Laashkii kaluumaysi ee u horeeyey ee Somaliland lagu sameeyo

“Inagoo aan shisheeye iyo dawlad waxba ka sugin ayay dadweynuhu wax qabsan karaan” Wasiirka Ganacsiga

Hargeysa April 23, 2004 – (Haatuf)-
Laashkii kaluumaysi ee u horeeyey ee Somaliland lagu sameeyo ayaa shalay lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladdaa ka soo qayb masuuliyiin ka tirsan dawladda, ururka wershadaha Somaliland iyo marti-sharaf kale. Iyadoo ay Laashkaa samaysay wershadda Gammuur oo ku taal magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha ururka wershadaha Mr. Mahdi oo munaasibaddaa ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta ay wershaduhu kaga jiraan iyo duruufaha haysta.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha wershadda Gammuur ee samaysay Laashka, Daahir Maxamed Gammuur oo ka waramay, wuxuuna sheegay in Laashka ay soo saareen uu yahay 19 Fuudh iyo 5.80 Mitir, culayskiisuna uu yahay 600 Kg iyo afar qof oo raacaya, isla markaana waxa uu intaa raaciyey in hadii uu wax soo saarkoodu kordho ay u guurayaan dhinaca xeebta Berbera si ay ugu dhowaadaan Badda.
Gudoomiyaha wershadda Gammuur waxa uu dawladda ka codsaday inay u hawl yarayso wax soo saarkooda marka loo iibgeynayo dalalka jaarka ah oo aan qofka wax iibsanaya lagu xidhin shuruudo badan. Iyadoo uu gudoomiyaha Gammuur sheegay inay maalin kasta soo saari karaan hal Laash, taas oo sannadkii ka dhigaysa inay soo sannadkii soo saari karaan 360 Laash, taasina ay muujinaysa inuu wax soo saarkoodu ka badan yahay baahida dalka oo ay debedaha u iibgeyn karaan. Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “inkasta oo aynu xeeb dheer leenahay, hadana khayraadka badda waxa aynu ka dheefnaa aad buu u yar yahay, waayo iyadoo aanay dadkeenu wax aqoon ah u lahayn khayraadka badda iyo iyadoo ay dadkeenu yihiin xoola dhaqato, taasina ay meesha ka saarto baahidii badda”.
Wasiirka ganacsigu waxa uu sheegay inaanu khayraadka iyo wax soo saarka dalku ku dhisnayn cilmi, isaga oo sheegay inay mar walba meesha ka maqan tahay wax wada lahaanshihii, taas oo uu qof waliba gaadho heer aanu marka dambe dhaafi karin dhaqaale ahaan.
“Laashka maanta halkan inoo yaal waxa loo baahan yahay suuqii loo iibgeyn lahaa iyo suuqii la geyn lahaa waxa uu soo saaro iyo in la kordhiyo qaboojiyayaasha, isla markaana tababar la siiyo dadka, waxaas oo dhamina waxay ku iman karaan iskaashi, inaga oo aan shisheeye iyo dawlad waxba ka sugin ayaa dadweynuhu wax qabsan karaa, anaguna waxaanu wadnaa in qaboojiyayaashii waaweynaa lagu sameeyo dalka gudihiisa”ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.
Hosted by www.Geocities.ws

1