|
Midnimo Information Center |
|
Marxuum u dhashay Qowmiyada Banadiriga oo loo diiday in lagu aaso Xamarweyne "Ow-Aweeska" MIC-02-03-2001 Muqdisho,
sida wararka midnimo ku soo garayaan taariikhdu markey aheyd Falalka foosha xun ay ka wadaan degmada xamar weeyne sida falka ka naxdinta iyo muruga leh ee Islaanimada iyo damiirka Soomaalinimada ka fog falkii dorraad oo taarikhdu ahayd 27-2-2001 Maalinta Talaadada ahayd waxaa dhacay nin u dhashay qowmiyadda Banaadiriga Soomaliyeed oo ku dhintay xaafadda Ow-Aweeska markii xabaashiisii loo qoday oo iilka loo waday in ay soo hor istaagan khabaa'il sheeganayo Soomali, Muslin in ay u diideen in Marxuunka halkaas lagu duugo. Markii loo diiday dadweynihii isug soo baxay aaska marxuunkaasi in loo qaaday meel kale goor habeenimo laguna aasay Degmada Waaberi, Sidaasi darteed, waxaa xusid mudin in meeshii laga waayey Culu-ma'idiinkoodii, wax garadkoodii, odoyaashoodii iyagoo isku wada mid ka noqday arrintaasi, maadama aysan arrintaasi ka hadlin gacan aysan ke geeysan, aysana kaa muujinin wax dhibaato ah arrintaasi foosha xun, kuna ayideen arrintaasi foosha xun. Waxaan oggeysiineynaa walaalehenna muddulood iyo Soomaalida Nabadda Jecel inay arrintaasi foosha xun ee wax magaratka awoodda is biday, qoraykan aaminsan in aanan u dulqaadan doonin maanta wixii ka dambeeyey inaan iska dhicin doonno haaddii nabad lagu xalinaayano waxaan diyaar u nahay dadkii falkaas foosha xun geystay inaan tilmaami doono. Waxaa dhammaaday xilliga dulqaadka, iyo caga jugleeynta falkaan foosha xunna wuxuu geli doonaa taarikhda. AFAYEEN U HADLAY QOWMIYADA
BANAADIRIGA
|