Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in shirkii Ergada guud ee dib u heshiisiinta Soomaalida oo shalay shir ku yeeshaan xerada Mbagathi ay si buuxda ugu ansixiyeen axdiga cusub ee lagu dhaqi doono dowladda ka soo baxda shirka dib u heshiisiinta iyo weliba heshiiskii ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ku gaareen aqalka madaxtooyada Kenya 29-kii Janaayo.
Shirkaasi waxaa ka soo wada xaadiray dhamaan ergooyinka, marka laga reebo kuwa Samatabixinta iyo TNG-da, iyadoo dhinaca kalena ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mr. Kolonzo Musyoka, Danjiraha Kenya u qaabilsan Soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Afey iyo Guddoomiyaha guddiga kaabayaasha IGAD Danjire Bethuel A. Kiplagat oo isagu dhawaanahaanba howlihiisii shirka dib u heshiisiinta uu la wareegay Mr. Kolonzo Musyoka, kadib markii ay ka dacwoodeen Samatabixinta iyo TNG-da, waxaa kaloo iyana goobta xaadir ku ahaa wakiillo ka socday beesha caalamka.
Aayado qur'aan ah oo shirka lagu furay kadib ayaa waxaa ergooyinka loo aqriyay waxyaabaha laga doonayo in ay ansixiyaan oo ah qoraalka axdiga cusub iyo heshiiskii ay gaareen hoggaamiyayaasha Soomaalida 29-kii Janaayo, waxayna markii loo dhameeyay kadib ku ansixiyeen labadaas qodob sacad, inkastoo ay goobta ku sugnaayeen xubno ka tirsan SRRC-da oo ansixintaas dood ka qabay, sida Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku doodayay in inta aan la ansixin qodobada heshiiskii hoggaamiyayaasha ka hor dood laga yeesho,
waxaana arrintaas si weyn uga horyimid hoggaamiyayaal ka tirsan G8 oo iyagu sida ay rabaan wax u socdeen, waxaana hoggaamiyayaashaas ka mid ah Maxamed Qanyare iyo Mowliid Macaani, kadibna waxaa dooddii Korneelka hareysay mashaxarad iyo heesta Soomaaliyeey Toosoo oo ay ergooyinku qaadayeen, kadibna wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ku dhawaaqay in wejigii labaad ee shirka la soo xiray, dhawaana loo gudbayo wejigii seddexaad oo ah midkii ugu dambeeyay ee awood qeybsiga.
Laakin waxaa dood ka qaba wixii shalay ka dhacay Xerada Mbagathi hoggaamiyayaasha SRRC-da ee Jowhar ku sugan, kuwaasoo ku doodaya in aaney jirin wax la ansixiyay, meeshaasna lagu soo kala tegay, iyaga oo weliba sheegay in aaney ergadooda ka qeybgelin kulankii shalay, waxayna tilmaameen in ay waxba kama jiraan ahayd ansixintii ay sameeyeen ergooyinka, waxayna ku hanjabeen in ay ergadooda shirka kala bixi doonaan haddii aan wax laga qaban waxyaabaha ay tabanayaan.
Waxaa muuqda kala qeybsan weyn oo u dhaxeeya hoggaamiyayaasha SRRC-da waayo waxaa laga dheehan karaa hadalladooda oo aan jiho u wada jeedin, waxayna SRRC-da kale ee ku sugan Nairobi ay qabaan in shirka horay loo sii wado oo laga gudbo is-qab qabsi iyo u doodista dano gaar ahaaneed.
Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati gaduud ayaa sheegay in shirka uu socon doono, isla markaana aysan caqli gal ahayn in kooxo dano gaar ah u baxay ay ka hor yimadaan, “wakiillo iyo qoraallo ayaa laga hayaa mana lagamana yeelayo in ay diidaan” ayuu yiri Col. Shaati gaduud oo si weyn u taageeray ansixintii ergooyinka ee heshiiskii ay gaareen hoggaamiyayaasha Soomaalida.
Sidoo kalena Col. Xasan Cabdulle Qalaad oo ah guddoomiyaha Isbaheysiga siyaasadda ee gobolka Hiiraan, isla markaana ka mid ah SRRC-da ayaa caddeeyay in uu jiray muran iyo arrimo aan wanaagsan oo ka dhacay shirkii ergooyinka, laakin wuxuu taageeray ansixintii heshiiska iyo in loo gudbo wejiga seddexaad, isagoo sheegay in uusan damiirkiisu siineynin in uu danta Ummadda ka hor yimaado.
Salaad Iidow Xasan (Xiis)
Amar lagu soo rogay madaxda ka Sool iyo Sanaag bari inay socdaalin "oo lagu qaaday mid ka mid ah wasiirrada maamulka Puntland"
Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland Md. C/kariin Cali Mahdi (Suldaan) ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee lagu fuliyo amar uu soo rogay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in aaney Puntland ka bixi karin xubnaha maamulkiisa, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Sool, isla markaana u waramayay Idaacadda IQK ee magaalada Muqdisho ayaa qirtay in su'aalo lagu weydiiyay koontaroolka laga soo galo magaalada Garowe isagoo ka soo laabtay gobolka Sanaag, “nimanka koontaroolka jooga ee taraafikada ah ayaa i weydiiyay halka aan u socdo, waana u sheegay in aan Sanaag ka soo laabtay, waxayna iga qorteen magaceyga iyo Taargada gaarigii aan watay, kadibna wey i soo daayeen” ayuu yiri wasiirka oo u muuqday nin ka soo horjeeda amarka uu soo rogay Col.
C/llaahi Yuusuf, isagoo intaas ku daray in madaxweynaha ay u dirsadeen shirka Nairobi, golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenkana ay sii wadayaan howlaha dhinacyada badan leh ee ka jira gobollada Puntland, wuxuuna wasiirku carrabka ku dhuftay in aysan weli soo gaarin wareegto uu Col. C/llaahi Yuusuf uga xanibayo in ay Puntland ka baxaan xubnaha maamulkiisa ku jira.
Wasiirka mar uu ka hadlayay baxsashadii wasiirkii waxbarashada ee maamulka Puntland Xasan Maxamuud Dhiilood oo dhawaan isu dhiibay ciidamada Somaliland wuxuu sheegay in Xasan Dhiillood uu yahay shakhsi iskiis u aaday deegaan kale, wax wada tashi ahna uusan la yeelan golaha wasiirrada, gaar ahaan kuwa ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool ee uu isagu ka mid yahay.
Wareegtada uu soo saaray Col. C/llaahi Yuusuf ayaa ka dambeysay baxsashadii wasiirkii waxbarashada, iyadoo ka hortag looga dhigayo in uu baxsado mas'uul kale oo ka tirsan maamulka Puntland, xilli ay xiisad ka dhex taagan tahay maamullada Somaliland iyo Puntland.
Salaad Iidow Xasan