Wasiirka Waxbarashada Mamul gobaleedka C/llahi Yusus oo Somaliland u soo talaabay


Feb 18 2004 Saaxil Online:-
Waxa uu wasiirka Daakhiliga Somaliland, Ismaciil Aadan uu war saxafadeed ku sheegay maanta in Wasiirka Waxbarashada Mamul gobaleedka C/llahi Yusus, Xassan Moxamed Dhilood, oo Guud ahaana u qabilsanaa Godomiyaha Gudiga Dagaalka ee Gobalada Sool iyo Sanaag uu usoo talaabay dhinaca Xuduuda Somaliland isaga oo ku gacan seydhay xilkii uu uhayay Mamul Gobaleedka C/llahi Yusuf.

Somaliland Net oo waxa ka waydiisay arintan, Xildhibaan Cabdiqadir Hassan(Indho) oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliland kana soo jeeda beesha uu u dhashay Xassan Moxamed Dhilood.
waxa uu noo sheegay Xildhibaan C/qaadir Indho in waxa uu u yimid Xassan Moxamed Dhilood tahay in aan lala colaysiin Hooyadii iyo Aabihii oo aan colaad la dhax dhigin beelaha degan Somaliland khaasatan Gobalka Sool oo uu ku diiday Mamulka C/llahi Yusuf in uu iska hortaago horumarka Dulbahande iyo warsan Geli ee ay dhawaan samaysay abaartu. Aqoontiiuna ka weyen tahay ujeedada C/llahi yusuf ee ku silaysan Qabiilka, waxa kale ee uu uyimid in uu kala badaadiyo dagaalka uu Gacan ku dhiigle C/llahi Yuusuf doonayo in uu ka abuuro deegaanka Sool, Sanaag iyo Buuhodle.
Intaa waxa uu ku daray xildhibaanku, in Xassan Moxamed Dhilood uu xilkiisi isaga yimid isaga oo doonaya in uu ka shaqeeyo horumarka yo nabada Somaliland, talaabadan uu qaadayna ay tahay mid ah nabada Somaliland guud ahaan Shacabka Somaliland qiimo u leh.
Warar xoogal ah ayaa sheegaya in Xassan Moxamed Dhilood si weyen loogu soo dhaweeyay Somaliland gudaheeda, hadana uu ku suganyahay Magaalada Burco. Posted by M Ghalib,

Dr. Cali khaliif Galeyr oo issimada Sool u sheegay sida ay isaga la tahay in lagu xaliyo arrinta gobolka Sool


Dr. Cali khaliif Galeyr oo issimada Sool u sheegay sida ay isaga la tahay in lagu xaliyo arrinta gobolka Sool

Sool Sida uu saaka qoray wargeyska Xog-ogaal ee Muqdisho ka soo baxa, Dr. Cali khaliif Galeyr oo ah ra’iisul wasaarihii dowladda KMG ee Carta lagu soo dhisay, kana mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ayaa la sheegay in markii labaad qoraal uu u diray issimada gobolka Sool in uu kala hadlay xaalada cakiran ee gobolka Sool & sida ay isaga la tahay in loo wajaho xiisada ka taagan halkaasi.
Cali khaliif waxa uu u sheegay issimada Sool in uusan rajo wanaagsan ka qabin in shirka Kenya ay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, isla markaana ay iska iloobaan habara wacashada C/llaahi Yuusuf ku habar wacanayo Hartiga, uusana C/llaahi Yuusuf dan Harti wadin balse uu ku daneysanayo.
Waxa uu Cali khaliif xusay in xittaa haddii ay Soomaali midoobeyso iyaga oo Somaliland ah ay dib ula midoobaan Soomaaliya.
Cabdishakuur Cilmi Xasan ,

 

Hosted by www.Geocities.ws

1