Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo u socoto booqashadii uu ku mareyey gobolka Saaxil
saaxil Online

Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo u socoto booqashadii uu ku mareyey gobolka Saaxil

Hargeysa - Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf yaasiin ayaa booqosho rasmi ah oo uu ku joogo magalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil waxaa uu ku soo maray goobaha ay ka yimaadaan Biyaha magaalada Berbera ee Dubaar iyo faradeero.


Madaxweyne Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale kulano kala duwan la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maamulka magaalada Berbera iyo madaxda laamaha Dawlada ee Magaalada Berbera gaar ahaan Maareeyaha Dekada Berbera Inj.Cali Cumar (Xoorxoor),waxaanu Madaxweyne Xigeenku shirar kala duwan la yeeshay maamulka Gobolka Saaxil iyo duqay kale oo waxgarad ah.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa lagu sheegay socdaalkiisan booqashada ah mid la xidhiidha u kuurgalida xaalada Gobolka saaxil,laakiinse warar kale ayaa sheegaya in ay jiraan khilaaf weyn oo u dhaxeeya masuuliyiinta Gobolka gaar ahaan Gudoomiyaha Gobolka saaxil Mudane Maxamed C/laahi iyo Gudoomiye Xigeenka Mudane C/Raxnaam Yuusuf Badheedhe,.taas oo la sheegay in khilaafkoodu u ragaadin ku sameeyay shaqada ay wada hayeen.

Dhinaca kalana,Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo wefdi ka soo kicitimay Dalka Sucuudi Arabiya ayaa maanta mar kale soo kormeeray dekada Magaalada Berbera iyo meesha lagu magacaabo raasiga waxaanay halkaas kula kulmeen masuuliyiinta ka hawl gala oo ay wax ka waydiiyeen shaqada.

Wefdigan Reer Sacuudi ee Madaxweyne Xigeenka weheliyay ayaa sheegay inay ka socdaan shirkad dalkaas laga leeyahay waxaana ku weheliya safarkoodan Sacad Sheekh Muuse iyo Saalax Qaasin oo ahaa fanaan can ah,kuwaas oo qayb ka qaatay imaatinka wefdigan carbed ee Somaliland doonaya inay ka furtaan maalgalin

Madaxweyne Xigeenka Mudane Yaasiin ayaa la sheegay inuu soo xalin doono waxyaabaha y kala tabanayaan maamulka Gobolka iyo guud ahaan waxyaaba u baahan in gacan sare ay wax ka qabataba. taasoo ay ugu sii daran tahay xaalada Biyaha magaalada Xeebta ah oo aan maalin ka maarmi karin biyaha ay hada hesho.



Back to www.Saaxil Online

 

 

 
Hosted by www.Geocities.ws

1