Saaxil Online:-Degmooyinka gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Laascaanood, Taleex, Xuddun, Boocane, Yagoori iyo degmada Caynabo dhammaanba waxay leeyihiin dugsiyo waxbarasho oo shaqeeya, inkasta oo ay dugsiyadaasi ay baahiyo badan qabaan oo qaarkood ay dayacan yihiin dhismo ahaan,
balse intooda badan ay maalgeliyeen jaalliyadaha dibadda ee u dhashay gobolku, iyadoo ay ku yar tahay gacan u geysashada hay�addaha samafalka ee dhinaca waxbarashada.
Haddaba dugsiyadaas gobolka Sool oo ay wax ka dhigaan macallimiin aad u tara badani ayaan iyagu helin siminaarada ay galaan macallimiinta kale ee gobolada kale ee somaliland wax ka dhiga, waxa kale oo jirta inay macallimiinta gobolka Sool ay aad uga cabanayaan dhinaca mushaharka oo ay leeyihiin nama soo gaadho, waxaana ay cabashadaasi sii korodhay markii dhawaan ay Yagoori soo gaadheen wasiiro ka socda xukuumadda somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada somaliland Xasan X. Maxamuud �Xasan gadhwayne�, isagoo sheegay in aanay hagran gobolka Sool, isagoo yidhi �Bil kasta mushaharka waxbarashada gobolka loo soo diraa waa 34000,000 (Afar iyo soddon milyan oo shillinka somaliland ah).
Haddaba arrintaas ayaa macallimiinta gobolka Sool ay u arkaan inay tahay cad iddina idinka yimi, anana aan na soo gaadhin.