Ayaa markii uu xilka la wareegay 13-kii January 2004 abaaray hagaajinta bilicda magaalada iyo dib u dhiska meelaha danta ee dayacan, wuxuuna dhaqdhaqaaqa maayarka cusubi noqday mid la dareemay.
Weiyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan Casaan ayaa war-bixin uu kaga faalloonayo dhaqdhaqaaqa maayarka cusub ee Berber Cabdi Musbaar noo soo diray, wuxuuna ku bilaabay qoraalkiisa:
“Cabdi Musbaar waa maayarkii labaad ee kursiga ku fadhiistay intii uu talada hayey golaha degaanka ee la soo doortay dabayaaqadii sannadkii 2002, wuxuuna Cabdi Musbaar xilka kala wareegay Cabdalle Maxamed Cali oo ah maayarkii u horeeyey ee xilka qabta markii uu golaha degaanku talada Berbera la wareegay, waxayna xil ka qaadista Cabdalle ka dambaysay ka dib markii ay mudanayaasha golaha degaanku cod kalsooni ah u qaadeen, sidaana xilkii kaga qaadeen, iyadoo uu Cabdalle muddo sannad ku dhowaad ah xilka maayarnimo ee Berbera hayey, intaa ka dibna waxay golaha degaanku maayar u doorteen Cabdi Musbaar.
Badhtamihii Febarweri 2004 ayuu Cabdi Musbaar xilka la wareegay, wuxuuna markii uu xilka la wareegay hawl-galkiisa ka bilaabay wax ka qabashada bilicda iyo nadaafadda magaalada, isaga oo hawl-galkiisa ka bilaabay nadiifinta badhtamaha magaalada iyo hagaajinta jidadka magaalada dhex-mara, iyadoo ay jidadka magaaladu aad u dayacnaayeen, kuwaas oo ay qaardkood Ciidi is-tuurtay ilaa ay gebi ahaanba qarsoontay dhabbadii baabuurtu mari jirtay ee laamiga ahayd, waxayna taasi keliftay inay baabuurta yar yari inta badan qarda-jeexaan oo ay hareerta ka maraan halkii ay wadadu ahayd, ka dib markii ay cagta saari kari waayeen. Sidaa darteed dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee uu waqtigan xaadirka ah maamulka dawladda hoose ku hawlan yahay waxa ka mid ah dayactirka wadooyinka magaalada.
Sidoo kale waxa uu maamulka dawladda hoose wadaa dayactirka dhismaha saldhigga dhexe ee bileyska Berbera oo uu dayac weyni ka muuqdo, waxaana hadda gacanta lagu hayaa dayr weyn oo loo samaynayo barxadda hore ee saldhigga.
Maayarku waxa kale oo uu dadka reer Berbera ka dal-badday inuu qof waliba hoyga ama guriga uu ku jiro iska mariyo nuurad iyo rinjiga istambarka la yidhaahdo, isaga oo taa uga jeeda inay qayb ka qaadato bilicda magaalada.
Dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee uu maayarkani ku talaabsaday waxay noqotay mawduuc ay dadka reer Berbera soo dhoweeyeen, kuna eegeen dareen raxmad leh, waxaadna moodaa inay hadda muuqatay waxoogaa rajo wax qabad ah oo hadii ay sidaa ku sii socoto soo noolayn karta yididiilada dadweynaha reer Berbera oo ka quus gaabtay wax qabad ay ka sugaan mudanayaashii golaha degaanka ee ay doorteen, kuwaas oo ay ayaamihii doorashada ay dadweynuhu ku naaloonayeen inay noqon doonaan kuwo badan u qabta maadaama ay codkooda ku yimaadeen.
Dedaalka cusub ee uu maamulka Cabdi Musbaar hadda waddo dadku way soo jaleeceen, waxaana ishooda ku dhacaysa bidhaamo wax qabad, taas oo ay leeyihiin malaa malaa kani waa lagu raysay.
Sida la og yahay maayarka cusub ee Berbera waxa uu leeyahay naanays caan ah, taas oo ah Cabdi Musbaar, laakiin dedaalka iyo dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee uu wado tan iyo maalintii uu xilka la wareegay darteed ayey dad badani ugu yeedhayaan naanays cusub oo ah “Cabd Muftaax”.
Mudadii sannadka ku dhowayd ee uu xilka hayey maayarkii hore Cabdalle Maxamed Cali suurta gal may noqon inuu maamulka golaha degaanku ku talaabsado wax qabad muuqda oo ay indhaha dadku halacsadaan, waxaana maamulkii Cabdalle had iyo goor ku ged-fanaan jiray khilaafaad iyo buuq mar qudha dami-waayey, ka dib markii ay mudanayaasha golaha degaanku u kala jabeen laba kooxood oo si weyn isaga soo horjeeda oo uu mid ka mid ah maayarku (Cabdalle) horkacayo iyo kooxda labaad oo diidanayd siyaasadaha maamul ee maayarka si is-daba joog ahna ugu oogi jiray maamul-xumo iyo wax qabad la’aan. Hase yeeshee taasi waxay soo afjarantay markii ay mudanayaasha golaha degaanku xilka ka qaadeen Cabdalle, maayar cusubna u doorteen Cabdi Musbaar.
Inkasta oo uu maamulka Cabdi Musbaar aad ugu mashquulsan yahay dedaal wax qabad, hadana waxa horyaal ama ku xeerran duruufo iyo caqabado aan sahlanayn oo ay su’aali ka taagan tahay sida uu uga dabaallan doono.
Waxaana duruufahaa ka mid ah dayn aad u badan oo uu xafiiska kaga tegay maayarkii hore Cabdalle Maxamed Cali, dayntaas oo xaddigeeda lagu sheegay inka badan 2 bilyan iyo 200 oo milyan oo Shillin Somaliland ah. Laakiin sida ay tibaaxayaan dadka arimaha maamulka dawladda hoose u dhuundaloolaa dayntani ma soo wada hoyan intii uu xilka hayey Cabdalle Maxamed Cali ee ugu yaraan inka badan ilaa shan boqol oo milyan oo shillin Somaliland ah ayaa ah dayman hore oo biirbiiray, taas oo uu maayar-ba maayar ku sii reebay. Laakiin daynta uu Cabdalle xafiiska kaga tegay waxa lagu tilmaamay inay ahayd dayntii ugu badnayd ee xafiiskan lagaga tago laga soo bilaabo 1991-kii, waxaana la sheegay inay dayntaa inteeda badan leeyihiin sariflayaal iyo meherado kale oo ay macaamil lahaayeen maamulka dawladda hoose.
Dad badan ayey doodoodu tahay waxaad moodaa in laga adkaaday in masuul xilka laga qaado, laakiin waxa aan mar qudha in laga adkaado daayoo aan xataa la isku deyin in laga xisaabtamo halka ay ku baxday hantida faraha badan ee danta ah ee uu maayar-ba maayar ku sii reebo. Sidaa awgeed waxay dadweynuhu danaynayaan in arintaa sharax laga bixiyo.
Dhinaca kalena daynta labada bilyan iyo dheeraadka ka badan ee uu maayarkii u dambeeyey xilka ka degay xafiiska kaga tegay ayey doodi ka taagan tahay inuu maayarka cusubi aqbalo iyo inkale, waayo maayarka cusub bilowgii uu xilka la wareegay waxa ka soo yeedhay inaanu daynta xaddigaa leh qaadi karin. Sidaa awgeed waxay dadku ka dhursugayaan bal sida ay mudanayaasha golaha degaanku uga go’aan qaataan dayntaa faraha badan, iyadoo waxa la doonayaa ay tahay in sharax laga bixiyo inay dayntaasi wax daw ah ku baxday iyo inay wax aan daw ahayn ku baxday”.