
Ha'yada Xuquuqda Aadamiga Somali Banadir
Ujeedo Canbaareyn Afduub
15/9/02 The Hague
SHARIIF MAXAMED
SHUUTAALE (SHAKUULA) OO LAGU AFDUUBTAY MAGAALADA MUQDISHO
Maalintii khamiista ayaa waxaa magaalada muqdisho lagu afduubtay Shariif Maxamed Shuutaale (Shakuula) oo ay afduubteen maleeshiyooyin Caadeystay in afdubka Dadka aan hubeysneyn.
Shariif
oo markii la afduubayey baabuur BL-ah saarnaa ayaa lagu qaatay gaari Taxi ah oo
ay wateen maleeshiyooyinka af duubtay, iayagoo gaariga kagala degay agagaarka
isgoyska Hawlwadaag.
Maleesiyooyinka
afduubtay shariifka ayaa waxey markii hore geeyeen agagaarka Sey Biyaano oo ah
xarunta Cismaan Caato, waxeyna mar dambe geeyeen guri ku yaala degmada waaberi.
Maleeshiyooyinkan
ayaa waxey sheegteen in ay doonayaan in la siiyo madaxfurasho gaareysa $15,000
iyagoo sheegtay in ay dilayaan hadii la siin waayo cadadka ay sheegteen oo ah
mid aad u tiro badan marka loo eego awooda uu u leeyahay qof caadi ah inuu ku
bixiyo.
Hadaba Ha'yada Xuquuqda Aadamiga ee Banadir wuxuu Ugu baaqayaa kuwa caadeystay baryahaan danbe Afduubka,dhaca,dilka,iwm in ay ka-waantooban Falalkaas Foosha xun ay kula kacaayaan Beelaha aan hubeysneyn.
Taasoo Xad gudub ku ah Karaamada iyo Xuriyadda u leyahay Baniaadamka . Hadaba waxaa xaqiiqa ah in kuwa meherad
Ka dhigtay Falalkaas in maalin maalmaha ka mid ah la horkeeni doona Shirciga Hortis .ugudanbeyn ayadoo aad iyo aad ugu xun Fallalkaas Aan naxariista ka Fog . Hayada U doodo Xuquuqda Insaanka ee Banaadir, waxay ka codsaneysaa Maleeshooynka afduway SHARIIF MAXAMED SHUUTAALE (SHAKUULA) OO LAGU AFDUUBTAY MAGAALADA MUQDISHO in si Sharuud La aan ah lo Daayo ayadoo la dhowraayo Diinta Islaamka iyo Xuquuqda Aadamiga.
wabilaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Ha'yada Xuquuqda Aadamiga Banaadir
Dr. Cabdulkadir Xaaji Suufi (Muriidigulf )
E-mail: [email protected]