Midnimo Information Center


Baaaq ku Wajahan Beelaha Gobolka Banaadir

mic-14-05- 2001, waxaan jecleystay in aan idiin soo bandhigo aragtidayda iyo fikraddayda ku
wajahan marxaladda adag ku soo habsatay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kuwa ku nool Gobolka Banaadir tan iyo goortii uu burburiyay xukuumaddii Diktatooriga ahayd iyo wadada ku haboon in la cabirto sidii looga tilaabsan lahaa mashakilaadkaan adag iyo habka lagu raadin lahaa Dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo mustaqbalka iyo xurriyada Soomaalida ku nool Gobolkaasi.

Sida aanu ogsoonnahay Soomaaliya tan iyo goortii la burburiyay xukuumadii Siyaad Barre ilaa iyo haatan, waxaa la la'yahay heshiis balaaran oo suuro gelin lahaa habkii lagu keeni lahaa dhismo dawlad Qarameed oo loo wada dhanyahay.


Ummadda Soomaaliyeed had iyo goor waxay niyadsami ku muujisay rabitaan maamul qarameed,maadaama ay la adkaatay in ay ku sii jirto qalalaaska,boobka, dhaca iyo dilka oo aan dhammadka lahayn.

Inkastoo dowr jeer laysku dayay in heshiis laga gaaro dhibaatooyinka faraha badan ka soo abuurmeen dagaalka sokeeye, haddana
waxaa nasiibdarro noqday in dadaalkaasi uu suuro gal noqon,waayo sida aan aaminsanahay arimaha is hortaagay in la helo xal siyaasadeed iyagoo fara badan haddana kuwa aan dhihi karno waa arimaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah :

1-In la cabirtay dhariiqad aan miradhal u lahayn Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed,iyadoo koox kasto go'aansatay kana dhigatay barnaamijkeeda qaabka, siyaasada iyo ficilka u gaarka ahaa xukuumadii Siyaad Barre,islamarkaana indhaha laga ootay sababaha dhaliyay dagaalka sokeeye.

2-In lagu dhaqaaqay barnaamij ku saleysan siyaasad ku wajahan in ummad Soomaaliyeed laga barakiciyo deegaanadooda.

3-In shaqsiyaad Soomaaliyeed xambaarsan mas'uuliyad dhaqameed,diinayeed,bulshadeed ku dhaqaaqaan howlo aysan aqoon iyo qibrad midna u lahayn, si bareer ahna u xigsaday kooxaha ka mas'uul ah gardarrada iyo dhibaatooyinka isdabajooga ah lagu haayo ummadda Soomaaliyeed.

4-Inkastoo dhowr jeer laysku dayay in heshiis laga gaaro dhibaatooyinka faraha badan ka soo abuurmeen dagaalka sokeeye, haddana
waxaa nasiibdarro noqday in dadaalkaasi uu suuro gal noqon,waayo sida aan aaminsanahay arimaha is hortaagay in la helo xal siyaasadeed iyagoo fara badan haddana kuwa aan dhihi karno waa arimaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah :
In Soomaalida u dhalatay Gobolka Banaadir aysan habayaraatee ku tala gelin in ay adeegsato barnaamij siyaasadeed oo mideysan una daneeya Soomaalida ku nool Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho.

5-In shacabka Gobolka Banaadir uusan wali garaadsanin in midnimada siyaasadeed ay tahay midda keliya maanta ansaxi karto dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir oo aysan miradhal u noqoneyn kala qaybsanaan,iskahorimaad iyo anaa amiir wa anta amiir.

6-Hogaamiye kooxeedyada u dhashay Banaadir ay noqdeen kuwo u dadaala danahooda gaarka ah.

Bulshada Soomaaliyeed,waxay ku dhisneed, ku dhisantahay, kuna dhisnaan doontaa hab qabaa'il ah,waayo qabiilku wuxuu ka mid yahay dhaqanka Soomaalida, waxaana rumeesanahay in Qabiilku uusan aheyn mid xun oo had iyo goor u horseedo baaba iyo burbur iyo dhibaatooyin kala duwan, qabiilku wuxuu ka mid yahay nolosha bulshada Soomaaliyeed, haddii qabiilku loo isticmaalo sida waayihii hoore,oo loo soceliyo sharaftii iyo nidaamkii iyo haybadii iyo quraxdii uu lahaa waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin inuu inoo keeno wanaag mahee ilama aha in uu dhibaato ummadda Soomaaliyeed u soo jiidanahayo.

Haseyeeshee,tan iyo goortii ay Soomaaliya xurriyadda qaadatay,waxaa la caadeystay in qabiilku loo isticmaalo si qaldan oo fool hun,sharaftii iyo wanaagii uu lahaa laga meyro,xukuumad qasta inta ay ku dadaali lahayd hor'umarinta, kor'uqaadida,sharaf iyo qiimaha Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed waxay howl ka dhigatay in qabiilka ay u adeegsato sida hubka oo kale oo ay ku baabi'iso,ku gumeysato ku xayuubiso, ku barakiciso,ugu cagajugleeso qabiilada kale.

Bulshada Soomaaliyeed, xurriyadda goortii la qaatay ilaa iyo haatan waxaa lagu soo barbaariyay qabiilka dhinaciisa fooshaxun taasoo bulshada qaadatay,ku dhaqantay, adeegsatay,aqoonsatay.
Shaqsi kastoo Soomaali ah,xusuus buu u leeyahay,maalintii uu Siyaad Barre ku dhawaaqay qabiil baan duugnay,isla markaana uu sii xoojinaayay xukuumadiisa ku dhisneed hab qabaa'il ah (Mareexaan-Ogaadeen iyo Dhulbahante),haddaba kii doqonka ahaa mooyaane cid kaloo rumeystay erayada Siyaad Barre maalintaa ma uusan jirin.

Maanta ay arinta ka sii adag tahay oo si baas ah isugu wareegsantay oo madax iyo maji midna aysan lahayn, ka dib markii uu dagaalkii sokeeye ku saleysnaa qabiil uu saameeyay waddanka iyo ummadda oo idil, ilamaha in maanta meel layskugu imaan karo oo looga xaajoon karo arimaha ku saleysan midnimada Qaranka iyo wanaagga Soomaali Weyn,iyadoona marka hore laga soo shaqeyn dhibaatada iyo colaadda dheer dhex taalo bulshada Soomaaliyeed.

Waan ku raacsanahay sida oo uu yiri shaqsi soomaali ah" "WAA IN LA OGAADAA DAHARTU MEESHA AY KA QURUNSANTAHAY"inkastoo ujeedadeyda ay ka duwantahay midda shaqsigaasi,100% waxaa loo baahanyahay in Soomaalida ay ogaato meesha ay ka imaanayso iyo qolada ka mas'uul ah dhibaatadatan oo aan dhamaadka lahayn.

Walaalayaal waa in runta aan laga leexan,waayo ruuxii maanta aaminsan in lagu howlan yahay danta Qaranka ama midda Bulshada Soomaaliyeed waxaan oran karaa in uu yahay ruux lunsan, shaqsiyaadka,kooxaha,hay'adaha,wargeesyada iwm maanta ku howl jira baafinta Midnimada Qaranka iyo Soomaali weyn soo celin dawlad, soo celin sharaf, soo celin haybad iyo soo celin dan guud Qarameed ama bulshadeed oo aan maanta gacan lagu haynin,waa dad wato dano iyo ujeedooyin qarsoon.
Waa in laga digtoonaadaa shaqsiyaadkaan beenta wada,doonaaya in ay Shacabka Soomaaliyeed siraan,ku howlan danahooda u gaarka ah,isticmaalahaya siyaasadii,sirtii iyo been abuurkii dawladii Siyaad Barre waayo waa ardaydii uu soo tababaray macalin Siyaad Barre,aragtidooda,fikradooda,siyaasadooda,ficilkooda,dhaqdhaqooda kama duwanaan karo kuwii Siyaad Barre.

Walaalayaal, dhibaatadii iyo xanuunkii oo shacabka Soomaaliyeed soo maray maaha mid la iloobi karo,burburkii iyo baabaii la soo maray maaha mid la iloobi karo, boobkii iyo dhacii maaha mid la iloobi karo, dilkii iyo dhaawicii maaha mid la iloobi karo, Soomaalidii cuuryaantay iyo kuwii soo qaxayn maaha mid la iloobi karo, maanta waa in aan xusnaa,oo kor aan u qaadnaa, oo had iyo goor u mahad celinaa dhalinyaradii ,caruurtii, dumarkii iyo intii u dhimatay iyo u curyaantay mabda'a ahaa in la burburiyo xukuumadii Siyaad Barre lana soo ceshtaa xurriyadii ay xukuumadaasi ka xayuubsatay Ummadda Soomaaliyeed.

Walaalayaal, waxaan maanta u arkaa shaqsiga raali ka ah,taageersan,difaacana harharka xukuumada Siyaad Barre in uu damdi weyn ka galahayo dhalinyarada dhimatay, kuwa cuuryaamay, iyo Soomaalida dhammanteed.

Intaa ka dib, haddii aynu u gudubno arimaha Gobolka Banaadir, anagoo hoos horay u xariiqnay ficildarrada iyo mas'uuliyadarrada hogaamiya kooxeedyadii hore ka muuqatay oo ka shaqaynaayay keliya danahooda gaarka ah, waxaa maanta lama huraan ah in loo baahanyahay aqoonyahanno xambaarsada siyaasadda Gobolkayaga iyagoo si dhab ah iyo si daacad ah ugu howlgalayaan danta iyo wanaagga gobolka iyo ummaddiisa, ugu howlgalayaan sidii looga gudbi lahaa isafgarashwaaga dhex yaala Soomaalida ku nool Banaadir,ugu howlgalayaan sidii ay ugu qayb qaadan lahayeen dib u dhiska iyo dib u heshiinta Soomaaliyeed iyagoo si buuxan ugu turjumahayo danaha iyo baahidda umadda ku nool Banaadir, haddaba su'aasha waxaa weeye sideebey arintaani suuro gal u noqon kartaa ?

Intaana arintaani muhiim ka ah aan u guda gelin waxaa haboon in la hoos xariiqa dhacdooyin oo sida aan aaminsanahay ka mid ah sababihii keenay in Caasimadda ay noqoto magaalada soomaaliyeed oo si adag u saameeyay burburkii dagaalka sokeeye.

1-Maamul kasto oo ka curto Qaranka Soomaaliyeed wuxuu cadeystay in uu u xilsaaro mas'uuliyadda Gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa Soomaali oo aan u dhalan Banaadir.

2-In maamulka Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir laga dhigo mid qur ah.
3-In Soomaalida oo idil la darsiyay in Gobolka Banaadir uu u simanyahay Soomaali weyn.

4-In lagu xadgudbo,loo cagajugleeyo,la dhaco,la boobo, la handado Soomaalida u dhalatay Banaadir.

5-In lagu dhaqaaqo siyaasad iyo ficillo u horseedayo in lala wareego oo la malkiyeestoo hantida guurtada iyo maguurtada ay leedahay Soomaalida u dhalatay Banaadir.(waa abaabulkii iskaashatooyinkii).

6-In la xaqiro aqoonyahanka Banaadir.

7-In hantida Qaranka lagu iibsado guryihii iyo goofafkii ay lahayd Soomaalida Banaadir.

8-In canshuurta laga qaadayay Soomaalida Banaadir loo isticmaalayay in lagu xalliyo dana gaar ah.

9-In la adeegsaday siyaasad ku wajahan in soomaalida Banaadir laga barakiciyo degaanadooda (waa siyaasadii Xasan Abshir goortii u ahaa Duqa Magaalada Xamar).

10-In aqoonyahannada Soomaaliyeed ka yimid gobollada kale loo xilsaaro mas'uuliyadda hay'adaha kala duwan ee Gobolka Banaadir,kuwa u dhashayna Gobolka Banaadir loo masaafuriyo Gobollada kale.

Haddaba ficilladaani oo aan kor ku xusnay waa ficillo run ah, waa ficillo dhacay, waa ficillo gubahayo shaqsi kastoo u dhashay Banaadir sidaa awgeed waxaan u arkaa waajib in aan u adeego danaha,wanaagga iyo hor'umarka Gobolka aan u dhashay.
Sida ay ila tahay waxaa loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo sidii loo xalin lahaa isqilaafka, colaadda iyo wax alaale wixii ay beelaha kala duwan ee Gobolka Banaadir deggan kala tabanayaan,wada xaajoodkaan oo u gogolxaaraya aas aaska hore ee dhismaha maamulka Gobolka Banaadir waxuu u horseedayaa in lagu guuleysto baadigoobka nabadda,kalsoonida iyo wadashaqeynta.

Waa in la adeegasdaa aqoonyahannada ku cilmidheer siyaasada iyagoo kalsooni buuxda ka haysto bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir.

Waa in Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si buuxda loo wargeliyo,laga dhaadhacsiiyana wanaagga iyo danta la doonayo in lagu dhaqaaqo iyadoo la adeeksanayo wax allale wixii suro gelin karo howshaan muhiimka ah. Waa in la aas aasaa guddiyo kala duwan oo u howlgalo arimaha quseyso hor'umarka iyo nabadeynta Gobolka Banaadir.

Waa in shaqsi kastoo u dhashay Gobolka Banaadir uu rumeysan yahay in uu isaga wanaag ugu jirto in uu Gobolkiisa maamusho,uusan cidna ka ogolaaneynin in arimaha Gobolka Banaadir loo xilsaaro shaqsiyaad kale.

Waa in aanu aaminsanahay in mustaqbalkayaga iyo midda caruurtayada ay si xoogan ugu xiran yihiin mustaqbalka Gobolka banaadir.

Haddaba waxaad la socotaan kooxda ama shaqsiyaadka is hortaagaya abaabulinta Maamulka Gobolka Banaadir waa kuwo doonayo in ay xaqiraan oo ay ku tuntaan mustaqbilkeena iyo midda caruurtayada.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.
[email protected]

www.midnimo.com

Hosted by www.Geocities.ws

1