Madaxweyne J.Somaliland Mud:Daahir Rayaale Kaahin oo dhagax dhigay dhismaha

Madaxweyne J.Somaliland Mud:Daahir Rayaale Kaahin oo dhagax dhigay dhismaha Bakhaarada Kaydka Warshada Daqiiqda. April-25-04

Saaxil Online:-(Barbara)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta dhagax dhigay dhisme lagu kaydinayo Raashinka qaydhin ee laga sameeyo daqiiqda kaas oo ay Maraakiibtu si toos ah ugu shubi doonto bakharadaas iyadoo raashinkaasi uu yahay mid furfuran oo aan ku jirin wax jawaano ah ,Bakhaaradan oo dhismahooda dhagax dhigay Madaxweyne Rayaale ayaa la shaqayn doona Warshada Daqiiqda oo laga dhisayo dhinaca Bari ee magaalada Berbera,iyadoo Warshadaasna ay ku kacayso lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolarka Maraykanka ah,waxaana si wada jir ah u Maalgaliyay Maalqabeeno carbeed iyo Shirkada Ganacsiga ee Al Xarbi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay markii dhagax dhigayay dhismahaas ayaa ugu duceeyay Maalgaliyaasha Warshada Daqiiqda Berbera in Ilaahay u barakeeyo isla markaana waxaa uu ku balan qaaday inay Xukuumadiisu dhiiri galin doonto waxsoosaarka Warshada Daqiiqda Berbera,waxaanu madaxweynuhu warbixin ka dhagaystay Maamulaha Warshada Daqiiqda ee cusub ee magaalada Berbera Axmed Faarax Xarbi oo isaguna halkaa ka sheegay in Warshadan ay soo saari doonto 75 Kiintaal oo daqiiqa ah halkii shifti (24 saacadood)ee ay shaqaysaba,
Mr.Xarbi waxaa uu intaa ku daray inay ka hawl gali doonaan warshadan shaqaale ka badan 200 oo ruux taas uu sheegay inay shirakadoodu ku dedaalayso shaqo abuurida iyo inay fursado shaqo ka helaan dadka reer Somaliland isla markaan ay ka faa,iidaystaan Wax soo saarka Warshada oo markii hore laga keeni jiray dhul aad u fog,waxaanu xusay in laga maarmi doono daqiiq laga keeno dalka dibadiisa.
Madaxweyne Rayaale markii uu dhagax dhigayay dhismahan waxaa ku wheliyay Wasiirka Wasaarada waxbarshada Mudane Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne),Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Mudane Xasan Cabdi Khayre,Badhasaabka Gobolka Saaxil Mudane Maxamed C/Laahi Maxamed,iyo Maayorka Berbera Mudane Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi Musbaar),waxaanay dhamaantood sheegeen baahida loo qabay dhismahan uu madaxweynuhu dhagax dhigay.
Dhinaca kale,Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo dhawayn weyn kala kulmay magaalada Berbera inkastoo dadka ku dhaqan magaalada Berbera qaar ka mid ahi ay madaxweynaha ku soo dhaweeyeen hadalo aanu jeclaysan oo nuxurkoodu ahaa madaxweynuhu kama uusan dhabayn waxyaabihii uu noogu balan qaaday ololihii doorashada madaxtooyada markii lagu jiray taas oo u ekayd mudaharaad la soo abaabulay,laakiin Madaxweyne Rayaale waxaa si aad ah u soo dhaweeyay masuuliyiinta Gobolka,
iyadoo uu booqasho kala duwana ku soo maray Ciidanka Difaaca Xeebaha,Dekada Berbera iyo qaybaheeda kala duwan oo uu warbixino ku siiyay Maareeyaha dekada Inj.Cali Cumar (Cali Xoorxoor),
waxaa kale oo uu madaxweynhu kulano la yeeshay Maamulayaasha Shirkada TOTAL oo uu xafiiskoodu ku booqday isagoo waydiiyay sababta keenay inay qaali ka dhigaan qiimaha shiidaalka gaar ahaana Batroolka taas oo ay dad badani u arkayeen inay tahay ubucda safarka madaxweynaha ee kadiska ah.
Hosted by www.Geocities.ws

1