| MAAHMAAHYO
SOOMAALI AH 1 Aadme la
aragyaaba, dhib la arag.
2
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
3
Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la
dego ma leh.
4
Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.
5
Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
6
Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
7
Abuur iyo waano abuur baa horreysey
8
Adduun i khatal.
9
Adhi magantii ma barriiyo.
10
Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
11
Aduun wey ki amoodeey ugaaw???
12
Af-ka nool abooto mudac.
13 Af
ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku
daaqdo.
14 Af
Daboolan, Dahab waaye.
15 Af
hadlaaba aamus.
16 Af
nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
17 Af
waa kane, maxaa lagu aamaa
18 Af
wax cunay xishoo
19
Alla aamin ma iisho
20
Alle watow wehel uma baahna
21
Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga
tegin
22
Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.
23
Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
24
Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
25
Ammaan lama dhu-dhumiyo.
26
Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo
Aadmi baa qaatay.
27
Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool
yahay.
28
Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
29
Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma
fayoobaato.
30
Arrin xumo abaar ka daran
31
Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa
leeyahay
32
Ayax teg eedna reeb
33
Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
34
Badhi mag ma laha.
35
Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto
ma laha.
36
Ballan habeenimo, jarmaado subax buu
leeyahay.
37
Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku
saaraaya
38
Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
39
Baqal fardo la miratay, fardihii bay is
moodaa
40
Barasho horteed ha i nicin
41
Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
42
Bartii yaqaan, bari uma korodho.
43
Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku
nacaa.
44
Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
45
Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
46
Been fakatay runi ma gaadho.
47
beeni raad ma leh
48
Beer wax dhalow ba'
49
Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku
maqan tahay
50
Bidaari sibiq bay kugu gashaa
51
Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer
kalena kuuma geyso
52
Bilaysini Bir ka adag
53
Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa
yac-yacood.
54
Biya sar tegey waa la sugayaa
55
Biyo meel godan bay isugu tagaan.
56
Biyo sacabadaa lagaga dhergaa.
57
Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo
dawlad la'aana baa xun.
58
Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
59
Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso
naagood.
60
Caano Jiilaal canba canbid. :)
61
Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
62
Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
63
Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
64
Calool adayg waa Alle wehelkiis.
65
Canbe laf baa ku jirta.
66
Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
(koonfur)
67
Carraabo, fadhaa quusiyey
68
Carruurey cayntaa baŽday
69
Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma
leh
70
Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma
dhaawacmo
71
Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
72
Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
73
Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa
wadisteedaa lagu dhibaa.
74
Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla
talisase wax yar
75
Cidlo ciirsi m leh.
76
Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
77
Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku
tusaa.
78
Ciyi waa ka beryey.
79
Colka wadhaf ma lagu dayey.
80
Daacadi ma hungowdo
81
Daarood, marbuu qabasho lahaa: markuu nin keliya
ahaa.
82
Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
83
Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
84
Dadqal looma gurguurto.
85
Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku
dhinta.
86
Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon
la'aana waa la qadaa.
87
Daleel marow maradiis geed ma daarow
88
Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa
arroorsha.
89
Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul.
90
Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan.
91
Dameeri dhaan raacday.
92
Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga
nuugtaa.
93
Dameerku dhega adagaa, ma Caydiidbaa
94
Dammeeraley Dad la xeer maaha.
95
Dan iyo xarrago is weyday.
96
Dan layskuma naco.
97
Dani waa seeto
98
Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
99
Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
100
Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
101
Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
102
Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
103
Dawaco geel ma cunto.
104
Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul
ugu bakhtidaa
105
Deero waa dal madays.
106
Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku
dhahaa
107
Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
108
Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel
dheer
109
Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
110
Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo
galiyee??
111
Dhedo roob noqon weydey
112
Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma
jaro?????
113
Dhego adakaa dameerku, ma Caydiidbaa.
114
Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl
weeye.
115
Dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyo.
116
Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga
dhacaa.
117
Dhiig islaan ma qarsoomo.
118
Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku
tiraahdaa
119
Dhulbahante waa dhoohan yahay.
120
Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
121
Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
122
Dibi, bay waw dhutiyaa.
123
Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka
waa
124
Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la
jebiyaa.
125
Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la
jebiyaa.
126
Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa
127
Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug
,Kurug ma Dhaafeeyso......
128
Doqon nebi Muusaa habaaray
129
Doqoneey dabkaa baŽ
130
Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
131
Doqoni calaf ma leh
132
Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma
mooddo
133
Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
134
Doqoniino waa shil.
135
Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
136
Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
137
Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy?
138
Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu
jiraa.
139
Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in
erre??
140
Dumar beenna waa lagu soo xero geliyaa runna waa
lagu dhaqaa.
141
Dumar yaryaraysi male
142
Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku
gubtaa.
143
Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
144
faanoole fari kama qodna
145
Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho
146
Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
147
Far bugtaa, Faro ka dheer.
148
Far iyo meel bugtaa is og.
149
Far keliya Fool ma dhaqdo.
150
Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
151
Faras uu reer isaaq nacay iyo naag uu reer
cabdille nacay midna abdo male.
152
Fardaha dheereeyaa pooloogay isku arkaan.
153
Fardo laysu hayo, lays kuma faansho.
154
Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
155
Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee
faduul!
156
Fule hooyadii ma goblanto.
157
Fule wax ka qoryo badan.
158
Futo iyo dhul isma huraan.
159
Gaal dil gartiisana sii
160
Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
161
Gabadhi waa meel xun joog.
162
Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee
waa laga dhirindhiriyaa.
163
Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
164
Gadal gadaal geed looma koro
165
Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
166
Gardarraa ma guulaysto
167
Gardarro looma garbo yeelo.
168
Gari ilaahay bay taqaan
169
Gari laba nin kama wada qosliso.
170
Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna
dhaxalkii waa yaqaan.
171
Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
172
Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen
ka goostaa ku yidhaa.
173
Geel carruuri qaaday ma foga.
174
Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya
Allaa
175
Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
176
Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
177
Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala
jirtaa
178
Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa
laguu yaabaa.
179
Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku
wanaagsantahay. :)
180
Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku
roomntahay.
181
Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
182
Geesi, Alle ma xidho.
183
Gobanimo waa joome.
184
God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn,
ku dhici doontaana ma ogid
185
Gorgor, haadda ka weyn. (car garo)
186
Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu
jirin.
187
Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku
goyn.
188
Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa
waana lagurtaa)????
189
Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa
hakuu hayo.
190
Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay.
191
Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka
dambena waa sino ballaaran yahay.
192
Haani guntay ka tolantaa.
193
Habar caal weydey durey bay hafartaa
194
Habar caalweydey aleelo ku waalatay
195
Habar fadhida legdini wax uga fudud
196
Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
197
Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey
modaa.
198
Habeen ciidan maaha
199
Hadal intaadan buu ammaan yahay
200
Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
201
Hadal iyo hilbaba kala qalan.
202
Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin
yarreeyeyna kama wad tegin.
203
Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
204
Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
205
Hadal yar iyo hawl badan.
206
Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano
yahay.
207
Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la
dhisaa wax lagu helo
208
Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii
loo tumaa.
209
Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad
moodday.
210
Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana
kiish lacageey dhalaan
211
Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa
liqi lahayd.
212
Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu
sheelana waa lays sheegaa.
213
Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
214
Hal libaax arkaysaa ma godlato.
215
Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
216
Hamba soor ma eh
217
Hangaraarac lug uma dhutiyo.
218
Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma
leh.
219
Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa
kulmiyey
220
Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska
bixinaysaa.
221
Hawiye ceeb kama baqee, caydhbuu ka baqaa.
222
Hawli jid caddeysay.
223
Hawli jid caddeysay.
224
Heeraa wan ma eh??
225
Heesta geelu waa kala horreysaa.
226
Hilib beer laga dooray waa weyd.
227
Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma
hodmo.
228
Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu
dillaacaa
229
Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
230
Hunnu hunnu hadal maŽaha, himbiriirsi arag ma
aha
231
Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer
meerisaa.
232
In habari gasho, hali ma qaado.
233
Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana
hufkiyo haadiskay barataa.
234
inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay
kaama daayaan.
235
Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar
wiilkeedu ciidamiyaa.
236
Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma
adkeysto
237
Intaadan falin ka fiirso
238
Intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
239
Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa
weyntahay
240
Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
241
Isla weyn, dooro weyn.
242
Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
243
Isu qabe aan loo qabin.
244
iyo cudur geeri og.
245
Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama
maydhaan"
246
Jinni, Ninkii keenaa bixiya.
247
Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
248
Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
249
Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
250
Kal caano galeen, xirgi ma gelin (sorry
ladies).
251
Kelyo nimaan lahyn bay kaadiyi dishaa.
252
Kibir waa lagu kufaa
253
Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa
baday.
254
Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma
furfuro.
255
kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma
hadho
256
Kuuryaan iyo kun xabbadood iyo konton jir ha la
ogaado.
257
La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana
bannaan.
258
Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo
ad-adayg.
259
Laba qaawan isma qaaddo
260
Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka
boodaa.
261
Laf jabtay sideedii ma noqoto.
262
Lama huraan waa cawska jiilaal
263
Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
264
Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa.
265
Libaax deeqi ka gurxamisay
266
Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma
cuno.
267
Libaax lab god lagama kiciyo.
268
Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
269
Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa
wayday.
270
Loogow (qal ama magac nin) laguu minan
fadhiyee.
271
Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa
272
Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo
dhacaa
273
Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa
lagaa hayaa.
274
Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise
baddaasaad dhurtaa.
275
Ma sugto, Meher ma leh.
276
Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
277
Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo
wiilkaaga u xun, mise wax naftaada u xun oo
wiilkaaga u fiican. (Car garo).
278
Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa,
habeenkiina inta gacantaada gaadho.
279
Maantana far baa maydh laŽeey hay fadhiyo
geeli
280
Macallin xagaa injir lagama qabto.
281
Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma
jirto
282
Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama
samro.
283
Madheyti ii Moora gaabey lan maal qaboo
dagee?
284
Majeerteenku wuxuu naagaha ugu tagaa naag danbe
arki maysid,
285
Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon.
286
Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa.
287
Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays
dagay
288
Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa.
289
Mareexaan ma ahee waa ma riixmaan.
290
Mareexaan waxaad u tahay waa yaqaan, wuxuu kuu
yahayse ma yaqaan.
291
Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu
arkaa.
292
Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambena
iyadaa kala naxda.
293
Mas ii dooro daris ma nagadi koraan?
294
Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bushmo iyo naaso
midna maleh.
295
Meel hoo u baahan hadal wax kama taro
296
Meelaad ku dhashay, waa meelaad ku
dhimatay.
297
Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
298
Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
299
Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma
qubo.
300
Midiidin la'aan waa la midgoobaa.
301
Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana
qudhun baa looga dhacaa
302
Mindidii qooqdaa dib bay u qaddaa
303
Mira daray duuduubkaa lagu liqaa
304
Miro gunta ku jira miro geed saaran looma
daadsho..
305
Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu
nureyo????
306
Mugdi, arlaada geed ii goduh???
307
Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay
leedahay
308
Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo,
carruurtana waw cayaayir.
309
Muruqa laba suulle ninba si ku ah.
310
Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama
cudur
311
Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
312
Naag la furay fadhi uma yaal
313
naag Majeerteen waa qaalin geel ah oo waa soo
meecaadaa oo ka soo raysaa
314
naag Mareexaan waa sagaaro oo ka soo rayn iyo ka
soo darid midna ma le
315
naag ogaadeen waa naag, naag Majeerteen waa
nacas, naag Dhulbahante waa naar, naag Warsangeli
waa naf
316
Naag Ogaadeen waa sac oo barwaaqaday ku fiican
tahay
317
Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni,
midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
318
naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
319
Naagi naag lala qabo waa u col
320
Naagi nimay legdaan, kama kacaan.
321
naagi ninkay legedo kama kacdo
322
Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
323
naago ba'ooda ayey ka sheekeeyaan, ragna
badhaadhohood
324
Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa
lagu dhaqaa
325
naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
326
naago jilayc iyo naxariis midna wax kuma
laha
327
Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma
moodaan
328
naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
329
Naago waa belo loo baahan yahay.
330
Naago waa u samir ama ka simir.
331
Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo
hayaa lagu dhaqaa
332
naago yaryarasi ma le
333
Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud
la'
334
naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
335
Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga
hormartaa.
336
Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey,
tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii
kale banaankaa laga joogaa)
337
Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma
arko.(bal garo)
338
Nacasnimo ninkeedii dishey
339
Naf wax jecel allaa dhibay
340
Nafeey, nin ku doona ku waa.
341
Naftu waxay ogtahay ilaashataa.
342
Naxariis eebbe lagama quusto
343
Nimaad dhashay kuma dhalin
344
Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara
kaco
345
Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada
tolaya.
346
Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la
eegaa.
347
Nimaan dhididin ma dhergo
348
Nimaan dhul marin dhaayo la'.
349
Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin.
350
Nimaan/nagaan shaqeysan shaah waa ka
xaaraan
351
Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
352
Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga
jaraya
353
Nin aan dhididin ma dhargo.
354
Nin aan hadlin habartiisba qadisay
355
Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
356
Nin aan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan.
357
Nin ani yidhi dad iska sooc.
358
Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma
qabato.
359
Nin daad qaaday xunbo cuskey
360
Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu
waayey.
361
Nin dameero rartaa dad la toy ma aha.
362
Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
363
Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
364
Nin duulay dantii kaa og
365
Nin fadhiya, looma saro joogsado.
366
Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
367
Nin is faanshey wa riŽis nuugtay
368
Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma
aha.
369
Nin jiifa lama legdo.
370
Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog
ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo
rogin.
371
Nin kaa dheer wax looma tilmaamo.
372
Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna
ma gefo.
373
Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa
og.
374
Nin kuu digay kuma dilin
375
Nin kuu digay kuma dilin.
376
Nin la dhacay ama caytan ama habaartan.
377
Nin la sugayoow adna yaad sugin
378
Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid,
nina weligaaba ma gaadhid.
379
Nin qoyani, biyo iskama dhowro.
380
Nin shir ka duday, siigo (boodh, bus, habaas,)
yaraa.
381
Nin sigtay ma nabad gelin
382
Nin sigtay ma noola.
383
Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa
qaaday.
384
Nin waa inta naaga ka hadha
385
Nin waalan, walaalkiisaa u miyir qabaa
386
Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa,
ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
387
Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la
tusaa
388
Nin weyni wedkii waa yaqaan
389
Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal
jooga oon hal lahayn.
390
Nin xil qaaday eed qaad.
391
Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay.
392
Ninba gurigii gaado ku leh
393
Ninba kaskiisuu kor tagaa.
394
Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
395
Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka
jabsadaa.
396
Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
397
Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
398
Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin
jirin baa yimaada.
399
Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
400
Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha
dabana Aadmibaa arka.
401
Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma
daayo.
402
Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
403
Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa (
woqooyi)
404
Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma
garto
405
Qofba untuu cunuu ciidamiyaa
406
Qosol hiil leh.
407
Qosol qoonsimaad noqay.
408
Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
409
Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
410
Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan,
iyo guddoon jilicsan.
411
Raad arrooryo dib looma raaco.
412
Rag jidiin baa walaaleeya.
413
Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku
disha.
414
Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
415
Rag waa shaah dumarna waa sheeko
416
Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
417
Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
418
Reer ba'ow yaa ku leh!
419
Reer guura raac iyo carruurba loo kala
sheekeeyaa, is mase arkaan.
420
Reer, naagbaa kaa raacda.
421
Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
422
Runi rag kama nixiso
423
Sabool siil ma leh!
424
Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la
wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan
jirna ha la legdemin.
425
Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo
ma tashiishe
426
Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow
guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan
maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee
jannada i gee.
427
Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin
ka yar,
428
Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo
ma haasawshe.
429
Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro
garab og,
430
Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab
ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr
carraabintiis.
431
Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun,
naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa
kaa bi'iye.
432
Saddex: Warsangeli ninkay xamanayaan dila,
Majeerteen ninkay ku urursanyahay dila,
Dhulbahantana ugu tegi maysaan.
433
Safar waa si wada yeel.
434
Sagaaro intay tub joogto bay tub kale
dayataa
435
Sagaaro inteeda waa ku duq.
436
Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
437
Sagaaro, mindhaa ima barato.
438
Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
439
Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
440
Samraa, sammo hela.
441
Seedi waa beer
442
Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka
baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan
shanshaa ka baxda.
443
Shan shidda ma macaysaa.
444
Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka
baxaa.
445
Shir looma wada uunsiyo
446
Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
447
Shisheeye sheela duxa ma leh.
448
Shubaali waa biyo la bax.
449
Sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad
galaan
450
Sir naagood lagama sal gaaro
451
Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna
waa kaba cad.
452
Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga
helaa.
453
Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii
kugu caydaa.
454
Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago
lagaga tago.
455
Tabcadaa ma tuugoobo.
456
Toban jir ogaadeen waa llom taliyaan.
457
Toddobada cadaabood iyo talo qoodha-casaa la
simay.
458
Tol la'aani waa tows.
459
Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
460
Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
461
Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog
weynaado.
462
Tuhun waa sed.
463
tuug la qabtay talo ma laha.
464
Tuug lama xado.
465
Tuug lama xado.
466
Ul jiiftaa ma jabto.
467
Uur mudane iyo uur Berde, midna lama
baadho.
468
Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
469
Waa qaan marreexaan waa qaaxo kugu maqan.
470
Waari mayside war hakaa hadho.
471
Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
472
Wadaad jiilaal injir lagama qabto
473
Wadaad waa nin
474
Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la
tagtaa.
475
Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena
kaalmeysa.
476
Wadar iyo waaxid yaa waalan
477
Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu
riddaa
478
Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa
(dhaashadaa).
479
Walaashaa iskuma hubtide, seedigaa hays ku
ceebayn.
480
Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma
arkaan
481
War jiraaba cakaaruu iman.
482
War la helaaba, talo helaa
483
Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
484
Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga
dhibi waa.
485
Warsangeli wax noolba cun oo awrkii cirkana cid u
diray
486
Warsangeliguna wuxuu cuntada u cunaa cunta danbe
arki maysid
487
Wax aad baratay waa baaskaa
488
Wax aqoon wax looma sheego.
489
Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
490
Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
491
Wax rag kaa galay rako kaa gale.
492
Waxaad dhuuso moodaysaa, xaar kugu noqda.
493
Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna
looma dhinto.
494
Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay
dhaamin.
495
Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc
siiyaan
496
Waxay sheegatayba ha weydee, waa lagu
shareerraa.
497
Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
498
Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
499
Xadhko geel ma wada xidhaan.
500
Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
501
Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
502
Xarrago dumar xanuun ma leh
503
Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
504
Xog mooge xaajo waa dilaa.
505
Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
506
Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse
lama qaato.
507
Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel
lagu xer geeyaa
508
Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
|