Gaaljecel, Goobroon, Jareer,Jiido ,Mudulood ,Reer-Xamar,Sedex-Gedi, Shanta caleemood,Silcis iyo Tunni. (Hilman hadal kuma jiro ciddi laga tagay oo u dhalay wa u furan yahay).

Si xal loogu helo dhibatooyinka mudda dheer soo jiitamayay wa in ay isku yimadan dhamman dadka u dhashay qabaa-ilada  aan kor ku soo sheegnay, si ay uga  tashadan arrimaha Gobalkooda lana yimadan aragti mideysan  ay iskaga   kicilahayeen mooryaanta kor degtay oo doonaysa in ay xoog Gobalkooda ku haystan.

Mooryantu waxay ku hartay gobalka banadir iyo gobalka jubada hoose. Soomalida  inteda kale way iska xureysay annaka miyaan dhiig leheen iyo daremo, Naftu mar uun bay goaysa ee ya Ubadkeyna  looga tagin gumeysi nooc cusub ah oo aan Dunida horay logu arkin.

Reer Banadirow waxaan idin xasuusineyna in xabadu koytada  nafteeda ay karto,   kordadna kaba isma dheera

Waxaan rajeynayna in maalin aan  ku biirno walalaheena Soomaliyeed oo  garay in ay iska xoreyan mooryanta nahaysato .

Ina Saladboy waxaan xasuusineyna in shalay loo diiday in laga doorto Guri oo ku dhashay una dhashay.(Ilawsha dhawa  ma umula), maantana aw doonayo in arrinti oo kale oo ku sameeyo dad Soomali ah. Waxa  isweydiin leh in manta  asago sheeganaya dawlad gacan ku rimis ah,in aw u magacaabo Nin  Cadado ka yimid  Degmada xamar –Weyne,nin hoobyo  ka yimidna Booliska Gobalka banadir,iyo kuwa fara badan oo la mid ah.

Nabada Soomaliya waxay ku xirantahay in cid kasta raacdeyso tuugada mooryaanta ah, ka dibna la dhiso dawlad  Qaran loo dhanyahay.

Xusuusin: Lahaysta yashoo  hurdada ka kaca oo iska celiya cadawgiina (annakoo banadir ahoo  baladkeyna loo bururaye haba  la idin babiyee ha baqiina cadawgiina).

Wa socda qofkii daremo lehoo ku darso.

Waxaa soo diyarshay wax garadka bahweynta  gobalka banadir  weyne .

Hormuudkana oo u yahay   Professor   Omar Galaguul.

 www.midnimo.com

 

 

 

Hosted by www.Geocities.ws

1