Wadanka
Saaxil Online: Axmed cabdi Xaabsade oo dib ugu soo noqday puntland kadib markii safar qarsoodi ah uu ku tegey Wadanka Itoobiya
by saaxil Online 08.01.04

Wasiirka gudaha ee maamul goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa galabta dib ugu soo noqday Puntland kadib markii uu safar qarsoodi ah ku tegey wadanka Itoobiya, safarkan oo la ogaaday maanta ayaa wuxuu tibaxayaa in xalay magaalada Wardheer ee ismaamullka Somalida Itoobiya uu kulan ku dhexmaray sarakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya iyo wafti uu hogaaminayey Axmed Cabdi Xaabsade.

Axmed Cabdi xaabsade oo caawo dib ugu soo laabtay magaalada laascaanood ayaan weli wax tafaasiil ah ka bixin ujeedada safarkiisa, waxayse sheegeen ilo lagu kalsoon yahay in ujeeda socdaalkaasi ay ku saabsanayd xiisada hadda taagan degaanka Sool iyo Sanaag.

Back to www.Saaxil Online

 

 

 
Hosted by www.Geocities.ws

1