| Dalmaronlinenews |
![]() |
| Ciidamada Israa'iil ayaa weeraray oo qabsaday laba magaalo oo kale oo Falastiiniyiinta ka taliyaan Daanta Galbeed waxaana ay halkaasi ku dileen saddex Falstiiniyiin. Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Falastiiniyiinta ayaa sheegay in laba nin oo booliska Falastiiniyiinta la dilay ka dib markii Ciidamada iyo baabuurta gaashaaman ee Israa'iil ay yimaadeen meel u dhaw Maagaalada Waqooyi ee Tulkarm Ilaha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in xubin ka tirsan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Xamaas lagu dillay gurigiisa hortiisa ka dib markii ay ciidamada Israa'iil 150 mitir ku siqeen Magaalada Qalqiliya. Ciidanka Israa'iil ayaan wax tafaasiil ah ka bixinin wararkan. Weeraradan ayaa soo baxay saacada ka dib markii ay Ciidamada Israa'iil ay galeen Magaalada Bethlehem iyo Baitjala ka dib markii ay dabley falastiini ah dab ku furtay xaafadda Gilo oo ay dad Yahuud ahi deganyihiin. Rabshada sii huraya Lix falastiiniyiin ah ayaa lagu dilaay iskahorimaad dhexmaray iyaga iyo ciidamada Israa'iil Daanta Galbeed iyo Jiidda Gaza Jimcihii, rabshada sii huraya ee ka dhashay dilkii la dilay Wasiirkii Dalxiiska ee Israa'iil Rehavam Zeevi Arbacadii. |
| Ciidamada Israa'iil ayaa ku sii fogaaday Magaalada Bethlehem |
![]() |
| Xoogagga Taalibaanka ayaa u muuqda in ay ku dhawaanayaan a fogaanayaan goobaha rayidku ay dagan yihiin ee xarunta wadankasi Kabul si ay Maraykanku ugu adkaato inuu iyaga garaaco. Waxaa warkan laga soo xigtay sargaal Qarammada Midoobay u hadashay . Dhinaca kale mucaaradka dhinaca waqooyi ayaa Maraykanka ka codsaday inuu xoog saaro garaacista safafka hore ee Talebaan inta uu garaaci lahaa meelaha ku dhow dhow Caasimada Kabul. Diyaaradaha Maraykanka ayaa si aad ah u garaacay maalinkii Arbacadii ahayd Magaalada Kabul, sida ay ku soo waramayaan dad goob joogayaal ah oo sheegay in qaraxyo ay ku dhaceen safafka hore ee Taaleban. Laakiin sida Kate Clark oo BBC-da ka tirsan ay ku soo waramayso weerarada lagu qaaday safka hore ee Ururka Taleban ee Waqooyiga caasimadda ayaa ahaa kuwa xaddidan. Weeradii Talaadadana waxaa lala beegsanayay si toos ah meelaha ay ku badanyihiin dagaalyahaniinta Carabta iyo Pakistan. |
![]() |
![]() |
| Cudurka Kudka ayaa laga helay xafiiska u qaabilsan Aqalka Cad waraaqaha Warkan ayaa la xaqiijiyay in cudurka uu sababay geerida laba ka mid ah shaqaalaha Boostada ee Magaalada Washington. Hase yeeshee Afhayeen u hadlay madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in cudurku uusan gaarin aqalka cad, Madaxweeyanahana uusan saameeynin. Madaxweyne George Bush ayaa sheegay in arintan ay tusaale u tahay in Mareykanka uu dagaal laba weji leh kula jiro Argagixisada. Saraakiisha Amniga ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo haatan wax caddeeyn ah oo lagu la xiriirin karop 12-ka qof ee laga helay cudurka argagixisada shisheeye, inkasta oo Osama Bin Laden la tuhunsanyahay ka dib weeraradii 11-kii Sebtembar lagu qaaday New York iyo Washington. Bush ayaa ku tilmaamay qof walba oo Anthrax ku soo diyariya oostada in uu ka mid yahay argagixisada, waxaana uu sheegay in inkasta oo uusan haynin caddaymo adag haddana aysan ahayn arin layaab ah in Shabakadda Al-qaciida ee Osama bin Laden ay ka qayb qaadanayso arrintan. |