Saaxil Online:-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer,Wasiirka
Mudane Ducaale ayaa intii uu booqashada ku joogay magaalada Burco waxaa uu
gudo galay hawl lagu balaadhinayo baahinta Idaacada Radio Hargeysa taas oo
uu Wasiirku kala wareegay dhlainyaro reer Burco ah baahiye FM ah oo ay hore
gacantya dhalinyaradaasi ugu hayeen isla markaan ay ugu taburuceen Wasaarada
wafaafinta si ay uga qayb qaataan dedaalka ay Wasaradu ugu jirto inay
daboosho baahida Idaacada Hargeysa ay u qabaan gobolada Dalku.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale waxaa uu
sheegay in qalabkaa ay dhalinyaradaasi ku wareejisay ay qayb muhiim ah ka
qaadan doonaan baahinta idaacad ee gobolada Bari ee Somaliland waxaana uu
wasiirku sheegay inay mudo gaaban gudaheed ku hawl galin doonaan taas oo
macanaheedu yahay in Idaacada Hargeysa si wanaagsan looga dhagaysan doono
magaalada Burco iyo nawaaxigeedaba.
Idaacad Radio Hargeysa ayaa laga dhagaystaa magaalooyinka
Hargeysa,Jabuuti,iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka shanaad ee dalka
Itoobiya
laakiin fursad uma helaan inay dad badan oo ku nool magaalooyinka
kale ee Somaliland inay maqlaan taasina waxay dhibaato ku haysaa dadka
goobaha magaalooyinka ka fog jooga oo aan awoodi Karin isticmaalka
internetka,ama akhriska wargaysyada kala duwan,tanina waxay sahli doontaa
inay dadkaasi helaan xogta maalinlaha ah ee ay baahiso idaacadu iyo
madadaalooyinkeedaba.
Dhinaca kale,Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Aadan Maxamed
Mire (Waqaf) oo isna ku sugan magaalada Burco ayaa shalay dadweynaha
gobolkaa kala hadlay meel fagaare ah waxaanu sheegay in ay Somaliland
adeegsan doonto xabad si ay u sugto amaanka xuduudaheeda,isagoo ugu baaqay
dadweynaha reer Burco inay iska ilaaliyaan waxkastoo carqalad ku keeni karaa
himilooyinka lagu sugayo xuduudaha dalka.