Madaxii dhaqaatiirta isbitaalka SomRush oo xalay Muqdisho ku Muslimay & wareysi aanu la yeelanay dhaqtarkaasi Muqdisho


Dr. Max'ed Cali

Madaxii dhaqaatiirta Ruushka ee ka howlgala isbitaalka SomRus ee ku yaala xaafada Tre Piano ee magaalada Muqdisho Dr. Pavel Trimov ayaa xalay ku qaatay diinta Islaamka masjidka Al-Hidaaya ee xaafada Warcadde ee degmada Huriwaa, kadib markii sida uu sheegay uu wax badan dhiraandhirinayay diinta Islaamka kadibna uu yaqiinsaday in ay tahay diin sax ah.
"Markii aan Soomaaliya imid, waxaa igu dhashay dareen aan ku doonayay in aan wax kaga fahmo diinta Islaamka, waxaana taa ku howlanaa muddo, markii dambana waxaan qaatay go'aan aan ku soo galayo diinta" ayuu yiri Pavel Trimov oo sheegay in uu ku dhashay duleedka magaalada Ivan Nava 1959-kii.
"Muslinimada aan qaatay waan ku nagaanayaa ilaa dhimashadeyda, wax cabsi ahna igama hayso in aan dhibaato kala kulmo saaxiibadey, xaaskeyga & qaraabadeyda, waxaana ii qorsheysan markii aan wax badan ka fahmo diinta Islaamka in aan saxiibadey u sharaxo, waxaana ku kalsoonahay in ay taladeyda u garaabi doonaan" ayuu yiri Pavel Trimov oo sheegay in magaaladii uu ku dhashay ay leedahay kaniisado & masaajido, ayna bini'aadamku xor u yihiin in diintii ay doonaan ay qaataan.
Dr. Max'ed Cali oo horay loo oran jiray Pavel Trimov ayey ku tilmaameen dadka sida aadka ah u yaqaan shaqsiyadiisa in uu yahay shaqsi aad u furfuran oo bulshey ah, wax badana ka bartay dhaqanka Soomaalida, isaga oo bukaanada booqda isbitaalkana ay aad ugu riyaaqeen wadashaqeyntiisa.
Isbitalka SomRus oo saaka viisito & daweyn lacag la'aan ah u fidiyay qaxootiga Zanzibar ee Muqdisho ku sugan & dadweyne kale
Isbitalka SomRus ee magaalada Muqdisho ayaa maanta visito & daweyn lacag la'aan ah u fidiyay 40 qofood oo isugu jira caruur, dhalinyaro & haween ka tirsan qaxooti u dhashay Jasiirada Zanzibar oo muddo deganaa Ex. wakaaladii biyaha Xamar & dadweyne kale oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.
Maalin kasta oo Jimce ah ayuu qabtaa isbitalka SomRus adeegyo caafimaad oo lacag la'aan ah, iyada oo horay Jimcooyinkii la soo dhaafay ay dhaqaatiirta Ruushka ah ee ka howlgasha isbitalkaasi ay taakuleyn dhinaca caafimaadka ah u fidiyeen dad bukaano ah oo qaarkood ku xirnaa xabsiga dhexe, maxkamada Ifka Xalan & xarunta gabadha Agoonta Afgooye.
Agaasimaha isbitalka SomRus Sakariye Daahir Gabeyre ayaa sheegay in saaka ay taakuleyeen 80 qofood oo 40 ka mid ah ay ahaayeen qaxootiga Zanzibar, halka 40-ka kalena ay ahaayeen dad saaka soo gaaray isbitaalkooda, wuxuuna intaa ku daray Sakariye in ay sii wadayaan taakuleynta lacag la'aanta ah ee ay ugu deeqayaan dadka Soomaaliyeed ee taagta darran.
Dhinaca kale, Ghulam Sheiban oo ka mid ah qaxootiga reer Zanzibar ee degan Ex. Wakaaladii xooga korontada oo aan saaka kula kulmay isbitalka SomRus ayaa ii sheegay in ay dhibaato ba'an ku qabaan maleeshiyooyin hubeysan kuwaasoo mar walba ugu hanjaba in ay ka siiyaan kiro qolalka ay degan yihiin ee wakaalada, wuxuuna u soo jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan in ay ku taageeraan siddii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda Zanzibar.
Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

Hosted by www.Geocities.ws

1