|
Aden Elmi Wais OO BOOQASHO GAABAN KU JOGAY DALKA MASAR
waraysigan uu inoo soo qaaday wariye mohamed sougeh u la'yeeshay aden elmi
bal marka hore wax han ka ogaano intii uu aden joogay magaalda qahira ee dalka
masar uuna u dhoofin danemark europe
Aaden cilmi wacays oo kamid ahaa ardaydii reer djibouti ee dalka masar wax
Baranjiray isaga oo ahaa xubnihii firfircoona ee hormoodka abuursita ururka.
Ardayda reer djibouti ee dalka masar isaga oo Aaminsanaa ururku in uu yahay
Meesha qudha ay ardaydu danahooga ay ku fulin karaan.
Aadan kuma u goobnayn oo qudha ururka ardayda reer djibouti ee waxa uuna ahaa.
nin kaalin kuleh ururka ardayda soomaliyeed ee qahira isaga oo ahaa madaxa
Ardayda iyo jaaliyada soomaliyeed ee qaahira sanadii (1999-2000).
Intaas waxa ay ahayd taarikh nololeedkii Aaden intii u ku noola dalka masar
.
imikana waxa aan u gudo galaynaa kulan ka aan la yeelanay AADEN
(1) UED:Aaden hada adoo ku jooga booqasha gaaban dalka masar.
maxaad is badal ah oo kuu muuqda?.
Aden:horta waad ku mahadsantahay adiga iyo cumar xussein iyo maxamad rooble
Marlabaad hadii aan kaaga jawaabo su'aasha aad i waydiisay wax badan dalka.
Masar kama maqnayn mudo 4 sano ayaan ka maqnaa,aniga oo waxa aan kamid
Ahaa ardaydii reer djibouti ee dalkan wax ka barajirtay khaasatan aniga oo
Daganaa madina al bucuus el azhar sharif.
Hadii aan u noqdo su'aasha bilawgedii wax is badal ah oo sidaas ah ma'arko
Inkastoo u dalkan yahay dal aad horay u socda horay markiisu ee waxa aan aad
U laaxiday zaxmadii baaburta iyo dadka oo aad u sii fara badatay dhinaca
Ardayda hadii aan u noqdo,anaku markayagii aan joognay dalkan wax barashada
Halka hoose ayaan ka bilaabi jirnay ee nasiib wanaag ardayda imika way inaga nasiib fiican yihiin iyaga oo jaamicada si toos ah u galo ayay ku soo
hagaageen,ilahay ha'iska daayo madaxwayne ismaciil cumar fadligiisa weeyin taasina iyaga oo nin walba meesha u rabo lagu soo qoro jaamicada aniga
oo lagulmay arday farabadan oo dhamaantoodba ayna isku jamicad ahayn
taasina waxa ay ku tusaysaa wax fiican in ay tahay ayna horay marka dalka
iyo mustaqbalka iyaga uu yahay .
(2)UED:Aaden waxa aad kamid ahayd ragii u soo dadaalay sidii loo taagi lahaa
uruka ardayda reer djibouti ee qaahira wax ma inooga tilmaami kartaa geedi u
socodgii loogu taagi lahaa ururka?.
Aaden:iin waxa weeyin horta anigu markii aan dalkan sanadii (1994) rag
farabadan ayaa jiray oo iiga soo horeyay dadaalkii loo galay sidii loo furi lahaa
urur ay ardaydu leeyihiin anakuna markii aan nimid dalkan masar dadaalkii
halkii umbaan kasii wadnay kuma aan dayn,horta anigu aad baan u jeclaa in
lafuru uruka intii aan joogay dalka masar,waxa jirtay maalin ay iigu farxad
badnayd maalintaas aad baan u xasuustaa,waxa jiray nin la'odhan jiray muusa
ashcari oo ka qalin jabiyay halkan isaga oo ii sheegay aniga oo kasii baxaayo
albaabka madinada aan daganaa wuxu igu yidhi shabadii maanta ayaan ka soo
qaaday safaarada ,waxa aan islahaa ma'dama aan helnay jaabadii wax walba way
dhamaadeen ayaan islahaa ee nasiib daro ma ay noqon sidii aan modaynay ee
waxa aan ka tagay dalkan ururka oon lafurin
(3)UED:2001/11/15 WAXAA LOO TAAGAY UDUBADA URUKA
ARDAYDA REER DJIBOUTI SIDEE BAAD U ARAGTAA?
Aaden:walaahi aad iyo aad baan uugu farxay markii u walaalkay cumar xusein
u ii sheegay aniga oo jooga dalka danemark in udubada loo taagay ururkii
ardayda reer djibouti isla markiiba hanbalyo ayaan u soo diray aniga oo
kula soo hadlay telephone uu iga qabtay nin la'yidhaah shamsadiin .
(4)UED:Aaden ADOO KU NOOL DALKA (DANEMARK) WAX MA
NOOGA SHEEGI KARTAA JAALIYADA REER DJIBOUTI EE
KU NOOL HALKAAS?
Aden:horta majirto wax lagu tilmaami karo jaaliyad reer djibouti dalka
danemark ,ee se waxa aan ku joognaa dhawr qof mana jirto meela aan ku
kulano iskama dhaaf anaka ee somalidii inaga badnaydba malaha meela ay
ay kulmaan,ee waxba in aan is faanin anaku hadii aan reer djibouti anaka
soomali ahaan dad fara badan ayaan ku joognaa danemark mid ka yimid
somalia,kenya,djibouti,ethiopia ,handana marka aad u fiirsatid reer djibouti
dadka uugu fiican weeyin waayo somalia dagaal sogeeye ayaa in mudu 14
sanadoodba haysto sidaas darteed waxa aad aragtaa iyaga oo wali daba socdo
qabiil,markaas nin reer djibouti hadii aad kulantiin su'aasha u horaysa u ku way
diinayo waxa weeyin halkee baad katim,kadib xaafadee baad ka daganayd
djibouti ayuu ku odhanayaa markaas intaas ba ilaahay galadii weeyin
ee inta aan ku joogno reer djibouti aad baan u wada xidhiidhnaa hadii ay noqodto
ka jooga caasimada (1)amba ta(2)ambata (3) telephona ayaan ku wada
xidhiidhnaa marmarna kubada ayaan wada ciyaarnaa ee sida aad u ogsoon tahay
reer djibouti waxa ay ku badan yihiin france ,belgique,hollande,iyo norvege ay
Ku soo bateen
(5)UED:Aaden adiga oo qurba joog ah wax manooga sheegi kataa qurbaha?
Aaden:walaahi horta qurbaha waxa uu ka dhigan yahay adba si fiican ayad u
garanaysaa ,waayo qaahira ayaad joogtaa si fiican waad dareensantahay waxa
uu ka dhigan yahay qurbuhu ,hadii ku soo qaato tusaala ahaan qof walba oo reer
djibouti hadii uu kabaxo dalkiisa,waxa innoogu dhaw dalal shisheeye somalia
anaka oo ay dad keenu ku nool yihiin waliba waxa aad dareemi kartaa iyada oo
tahay sidaas qurbo,bal kawaran adiga oo tagay dhulal shisheeyena gaba sii daran
qurbuhuna kala fiican,waxa aan xasuustaa barigii aan dalkan masar(94)wax
yabihii iigu darnaa zaxmada baarburta iyo cunta garisga iyo lahjada dalkan aniga
oo waliba carabiga dhigtay,bal kawaran ka aan dhigana gaba sii daran ,iyo adiga
oo europe u sii dhoofayna gaba daran cid ku baxayso majirto waayo nin walba
tiisa ayaa mashquulisay oo inta aqal yar lagu siiyo galiga umbay naftu kaaga bixi
qof kaa war hayo majirto
(6)UED:maxaad talo iyo waano u soo jeedin lahayd ardayda reer djibouti ee
qaahira ku nool?
Aaden:walaahi marka u horayso waxa aan odhan lahaa in ay isku dubnaadaan ,
waxa aan umalaynayaa intii aan joogay dalka masar 6dii sanadood isku duubnida
ardayda reer djibouti si fiican ayay uuga muuqtay,waayo waxa jiray sanduuq
ay leeyihiin ardaydu sanduuqaas oo dhamaan ardaydu ay ka fa'idaysan jireen
iyaga oo ka amaahan jiray marka ay u baahdaan lacagta kutuba jamicada
waayo nin lacag ku amaahiyay waxa weeyin nin ku siiyay iyaga oo isga soo
celin jiray lacagtaas ay ka amaadeen sanduuqa taasina isku duubnida ayay ku
tusi kartaa.
imika aad si fiican uula socotiin dalkeena djibouti in u dhaqaaluhu u socdona
waxa aan ardayda odhan lahaa wax barshadiina dhamaysta waayo mustaqbalka
dalku inika weeyin ,madaxweyne ismaciil cumar gueleh na ilaahay ha'iska da'ayo
waayo dhaqaalihii dalka aad buu u soo gobciyay isaga oo hadi iyo jeerna u jeeda
dhinaca ardayda carabiga ,waxa aad ku garan kartaa sanadadan dambe ardayda
carabiga in ay horay ay ka shaqa tagaan
(7)UED:Aaden maanta adiga oo fursad u helay in aad lagulantid wargaysga
ardayda reer djibouti ee qaahira ayaad hawada ka salaami lahayd?
Aaden:horta halkan waxa aan ka salaamayaa dhamaan cidii magacayga
garanayso waayo aniga oo ku magac dheera aden qasaa markii aan joogay
dalkeeni djibouti siiba xaada (quartier7),marlabaadna waxa aan ka salaamaya
halkan dhamaan reer qaahira siiba reer bucuus waayo waxa weeyin meeshi aan
ka daganaa qahira mar sadexaad waxa aan salaamayaa ma wada xasuusan karo
akhyaarta (said yare,ali moussa okieh,moussa ashcari,houssein rayaleh,aden
darar guireh,idriss dr,ali idriss abdoulkader aidid,robleh nouh,ibrahim dhago
hassan question,yassin ali,iyo dhamaan inta taafaha adunka joogta asxaabtii
reer qaahira inta joogta amerique,europe,australie.afrique,asie
by wariyeh mohamed sougeh caire-egypte
kalkaaliye omar houssein
farsama yaqaan mohamed ibrahim
|