Gobolka Banaadir 65 SANNO IYO 27 DUQ MAGAALO
( Magacyada inta Duq Magaalo ee soo Martay )

,Magaalada Muqdisho waxay leedahay taariikh aad u fog, iyo xadaarad qadiimi ah oo soo taxneyd

muddo aad u dheer, dadkeeduna waxay ahaayeen kuwo lagu qaddariyo dad la dhaqanka iyo dabeecadda nolosha,waxaana wax ka qoray arrimahaas dhulmareenno fara badan oo ay ka mid ahaayeen Ibn Batuta,Al Cumari iyo kuwo kale , kuwaas oo kutub fara badan ka qoray xadaaradda dadka iyo deegaanka Benaadir, gaar ahaan xamar,marka,Barawe

Waxyaabaha dadka Banadir ay uga duwanaayeen dadka deegaannada kale waxaa ka mid ahaa sabarka ,dulqaadka, dabeecadaha nabad jacaylka iyo qodobbo kale.

Dadka reer Banaadir waxay lahaayeen caadooyin hiddo iyo dhaqan oo ay dheelaan xilliyada farxadda sida dabshidka sanada,Shirta Staafuroowga markii Carruurta la gudayo, Aroosyada, dhalashooyinka iyo markii ay jirto xaalad loo bogo.

Magaalada Muqdisho waxaa maamulladii kala geddisnaa ee soo maray xilliyadii Gumeysiga, Xilligii Xorriyadda ee dowladdii rayidka ahayd, Kacaanka Oktoobar,, iyo dowladda KMG ah soo maray lix iyo labaatan Duq Magaalo oo maamulayey Magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 1936-kii ilaa 2001, waxayna kala yihiin Magacyadooda iyo xilliyada ay hayeen Jagooyinkaas sida hoos ku qoran:-


 1-  Dr.Campani Romeo, Podesta, 1-da Disembar 1936-kii
 2-  Rag Scarpa, Podesta, 15-kii Disembar 1937-kii.
 3-  Dr.Sicar, Podesta, 1-dii Maarso 1937-kii.
 4-  Dr.Barbino Luigi, Podesta, 3-da Juun 1937-kii.
 5-  Dr.Baudino Marcelio,Capitano Aviazione Podesta,1-da Novembar 1937-kii.
 6-  Dr.Guliano Sanatore,Podesta, Disembar 1938-kii.
 7-  Dr.Bartelli Pietro,Commisario straordinario, Febraayo 1941-gii.
 8-  Oliviero Oliveri,Commisario straordinario, April 1950-kii.
 9-  Dr.Aliviero Enrico,Juun 1950-kii.
10- Vecco Carlo, Novembar,1953-kii.
11- Maxamed Shiikh Jamaal Cabdullaahi, Duq Magaalo, 1956-1960 kii.
12- Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo Novembar, 1960-1962 kii.
13- Dr.Keynadiid Axmed Yuusuf,Commisario straordinario, 30-kii Agoosto 1962-1963 kii.
14- Shariif maxamed imaankeey Duq magalo Septenber 63-1965 kii
15- Cumar Xasan Maxamuud ( Cumar Istarliin ), Febraayo 1965-66 kii.
16- Dr.Shariif Maxamed Caydaruus, Duq Magaalo, Maarso 1966-1970-kii.
17- G/le Sare Axmed Maxamuud Cadde, Commisario straordinario, 20-kii Novembar 1970-kii.
18- Gaashaanle Sare Cusmaan Maxamed Jeelle,Commisario Straordinario, 8-dii Disembar 1970-kii
19- Gaashaanle Sare Xasan Abshir Faarax,Duq Magaalo,28-kii Maarso 1973-kii.
20- Yuusuf Ibraahim Cali ( Abuuraas ), Duq Magaalo, Febraayo 1976-kii.
21- Dr.Cabdullaahi Salaad Warsame, Duq Magaalo, Maajo 1981-kii.
22- Gaashaanle Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 1982-kii.
23- Cali Ugaas Cabdulle, Duq Magaalo, 1987-kii.
24- Sayid Cumar Xaaji Maxamuud, Duq Magaalo,16-kii Jannaayo 1990-kii.
25- Sarreeye Guuto Axmed Jilacow Caddow, Duq Magaalo, 18-kii Oktoobar 1990-kii.
26- Cabdullaahi Muuse Xuseen,Duq Magaalo, 20-kii Oktoobar 2000.

   By Shariif Maxamed Xaaji Nuur

 

 

 

Hosted by www.Geocities.ws

1