Ciidamada Haddii aan la daryeelin

Ciidamada Haddii aan la daryeelin nabadgelyada sugi kari maayaan

Hargeysa (Iftiin)- Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dawladda u soo jeediyey in kor loo qaado adeegyada bulshada, gaar ahaan daryeeelka ciidamada kala duwan ee dalka, iyaga oo tilmaamay in askartu noqdeen bartilmaameedka silica iyo darxumada.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland, Md. Cumar Nuur Waaye, oo fadhigii Golaha Guurtida ee shalay ka jeediyey warbixin uu kaga warramayo sida ay tahay xaaladda arrimaha bulshada Somaliland, waxa uu sheegay in ciidamadu yihiin lafdhabarta nabadgelyada iyo caddaaladda. Sidaa daraadeed, ayuu yidhi; �ciidamada haddii aan la daryeelin ma noqonayaan ciidamo, nabadgelyadana ma sugi karaan ee dadka ayey khatar ku noqonayaan.�
Md. Waaye, waxa uu xukuumadda iyo labada Gole ee Baarlamaanka u soo jeediyey in ay ka hawlgalaan sidii askarta dalku daryeel fiican u heli lahayd.
Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtidu, waxa kale oo ay warbixintooda ku xuseen duruufo iyo dhaliilo u baahan in wax laga qabto oo ka jira dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada oo seeska u ah nolosha bulshada.
Ugu dambayna Guddigaasi, waxa ay warbixintooda ku soo ururiyeen talo-bixino ku wajahan dhinacyo badan, kuwaas oo ah sidan:
Maxkamaddaha dalka, in Wasaaradda Waxbarashadu la socoto manhajyada waxbarasho ee dalka, in la helo siyaasad dhiirigelisa waxbarashada si loo furo dugsiyo farsamada gacanta lagu barto, in la helo siyaasad cad oo ku wajahan tacliinta, xuquuqda bulshada, in la daryeelo bulshada iyada oo loo kala eegayo hadba marxaladda la marayo, in la dhaqan geliyo xeerkii maamulka dhulka iyo magaalooyinka, taas oo mudan ayey yidhaahdeen in loo sameeyo guddi gaar ah dacwaddaha garnaqsiga dhulka, in laga hawlgalo sidii Cisbitaalada dalka looga beddeli lahaa xaaladda ay maanta ku sugan yihiin, dadka xannuunka dhimirka qaba ee bulshada khatarta ku ah waa in goob lagu xannaaneeyo loo sameeyo, in la sameeyo qorshe lagaga hortagayo cudurada sida dhibta yar u faafa, sida HIV/AIDS, in wax laga qabto baahiyaha bulshada, gaar ahaan biyaha, nabadgelyada iyo xorriyadda, in dalka laga saaro dadka soo-gelaytiga ah, taas oo wiiqaysa dhaqaalaha, caafimaadka, amniga iyo dhaqankaba, iyo in wax laga qabto Guddiyada Degmooyinka ee ku hawlan dhinaca dhulka oo aan la qiyaasi Karin dulmiga iyo tacadiga ay ku hayaan bulshada.
Hosted by www.Geocities.ws

1