Saaka ayaa waxa uu dagaal qaraar ku dhex maray maleeshiyooyin beeleed xaafada Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana iska-hor-imaadkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu daba joogay iska-hor-imaad shalay ka dhacay oo ay ku geeriyoodeen 2 qofood 3 kalena ay ku dhaawacmeen iska hor-imaadkaan maanta soo cusboonaaday ayaa lala xiriirinayaa gacan ku haynta isgoyska Maanabooliyo iyo safaaraddii hore ee Talyaaniga .
Maxkamadda islaamiga ah ee Sii Sii ayaa shalay galab maqribnimadii xabad joojin kala dhex dhigtay maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya deegaanka Shibis waxaana la sheegayaa iska hor-imaadka maanta in ay ku geeriyoodeen 3 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen,
waxeyna maleeshiyooyinkaasi ka biyo diideen dadaaladii nabadda ay wadeen odayaasha iyo wax garadka beesha iyagoo hadda isku hor fadhiya isgoyska Maanabooliyo ee uu ka dhacay dagaalka.
Dhinaca kale xaafadda Siigaale ee degmada Hodon ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyooyin uu isku haysta ceel biyood ku yaala halkaasi, waxeyna sheegeen wararka naga soo gaaraya halkaasi in labada maleeshiyo ay kuwana doonayaan in ay cabaan dadku biyo macaan oo laga qoday ceel ku yaala Barmuuda halka kuwo kalena ay doonayaan in ceelkaasi aysan dadku isticmaalin oo uu shaqeeyo ceel horey looga cabi jiray biyo qaraar oo ku yiilay xaafadda Siigaale, taasina waxey keentay iska hor-imaad hubaysan oo 2 qof ku geeriyootay kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kaas oo u dhaxeeya maleeshiyooyinka beesha Waceysle iyo Agoon yare Abgaal ee daga deegaankaasi.