Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha

Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Caawa Dib Ugu Soo Laabtay Caynabo

Markii Ay Soo Booqdeen Ciidanka Yagoori
SaaxilOnline — Hargeisa, Somaliland — 8 June, 2004
Weftiga xukuumadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa caawa dib ugu soo laabtay degmada Caynabo, kadib markii ay maanta booqasho ugu tageen ciidanka Qaranka ee fadhiya jiidda Yagoori ee gobolka Sool.

Weftigaas oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiirka Difaaca Ismaaciil Cumar Aadan (Boos), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cabdi Khayre, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Fu'aad Aadan Cadde, Wasiirka Caddaaladda Axmed Xasan Cali, Wasiirudowlaha Dib-u-dejinta Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qaranka waxay saaka ka jarmaadeen magaalada Burco, iyaga oo ku sii hakaday degmada Caynabo iyo tuulada Oog oo uu deggan yahay taliska ciidanka Qaranka ee gobolka Sool, kadibna waxay u sii dhaafeen degmada Yagoori iyo tuulada Balli Samakaab oo ilaa 10km dhinaca Laascaanod ka xigta degmada Yagoori halkaas oo ay deggan yihiin ciidanka Qaranka, isla markaana ah meesha lagu diley ganacsadihii reer Caynabo.
Sida ay wararku sheegayaan weftigu waxay tuulada Oog kula kulmeen saraakiisha ciidanka, halkaas oo ay ku guddoonsiiyeen lacag loogu talagalay in ciidanka loo siiyo xoolo loo qalo. Sidoo kalena, waxay tuulada Balli Samakaab kula kulmeen taliyayaasha colalka oo ay hadal u jeediyeen.
Idaacadda dowladda ayaa iyagu ku warrantay in weftigu ay u sheegeen dadka deegaanka Yagoori in ay u socdaan hawlgal maamul oo ay ku dhisayaan dugsiyo, goobo caafimaad, ceelal iyo xafiisyadii maamulka dowladda. Waxa kale oo ay u sheegeen in laga dhisayo deegaankaa Biyo-xidheen.
Weftigu waxay caawa fiidkii ku soo laabteen degmada Caynabo, halkaas oo ay wada hadallo kula yeesheen odayaasha deegaankaas.
Hosted by www.Geocities.ws

1