Somali Banadir Human
Rights Organization
23/9/2002 The Hegue
Waxaa Dacwad sida tan u
qoran ino soo gudbisay: Qamar Shariif Haashim (Luna ) sidan aad araktaan.waa
war bixin dheer ka hadlaaya Xadgudubyo lo geestay haweney wayeel ah oo
lagu magacaawo Maana Aweys Dayax, iyo gabadh ay dhashay. oo
lagu magacawo: Karolina Ibraahim Cali oo Degan Degmadda Marka ee Shabeelaha
Hoose oo loola dhaqmay wax ka baxsan Ba'niaadanimadda ama Xuquuqda Aadamiga
lagula dhaqmo Beelaha aan Hubeysneyn,sida hawenka,wayeelka,IWM. Qamar
Shariif Haashim (LUNA) ayado so gudbineysa xogogaal ahan waxay ku bilawday
sidaan Hoose ku qoran.
Bal
aan kaaga hadlo dhibaatada ku dhacday Hooyadey iyo Walaasheyda.
taariikhdu markay eheeyd
17/9/002, ayaa Askarta DKMG, ayaa aqal ku yaalo magaalada MARKA, ayey ugu
dheceen ayagoo u geystay jir-dil Maana Awes DAYAX iyo Gabadheeda Karolina(
Carolina) Ibrahim CALI, ayan ka dheceen inta lacag aqalka u yaalay markay
hooyo Maana Awes DAYAX, dacwo geeysatay ayaana ayadana la xirayn isla
maalintaas ayeyna xireen Odey reer MARKA, ah oo ka war doonay Gabadha la xiray
ayan mudo saacadood xireen lana sii daayey Odeygaa waa Aw-Maye SUJAC, laguna
yiri oo Askartii idiin badbaadin lahaa ayaad leedahay lacag ayey aqalkeeyga ka
xadeen, ka dibna ay kaxeeysteen Walaashey, loona kaxeeyey xabsiga magaalada
ayna tahay dad ay amar ka qaataan DKMG, Hooyadeyda markay aaday ayey weydiisay
Gabadheeda, waxa loo xiray ayey ku yiraaheen ninkaan ayaa qawa waana in ay
raacdaa xukuna wuuw dhici doonaa waayo Gabadhaan ayadoo nin leh ayey guursatay
nin Banaadiri yah,
Hooyadey, waxay ugu
jawaabtay inuusan qabin ninka haatan leh waa xaaskeyga sawabtoo ah seddex sano
ka hor ayuu asagoo hubeesan xoog la galay guri Gabadheeyda ayuuna kaxeeystay
aana anigu, u dirsaday dad kale oo hubeysan siddii Gabadheyda aab u badabaadin
lahaa leyguna soo celin lahaa aqalkeyga, marka ninkaan ma qabo Gabadhey,
Gabadhu, waxay ka dhalatay
hooyadeed waa Bahweynta Banaadir, Aabaheed waa Daarood, ayey ku tiri waxaad u
xabsiga u geeyseen waa dad haatan magaalada MARKA, ka muuqan iyo reer Banaadir,
ay yihiin dadaan hubeeysneen oo Gabar, kale miyaad la geli leheedeen.
waxaa khadka telafonka la
hadlay gabadheeda ku nool dibada ayey hubsatay arrintani siduu u socoto ayaana
Maana Awes, ayaa jawaab ka bixisay in xaalku isu rogay lacag iyo hanjab cad oo
gabadheeda habeen walba loo hanjabo oo odeyaal loogu gudbiyo xabsiga gudihiisa
ahna niman DUDUBLE, ah iyo HAWARGIDIR, is wata ayna aniguba dhowr jeer igu soo
laabtay inaan bixiyo madax fur ayna Hooyo Maana, ugu jawaabtay lacag ma
heeysti haddaan heyn lahaana ma bixin leheen waayo sharci ayaa la timaadeen ee
maxkamada ayaan wada sugi doonaa inkastoo ay handadaada socda xaalkuna isu
bedelay madax fur, gabadhuna ay bukto aniguba, nafsadeyda waxaan ahay naag
seddex xabad ku dhacay ayna haatan jir-dilkii ley geystay madaxii leyga tolay
ayaa haatan xanuunka iigu kordhay.
Gabadha, Walaasheedna, way
ku raacday Hooyadeed, waayo wax madax fur la yiraahdo inaysan bixineynin ayna
raaci doonin ninka horena af-duubtay xoogna ku kaxeeystay maadama wax
cadeeyn uu keeni waayey maxkamada khaadigii mehray iyo warqadii meherka laga
waayey, inta kale waanu fahanay in loogu dan leeyahay madax fur, taana kama
baxni doonimeyno lacag in la bixiyo ma heyni wax lacag la yiraahdo,
Walaasheyda, ayaa xabsi la geeyey oo DKMG, shaqo kale ayey waayeen miyaa oo
may xiraan dembiilayaasha oo seddex sano ka hor af-duuway Walaasheyda.
Waxay inoo raacisay
Walaasheyda, xaq daro ayaa lagu xiray laguna heeystaa Hooyadey waxay kale sii
raaciday hadii Gabadheyda uu qabo seddex sano ka dib ayuu leeyahay waa
xaaskeyga taa ma'han wax suura gal ah Gabadheyda ayadoo nool ayey ii deynayaan
ama ayadoo meeyd ah lacag bixin ma hayoo nina raacin ma hayo.
Sidaasi awadeed
Ha'yada Xuquuqda Aadamiga Banadir.Wuxuu ku talinaaya Kuwi geestay Dambiga
foosha Xun leh laga abaal marin doono Shircigana La horkeeni Doono Goortay
noqotaba Dalka gudahiisa ama Dibaddiisaba meelkastoo ay joogaanba.
Hadaba wuxuu ugu
Baaqaya Kuwa ka danbeeyay Fallalkaasi in ay ka waantowaan ku xadgudubyada ka
baxsan Ba'niaadanimadda kana so daayaan Xabsiyada Shirci darada ah ku haystaan
Haweneyda iyo wayeelkuba ..ayagoo dhowraya Ku dhaqanka diinta Islaamka iyo ku
dhaqan iyo dhorista Xuquuqda Aadamiga.
wabilaahi towfiiq
Gud'oomiyaha Somali
Banadir Human Rights Organization
Dr. Cabdulkadir
Xaaji Suufi (Muriidigolf)
E-mail:[email protected]