Walwaal
Saaxil Online: Dagaal labo beelood ku dhexmaray Gobalka Wardheer (Ogaden & Majeerteen). Waxaa kale oo ay dagaalo qabiileed kasocdaan duleedka Dhagaxbour (Ogaden & Abaskuul). Dagaaladani waxay salka ku hayaan, Sababihii Lagu eryay, Abdureshid Duleni, Madaxwaynihii Somali Zone, kadib markii uu colaadahan saldhigeeda lahaa.
by Saaxil Online 08.01.04

Hal qof ayaa dhintay Toddoba kalena way dhaawacmeen kadib markii uu dagaal hubaysani shalay ku dhex maray deegaanka Walwaal ee gobolka Wardheer Kilalka Shaand ee Soomaalidu degto Laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka bilowday ceel ay xooluhu ka cabaan oo ku yaal magaalada Walwaal,, haseyeeshee, warku wuxuu intaas ku darayaa in ay horay u jirtay aanooyin ay Labada beelood ee dagaalamay ay kala tirsanayeen, tanoo qudheeda loo aaneynayo in dagaalku uu ka dhasahy.
Mudadii uu dagaalku ka socday magaalada gudaheeda waxaa jira khasaarooyin dhinaca dhaqaalaha ah ee uu dhaliyey, kadib markii ay dukaamadii iyo meheradii ay ka carareen dadkii ku ganacsanayey la bililiqaystay hantidoodii.
Sida ay sheegtay idaacada Midnimo wararkii ugu danbeeyey ee deegaanka Wardheer ka imanayaana waxay sheegayaan in uu jiro hub urursi u dhexeeya Labada beelood ee dagaalku dhex maray.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa weriyaha Midnimo ee magaaladaas joogaa soo sheegay in isbitaalka magaalada la keenay Shan qof oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay dagaalkaas.
Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya xaalada colaadeed ee ka soo cusboonaatay dhulka Soomaalidu ay degto ee Kilalka Shaanaad ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay jiraan Odayaal iyo Waxgarad u ambabaxay deegaanka Walwaal kuwaasoo ka tegay magaalada Wardheer si ay u kala dhex galaan beelaha halkaas ku dagaalamaya.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya ay iyaguna u guureen meesha dagaalku ka dhacay si ay u baajiyaan wax dagaal ah oo danbe in aysan halkaas ka dhicin.

Back to www.Saaxil Online

 

 

 
Hosted by www.Geocities.ws

1