URURKA JALIYADDA BIMAAL EE WEST EUROPE.
Aaya ka Talinta misirka ummadda Sh.HOOSE
Baaq ka soo baxay jaliyadda Bimaal ee yurubta galbeed.
Hadaba waxaan aad iyo uga xunahay wararka ka so baxaayo kan so yeeraaya Gobolka Shabeellaha Hoose ee Markacaddey taaso Cajiib nagunoqotay. waxaa ayaan daro ah in Qowmiyaddaha u dhashtay Shabeellada Hoose ee Markacaddeey.ay la kulmaan Mar waliba Noolashoodi 12kii sano ee lo soo dhaafay caqabad dhib badan ku noqotay Xuquuqdoodi Mar waliba ay ku xadgudbaan Dadyow aanan naga wada dhexeyn Dhalasho, Darisnimo iyo mid Deegaanba.sida aanu Maqalnay waxaa jiraan in u mamulka CARTE u faragilin ku haayo sameeyay asago ku so magacabay "DIKAREETO" hadaba waxaa lis weydiiyay miyusan ogeyn in ay dhamaatay waqtiigii warqdo lisku qorajiray.ee qeybi oo xukun (EXPIRE.Divide an rule) arimahaas Ismaamulka Goboleedka Gobolka Shabeellada Hoose Taaso ka-horimanayo Axdigii iyo dhaartii u ku dhaartay kitaabka quraanka kariimka in u dhawrayo Shirciga iyo Xeerka qarameydka KMG
(Constitutional)axdi qaremeydka lagu soo wada dhisay Carte kaso ku cad
sidatan.
ISMAAMUL GOBOLEEDKA
QODOBKA 32AAD
GOBOLLADA & DEGMOOYINKA
1. Muddada ay dowladda KMG ahi diyaarineyso nidaamka Federaalka ah, wuxuu dalku kusii dhaqmi doonaa ismaamul goboleed madaxbannaan oo awood leh, laguna soo dooranayo heerka qaybahooda maamulka oo idil.
2. Gobollada waxay yeelanayaan ismaamul goboleed leh awood maamul oo ay arrimahooda gudaha ku maamushaan, si waafaqsan sharciga.
11. Gobollada iyo degmooyinku waxay samaysanayaan xeer ay isku maamulaan inta sharcigu u oggol yahay. Tirada xubnaha Gobolada iyo Degmooyinka waxa lagu caddaynayaa sharciga.
12. ismaamul goboleedku wax uma dhimi karo xuquuqda muwaadiniinta dalka sida ku qeexan axdigaan.
HADUU DIB U EEGAY XEERKA AXDIGA
QARANKA EE KU MEEL GAArka
MABAADIIDA GUUD
QODOBKA 1AAD
NIDAAMKA JAMHUURIYADDA
Hadduu
arkay xeerka -A-OO KA HADLAAYA IN TIXGILIN GAR AH LA
SIIN DOONO CADAALADDA,SINNAN,SHARFTA
QODOBKA.4.AAD
SARRAYNTA
SHIRCIGA
HADUU
EEGAY XEERKA.A.
SHIRCIGA AYAA KA SARREEYA CIDKASTA .
HADUU
EEGAY XEERKA .E.
SHIRCI IYO XEER KASTA OO KHILAAFSAN AXDIGA KMG WAX KAMA JIRAAN.
HADABA
SIDA KU CAD QODOBADA AAN KOR KU SOO XUSNAY IYO
KUWO
KALE OO FARA BADAN WAXAA XUQUUQDII CADAALADA
KU TUNTAY KUNA TAKRI FALAY DKMG
SII LO DHOWRI LAHA LOONA ILAALIN LAHA CADAALADA BULSHADA (PUBLIC JUSTIC ) .
hadaba waxaa is weydiin leh koxda CARTE waxa ku kalifay in ay u so talaabaan xamar una soo talaabaan Gobolka Shabeellada Hoose Marka.
115 kilo miter.waa inta u dhexeyso xurunta Degmada marka ee shabeelaha hoose iyo xamar xorinta koxda carte ee degmada hodon,iskoole politzaia.hotel ramadan,waliba ayagoo waliba maamulkooda aan sii fican uga hergalin melahaas aan soo sheegnay.
waxaa cajiib ah waxaa la yiri "miskiin baa misko la fuulo leh"miyaa arinta mise maamulka carte.aya doonayaa in u marin habaabiyo Caalamka dunida.
waxa kaloon aad iyo aad uga xunahay walaalkeyni Mr.ibbi.aad nagu soo hogaamiso dad aan u dhaln dhulkaas.
ugu danbeyntii waxaan kula talineynaa koxda cart in ay dhowraan Balantii Axdiga iyo dhaartii ay umareyn ummadda Shacbi weynaha Soomaaliyeed .
waxaan kaloon kula dar daarmayaa shacbiga reer shabeelaha hoose kula talinayaa in ay ka digtoonaadan ka tashadaan aayahooda maamulkooda sii ay ku jirto madaxbanani iyo dimaquradiyad maa- daama ay jiraan ididiilo damaaci dhuuni raac usoo haqal taagaayo dhul u san laheeyn asago 12kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku haayay gobolka..
ugu danbeyenti waxaan idiku hambalyeynayaa sida geesinimada leh aad u diideyn shirqoolkii carte.dhamaan dadka dega sh. hoose gaar ahaan dadka,Bimaal iyo Qowmiyadda Banaadiriga .waxaan kaloon kula talinaayaa. oo kala Bimaal iyo Qowmiyadda Banaadiriga INaad qeybsataan maamulkiina Haday noqoto Gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaaladda waxaan kaloon nigula dardaarmayaa. yaanila kala faaideysan dhaxdiine waa dardaaran waayeel waa.wada indho. "" Degaanka lamahuraanka ah waa kan aakhiro"" Aaqiro waxaa lisweydiya Dariska.aduun daris aqiro daris.
wabilaahi towfiiq
gudoomiye jaaliyadda bimaal west Europe
mudanne cali cusmaan (cali afare)
Tel: 0031-627165589 E-mail: [email protected]